HomeSababaha Fashilka Somalia: Siyaasadda Somaliweyn 4.5 iyo Nidaamka Federaalka

Sababaha Fashilka Somalia: Siyaasadda Somaliweyn 4.5 iyo Nidaamka Federaalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim Hassan Gagale

Somalia waxaa loola jeedaa dhulkii iyo dadkii Somaliyeed ee dalka Talyaanigu gumaysanjiray kana xoroobay 1dii July, 1960. Laga soo bilaabo rididii kelitaliyihii Somalia, Janaraal Siyaad Barre, sannadkii 1991 waxaa shacabka Somalia soo wajahay dawlad-xumo, nabadgelyo-xumo, geeri joogto ah, barakac, macaluul, argagixiso iyo faragelin shisheeye. Arrimahaasu waxay qofkasta oo uu ku jiro damiir Somalinimo ku abuureen naxdin iyo werwer joogto ah.

 

Marka la darso sababaha dhabta ah ee ay dawladda Somalia u fashilantay, dalkuna u degila’yahay mudada ku dhow 30 sano isla markaana ay ka taaganyihiin dhibaatooyin joogto ah ee xagga nabadgelyada iyo maamulka dawladnimada, waxaa cad inay fashilkaas ka mas’uul yihiin labada arrimood ee kala ah: Siyassadda Somaliweyn ee 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah.

 

Siyaasadda 4.5 macnahedu waxa weeye in Somalia ay tahay dal ay wada leeyihiin 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) oo aan la kala lahayn lana kala sheegankarin sidaas daraadeedna Baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia lagu saleeyo siyaasadda 4.5 ee Somaliweyn. Siyaasadaasu waxay keentay in dadka Somalia laga faramaroojiyo dawladoodii ay iyagu u soo halgameen oo xoraysteen 1dii July 1960 isla markaana laga hoosaasiyo inay wax qabsadaan. Dadka Somalia waxaa lagu majarahabaabiyaa, lagu hoosaasiyaa laguna jaahwareeriyaa Somaliweyn riyo ah oo aan la garanayn samanka ay hirgelidoonto iyo in kale. Si 5ta Somaliyeed uga qaybgasho dawladda Somalia ayaa waxaa dadka Somalia lagu beerlaxawsadaa in Muqdisho tahay “HOOYADII SOMALIYEED”, sidaas daraadeedna aan la kala lahayn dalka iyo dawladda Somalia. Macnaha Somaliweyn waxaa uu maanta noqday figrad uu adeegsado qof raba inuu xukumo dal iyo dad aanu u dhalan si uu ugu danaysto. Maanta cashuurta Muqdisho oo qudha ayaa lagu boobaa magaca Somaliweyn (Siyaasadda 4.5) iyo nidaamka fadaraalnimada.

 

Dhulka Somalia waxaa Taalyaanigii ka xoreeyay dadka Somalia, sida dadka Somaliland dhulkooda uga xoreeyeen Ingiriiskii, dadka Reer Jabuutina uga xoreeyeen dhulkooda Faransiiskii. Haddii Somalia iyo Somaliland kala noqdeen, maxay siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo madaxda dhaqanka Somalia ilaa maanta u garanla’yihiin inay iyaguna samaystaan dawlad ay leeyihiin si ay uga baxaan dhibaatooyinka ay ku jiraan? Goorma ayay fahmidoonaan ujeedada ka dambaysa figradda “Somaliweyn” oo ah in dawladda Somalia laga dhigo raq ay wada cunaan 5ta Somaliyeed, dadka lehna laga hoosaasiyo inay aayahooda ka tashadaan, masiirkoodana gacanta ku dhigaan? Dal aan la kala lahayn lama xukumikaro, dhibaatada lagama saarikaro lamana horumarinkaro. Dal waxaa dhibaatada ka saara oo horumariya dadkiisa oo qura.

 

Dadka ka socda Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya ee ku yimid siyaasadda 4.5 ee naftooda oo qudha matala kuna jira baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka Somalia maxay u qabtaan Somalia? Ma cashuur ayay u keenaan Somalia? Ma ciidan la dagaallama Shabaab, nabadgelyadana ka shaqeeya ayay u keenaan? Marka doorasho timaado Somalia, xagee laga soo dooranayaa? Malaayiinta doolar ee ay qaataan una dhoofiyaan dalalkii ay ka yimaadeen, miyaanay dadka Somalia xaq u lahayn in loogu sameeyo wadooyin, caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo iwm?

 

Dadka Somalia maxay u fahmila’yihiin in muddo ka badan rubuc qarni loo soo shaqo tago lagana hoosaasiyo inay wax qabsadaan? Maxay dadka Somalia u garanla’yihiin in dad usoo shaqo tagay oo aan cidna matalin aanay u keenayn Somaliweyn aan jirin? Qofkasta oo Somali ah wuu rabaa inay Somaliweyn run noqoto oo 5ta Somaliyeed inta ay xoroobaan is-wada raacaan dabadeedna ay Geeska Afrika ka dhalato dawlad Somaliyeed oo xoogweyn laakiin waa gacan uur ku jirta lamana garanayo inay hirgeli iyo in kale. Markaas, ma garbaa in Somalia mustaqbalkeeda ku lumiso Somaliweyn aan jirin maanta balse hugun uun ah. Somalidu waxay dhahdaa: “Midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran.” Somaliweyn waxaa dishay qabyaalad, markaas sow gar maaha in dantaada la qabsado oo la sugo samanka ay Somaliweyn hirgeli iyo in kale? Figradda Somaliweyn waa u simantahay 5ta Somaliyeed ee maaha mid ay wakiil ama mas’uul ka tahay Somalia oo qura. Gar maaha markaas in Somaliweyn lagu baaba’sho Somalia oo qura.

 

Dadka u dhashay Somalia looma oggola inay galaan baarlamaanada iyo xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya sababta oo ah uma dhalan. Waxaa hubaal ah in haddii dadka Somalia gacanta ku dhigilahaayeen dawladnimadooda iskuna tashanlahaayeen muddo hore ay ka bixilahaayeen dhibaatooyinka maanta haysta isla markaana ka adkaan lahaayeen Shabaab iskana saarilahaayeen ciidamada Afrikaanka ah. Carta, Imbagaati iyo dawladihii ka dambeeyayba way wada fashilmeen sababta oo ah waxay ku salaysnaayeen siyaasadda 4.5 ee Somaliweyn iyo nidaamka fadaraalka ah ee loo soo dhoofiyay Somalia. Labadaas arrimood midna dan uma aha Somalia.

 

Kooxda u dhalatay Somaliland ee u soo shaqo tagtay Somalia kama wakiil ah mana matalaan Somaliland iyo dadkeeda. Waxay matalaan calooshooda oo qudha. Somaliland waxay leedahay dawlad matasha dadkeeda iyo dalkeeda. Kooxdaas u dhalatay Somaliland ee ku jirta baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka Somalia waxay sii kala fogaynayaan Somalia iyo Somaliland sababta oo ah ummadda Somaliland ayaa u aragta in kooxdaas siyaasad ahaan lagula dagaallamayo qaranimadeeda iyo dawladnimadeeda lagana dhigayo dad aan xaq u lahayn inay ka tashadaan aayahooda iyo masiirkooda.

 

Sida Somalidu ugu kala baxdo 5ta Somaliyeed ayaa Carabtuna ugu kala baxdaa 18 dal oo isku Diin, Af, Dhaqan, Caado, iyo Midab ah. Sida Somalida oo kale lama garanayo goorta ay hirgelidoonto figradda: “Carabweyn”. Sidaas daraadeed, dalna ma oggola in dal kale oo Carbeed ku xad-gudbo dawladnimadiisa si uu u ilaasho masiirka iyo xornimada ummaddiisa. Ninka Reer Masar ah ma gelikaro baarlamaanka ama xukuumadda Urdun. Xataa kama noqonkaro sarkaal ciidan. Masar iyo Suuriya ayaa midoobay 1958 si ay u horseedaan “Carabweyn” laakiinse way fashilantay arrintaasu markii Suuriya ka baxday midnimadii sannadkii 1961. Somaliland iyo Somalia waxay midoobeen 1960 si ay u horseedaan Somaliweyn laakiin arrintaasu waa fashilantay markii ay kala noqdeen 1991.

 

Haddaba, maxaa dadka Somalia waalay oo ay dawladnimadooda ugu loogeen Somaliweyn lagu danaysto maanta? Maxay u samaysanwaayeen dastuur ay leedahay Somalia oo qudha? Ma iyagaa og in Somaliland usoo moqondoonto? Ma iyagaa og in haddii Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya xorooban ay ku soo biirayaan Somalia? Ma iyagaa og in Jabuuti soo raacidoonto? Maxay dadka Somalia aayahooda iyo masiirkooda uga tashanwaayeen oo u dhisanwaayeen baarlamaan iyo dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha sida Jabuuti iyo Somaliland? Maxay masiirkooda u dhexdhigeen 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) oo aan la ogayn inay isu iman iyo in kale? Dadka Somalia miyay ka wadaninimo yaryihiin Somalida kale? Xaaladda daran ee Somalia maanta ku jirto waxaa ka faa’iida hay’adaha ajanabiga ah iyo ciidamada Afrikaanka ah oo ay ku baxdo boqolaal malaayiin dollar sannadkasta oo aan rabin in Somalia hagaagto. Dal waxaa hagaajinkara dadkiisa oo qura.

 

Arrinta nidaamka fadaraalka iyaduna waxay curyaamisayKala dambaynta dawladnimada Somalia isla markaana dhaawacday midnimada shacabkeeda oo u sii kala qaybsamay qabaa’il sida ay siyaasadda 4.5 u curyaamisay dawladda dhexe ee Muqdisho kana dhigtay waxaan la kala lahayn oo ku dhisan jaahwareer iyo danaystinimo Somaliweyn. Somalia dadkeedu waa isku Af, isku Diin, isku Dhaqan iyo isku Midab, sidaas darteedna uma baahna nidaam fadaraal ah sida dalkasta oo Carbeed aanu ugu baahnayn nidaam fadaraal ah. Nidaamka fadaraalka ah waxaa loogu talagalay oo u baahan dad aan Diin, Af, iyo Dhaqan wadaagin sida dalka Itoobiya.

 

Somalia uma baahna nidaamka fadaraalka ah sababta oo ah waxaa uu kala geeyay dadkeedii wada dhashay ee walaalaha ah kuna sii kala fogeeyay qabyaalad. Bal hadda eeg Gaalkacayo oo u qaybsan laba maamul goboleed (Puntland iyo Galmudug). Waxaa Somalia yeelatay 5 madaxweyne oo aan adduunka ka jirin arrintaas oo uu u keenay nidaamka fadaraalka ah ee loo soo dhoofiyay Somalia oo la rabo in lagu burburiyo Somalia oo aanay dib dambe u soo kicin, cadowgeeda jaarkuna si fudud u qabsado. Fadaraalnimadu waxay Somalia u keentay kala dambayn la’aan iyo kala qaybinta shacabka halka siyaasadda 4.5 u keentay dal iyo dawlad aan la kala lahayn, labadaas arrimood oo ah burburka dawladnimada Somalia.

 

Haddii aanay ummadda Somalia dhakhso uga takhalusin siyaasadda 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah oo galaaftay dawladnimadii Somalia lagama yaabo in dawlad midaysan ka dhalato Somalia oo soo celisa dawladnimadii iyo nabadgelyadii Somalia kana adkaata Shabaab sababta oo ah kuma jirto gacmo dan u ah Somalia. Waxaa habboon in dadka Somalia qabsadaan Shirweyne Qaran oo ay ku heshiiyaan isla markaana ka takhalusaan siyaasadda 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah ee curyaamiyay una horseeday dawlad aan la kala lahayn oo ku dhisan danaystinimo, kala dambayn la’aan iyo qaybsanaan. Dabadeedna dhistaan dawlad ay baarlamaankeeda, xukuumadeeda, garsoorkeeda iyo ciidamadeeda ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha. Waxaa kale oo muhiim ah in gobollada Somalia lagu soo cesho gobollo caadi ah sidii ay ahaanjireen isla markaana loo magacaabo guddoomiyayaal gobollo hoos yimaada dawladda dhexe sida ay yihiin Somaliland iyo Jabuuti.

 

Haddii Somalia dhisato dawlad ay iyadu leedahay, waxaa hubaal ah in wada hadalada Somalia iyo Somaliland ay midho dhalaan la iskuna soo dhawaado. Kuwa maanta ku baaqaya midnimo dhexmarta Somaliland iyo Somalia waxay rabaan inay Somaliland ku ridaan godka weyn ee Somalia ku dhacday oo ah dawladnimo aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) kuna dhisan siyaasadda 4.5 iyo nidaam fadaraal ah oo keenay kala qaybin iyo kala dambayn la’aan lumisa dawladnimada.

 

Somaliland ismay raacin 5ta Somaliyeed 1960 balse waxay is-raaceen Somalia oo qudha, waxayna wadahadal la gelaysaa marka ay dhalato dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha. Somaliweyn wax-ma-wada laha, qolo kasta iyada ayaa iska leh dhulkeeda iyo dawladnimadeeda. Somaliland waxaa leh dadkeeda oo qudha oo xoraystay. Somalia waa in dadkeeda xoraystay uu yeeshaa kana baxdaa siyaasadda 4.5 ee dawladii Somalia ka dhaxaysiisay 5ta Somaliyeed iyo fadaraalka kala irdheeyay. Somalia waxaa fashilkeeda mas’uul ka ah Siyassadda Somaliweyn ee 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah.

 

Allaahumma Balaqtu, Wa Billaahi Towfiiq

Ibrahim Hassan Gagale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories