HomeSaaxiibbada Beesha Caalamka Oo War Ka soo saaray Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka...

Saaxiibbada Beesha Caalamka Oo War Ka soo saaray Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka oo taageerta Nidaamka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland, ayaa war kooban oo ay maanta soo saareen kaga hadlay mudda-kordhinta Golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Somaliland iyo Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Dalka.

Dowladda Maraykanka oo wakiil ka ah saaxiibbada Beesha Caalamka, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen  waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Somaliland si wada-jir ah ugu heshiiyaan hirgelinta Jewi suurta-galinaya in doorashooyinka ku qabsoomaan sida ugu dhakhsaha Badan.

Warka kooban ee ka soo baxay dowladda Maraykanka oo wakiil ka ah beesha Caalamka, waxa lagu yidhi, “Ka dib go’aankii muddo-kordhinta ee toddobaadkan Ka soo baxay Golaha Guurtida Somaliland, saaxiibada beesha caalamka ee taageera geeddi-socodka dimuqraadiyadda, waxay doonayaan inay hoosta ka xariiqaan muhiimadda uu leedahay geeddi-socod heshiis lagu yahay oo ogolaanaya in doorashada sida ugu dhakhsaha badan loo qabto si waafaqsan qodobbada farsamo ee ay soo saareen guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.”

Beesha Calaamku waxa ay metelayaasha siyaasadda Somaliland ugu baaqday inay si wada-jir ah u soo saaraan wakhti laysku raacsan yahay oo ay ku qabsoomaan Doorashooyinka oo ay ku tilmaameen inay udub-dhexaad u tahay sumcadda ay Somaliland ku kasbatay dhinaca Dimuqraadiyadda iyo Xasiloonideeda.

Qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka, waxa lagu yidhi, “Waxaanu mar labaad ku boorinaynaa dhammaan jilayaasha siyaasadda Somaliland inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan sidii la isugu waafaqi lahaa wakhti go’an oo ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka oo gundhig u ah Sumcadda dimuqradiyadeed iyo xasilloonida Somaliland.”

Saaxiibada beesha Caalamka ee war-saxaafadeedka ku saxeexan ayaa kala ah Denmark, Ergayada Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland,Talyaaniga, Netherland, Norway, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories