HomeSaaxada Fanka Iyo Xidigihii Qurxiyay TV-ga Qaranka! By: M. Sh. Cumar –...

Saaxada Fanka Iyo Xidigihii Qurxiyay TV-ga Qaranka! By: M. Sh. Cumar – Tafatiraha Wargeyska Saxafi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Mustafe Geeddi
Mustafe SH. Cumar Geeddi

Fannaanka in la ogaado Magaciisa/Magaceedda, in lagu xidhmo dhegaysigooda, dabadeed la qabatimo sidii balwadda oo la xiiseeyaa wax howl-yar ma aha, mana jiro heesaa ama koox magaceedu ka soo horeeyay oo mar qudha Carro Edeg ku baahday ama dhalatay iyadoo ruux waliba yaqaan, bal fan kasta oo soo baxaa muddo, waxaana uu shiiqiyaa mid ka horeeyay oo uu sida mawjadaha badda uga daba-dhaco.

Haa, fanaaniintu waa silsilad hebelba ama heblaayaba mid ka horaysay ku taxan tahay oo ay si aayar-aayar ah u beddelayso. In badan oo horena, waxaan ka waramay murti ka soo fushay hal-abuur cirraystay ama gabyaa sanaddo badan ka soo muuqday fagaarayaasha Tixda Soomaalida iyo fanaan caan ah oo waayo badan dadka raali-gelin jiray, laakiin, maanta waxaan ka hadlayaa Xiddigaha Geeska iyo saameynta ay ku yeesheen da’yarta waqtigan.

Haa, waa koox karti iyo dedaal la timi oo qabsatay saaxadda fanka Soomaalida xilligan, ka dib markii ay fahmeen waxa uu jamanayo dookha wiilka ama gabadha xiligan hana-qaaday, taasina u soo jiiday in dad badan oo la socota Muusigga casriga ah oo u dhaga-nugul  daawashadoodu ku raagaan habeenba TV ay uga socdaan wadar ahaan.

Haa, habeen hore oo ugu danbeysay cirkaa la wada dhawrayay, waayo xiddigihii ayaa ka socday TV-ga Qaranka Somaliland. waxaana ay u duween taageerayaal aad u badan sidaan filayo. Haa, Saaxiibkay ayaa ka mid ah oo markii aan kulanay dorraad ii sheegay arrintaas, kuye: “Xalay intaan TV-ga qaranka daawaday, weligay hore uma daawan,” dabcan waxaa uu ku daawanayay kooxda ka socotay sida uu qiray.

Laga yaabaa in dadka qaar dhaliilo u hayaan, kuwaasoo ku dura fanaaniinta waayahan danbe  in aanay waqti badan siin Xafidaadda erayadda Tixda iyo tababarka masraxa, Islamarkaana awoodin inay toos uga heesaan fagaare daawashadiisa loo wada joogo. Haa, waxay dadka dhaliilaa tilmaamaan in ay sii duubtaan heesaha ay la shir imanayaan, laakiin, taasi kama horjoogsan quluubta mucaashaqiinta ay u buuxiyeen kaalintii kooxihii la yaqaanay inay ka soo baxaan hooyada Fanka dhulka Af-Soomaaliga lagaga hadlo, waa Hargeysa’e. “Waa run fanaankii aabahaa dhagaysan jiray adigu ma daawan kartid oo jacaylka uu kaaga sheekeeyaa waa taariikh, laakiin, kan maantu waa kula dareen, mana odhan karo dhaliil ma laha. Balse,  casri waliba waxaa uu leeyahay dadkiisa,” sidan waxa yidhi mid ka mid ah dhalinyarada la dhacsan kooxdan oo aan su’aalay aragtidiisa.

Si kale uma amaanayo, hase ahaatee, waxaan ka marakacayaa oo ay isla heleen Curiyihii heesta u tirin lahaa, codeeyihii habdhaca ku ladhayay, mulaxankii Muusiga ugu xawaasheynayay, isku duwihii,  heesaagii, farsamo-yaqaankii iyo xataa Sawir qaadihii. Haa, Intaasiba waa u diyaar  waanan tixi lahaa magacyadooda haddii aanan ka baqayn inaan qaarkood ka tago. Ta kale, waxay la yimaadeen heeso ay leeyihiin oo aan ku ahayn ergiso, waxa ay soo nooleeyeen rejadda laga qabo in mar uun la arko in loo helo xeer si rasmi ah u dhawra xuquuqda lahaanshaha maan-maalka, Sababtoo ah waxaa la arkay baahidda TV-yadu u qabaan wax soo saarka murtida iyo madadaalada, taasina waxay khasab ka dhigaysaa in la siiyo qaddarin iyo wuxuun ka mid ah xuquuqdoodda yaanay wada dhamaane. Sidoo kale, waxay daaha ka feydeen baahida bulshadu u qabto wax soo saar tacab iyo dhaqaaleba loo huray oo xiiso iyo xadantiiyo beeri kara. Waxa kale oo ay abuureen taran iyo su’aalo shabakadaha lagu kulmo ee Intarnetka aad uga dhex-muuqday, Markaa, maxaan ugu diidayaa inaan sheego Libintoodda.

Yaan qalin-taraarine, ujeeddada qormaddu waa inaan aragtidayda cabiro marka koowaad, tan labaadna waa inaan muujiyo in koox kasta oo isa soo saarta aan la xaqirayne Qalinku ka marag kacayo wax soo saarkooda ama wax soo saar la’aantooda, ta saddexaad inaan taageero u muujiyo kooxda xiddigaha Geeska oo ku idhaa ‘Wixii cusub caalamkaa jecele hore u socda’ iyo ta afraad oo ah inaan laftoodda ku dhiiri-geliyo in isku duubnida dani ugu jirto oo ay ku yihiin wax weyn, sidaas darteedna looga fadhiyo in ay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan oo aanay u qaadan inay gaadheen halkii ugu saraysay.

Xigasho Wargeyska Saxafi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories