HomeSaaxiibbada Beesha Caalamka oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Doorashooyinka Somaliland

Saaxiibbada Beesha Caalamka oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waddamada Beesha Caalamka ee taageera nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay qaabkii ay u dhacday Doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka oo 31-kii bishii May ka qabsoontay dalka.

Saaxiibbada Beesha Caalamka oo ka kooban 13 Waddan, ayaa war-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen maanta waxa ay hambalyo u direen shacbiga Somaliland, xukuumadda, xisbiyada siyaasadda iyo guddiga Doorashooyinka oo ay ku bogaadiyeen sida guusha leh ee ay ku qabsoomeen Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo qaabka looga shaqeeyey ammaankeeda.

blank“Marka la eego Doorashooyinkan, waxa caddaatay inay shacabka reer Somaliland muujiyeen sida adag ee ay uga go’an tahay geeddi-socodka doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka Beesha Caalamka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaabinta Somalilandpost.net

Saaxiibbada Beesha Caalamka waxa ay soo dhaweeyeen isla markaana bogaadiyeen in mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakillada ka mid noqdaan Beelaha laga tirada badan yahay iyo Dhalinyarada dalka balse waxa ay walaac ka muujiyeen guul-darrada doorashada ka soo gaadhay murashaxiintii haweenka ee u tartamay kuraasta Golaha Wakiillada oo aan doorashada ku soo bixin.

“Waxaanu si gaar ah u soo dhawaynaynaa doorashada taariikhiga ah ee Dadka laga tirada badan yahay kaga mid noqdeen Golaha Wakiillada iyo tirada badan ee murashaxiinta dhallinyarada ah ee la doortay.

Waxaan aqoonsannahay guulaha la taaban karo ee ay gaadheen murashaxiintii haweenka ahaa intii lagu guda-jiray geedi-socodka doorashada, laakiin waxaanu aad uga xunnahay inaanay suurto-gal noqon inay doorashada ku soo baxaan dumar badan. Tani waxay cashar ay wax ka bartaan u noqonaysaa dhammaan dhinacyada ay qusayso, iyo in dowladda iyo xisbiyada siyaasaddu ay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda ee doorashooyinka dambe,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka oo mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiillada iyo Xukuumaddaba lagaga dalbaday inay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka-qayb-galka haweenka ee siyaasadda dalka.

Beesha Caalamku waxa ay war-murtiyeedka ku sheegeen inay sii wadayaan taageerada nidaamka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ee Somaliland isla markaana ay wada-shaqayn la yeelan doonaan xildhibaannada cusub ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland.

“Waxa weli naga go’an inaan sii wadno wada-shaqeyntayada wax ku oolka ah si aanu usii xoojinno nidaamka dimuqraadiyadda, ka-qayb-galka siyaasadda ee haweenka iyo Beelaha laga tira-badan yahay ee Somaliland iyo inaan taageerno doorashooyin wakhtigooda ku qabsooma ee dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Waxaanu rajeyneynaa inaanu xoojino wadashaqeynta aan la leenahay golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka cusub ee la soo doortay oo labadoodaba kala shaqayno arrimahaas iyo danaha kale ee naga dhexeeya,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-murtiyeedka oo ay wada u soo saareen saaxiibbada beesha caalamka ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Ingiriiska, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories