HomeSaamilayda Warshadda Sibidhka Saaxil oo wada-jir u Shaaciyey in aanay Cid gaar...

Saamilayda Warshadda Sibidhka Saaxil oo wada-jir u Shaaciyey in aanay Cid gaar ahi Lahayn iyo Fariinta Dahabshiil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 20 March, 2012 (SLpost)- Ganacsatada saamilayda ku ah dhismaha warshada Sibidhka ee Saaxil Cement Factory oo ay uu hormuud ka yahay mulkiilaha shirkadda wadaniga ah ee DAHABSHIIL, ayaa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen ku caddeeyey in aanay warshadaasi ahayn mid cid gaar ahi leedahay ee ay ka dhaxayso ummadda Somaliland oo dhan.

Kulan oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen ku dhawaad boqol xubnood oo ahaa mulkiilayaasha ama wakiillada hal-doorka ganacsiga Somaliland, kuwaas oo ka soo kala jeeda dhammaan gobollada dalka, waxa ka sheegeen in warshadda sibidhka ee la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Berbera u furan tahay cid kasta oo ka qaybgalaysa, isla markaana aanay ahayn mid u xidhan shirkadda Dahabshiil oo keliya.

blankAfhayeenka Warshada Sibidhka Saaxil Mr. Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale oo ugu horreyn kulankaasi ka hadlay, ayaa ka warramay warshadda sibidhka ee ay doonayaan inay ka dhisaan Berbera, waxaannu yidhi, “Warshadda Saaxil Cement waa mid ganacsi oo saamilay dadku wada leeyihiin ah oo dhawaan laga aasaasi doono duleedka magaalada Berbera Isha Allaahu, shirkadda Saaxil Cement waxay aaminsan tahay in dalku qaadi karo warshad, laba iyo saddexba si wax-soo-saar iyo shaqaba loo abuuro. Sidaa darteed waxay u aragtaa mashruuc ummadda u dan ah in dadku hantidooda isku darsadaan ay mashruucaa wada kiciyaan. Waxay aaminsan tahay suuqa jira ee sibidhku inuu mid wayn yahay ka gudaheena iyo ka dalalka jaarka ah sida dalka Soomaaliya oo burbur badani ka jiro iyo suuq weyn oo ka dhismaya bariga Afrika oo sibidhku ku yaryahay, markaa in aynu buuraheenaa ka iibino waanu ku qanacsanahay. Waxaannu aaminsanahay in aynu samayno warshad weyn oo suuqeena iyo wixii inala jaar ahba gaadhsiino.”

Mr. Ismaaciil waxa uu sheegay in Warshadda Sibidhka Saaxil ka madaxbannaan doonto shirkadda Dahabshiil oo iyada doorkeedu yahay inay xudun ama hormuud u noqotay isku keenida saamilayda, isla markaana ay u furan tahay dadweynaha inay kaga qaybgalaan warshadaasi lacag u dhaxaysa kun ilaa malyuun doollar.

“Shirkadda sibidhka ee Saaxil waa mid aannu doonayno inay u dhisnaato sida casriga ah  ee shirkadaha caalamiga ah loo maamulo oo dadka maamulayaa ay yihiin qaar lagu xushay khibradooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda, muhimna maaha in saamilayda iyo maamulku isku qasmo ee dad la xulan doono, waxaanay u muuqataa in badankoodu ka imanayaan dalka dibadiisa.

Doorka Dahabshiil ee shirkaddaasi waxa weeye inuu noqdo xudunta isku keenaysa dadkii shirkaddaasi maalgashan lahaa, waayo dad tijaar iyo ganacsato ah ayeynu leenahay oo mid waliba meel gaar ah uu iska taagnaa. Sidaa darteed in dadkaasi la isku keeno oo warshadaa lagu mideeyo xoolahooda iyo muruqooda ayuu Dahabshiil aaminsanyahay, doorkaana inuu ciyaari karo ayaa muuqata, waayo baanan waaweyn ma leh, shirkado caymis oo wax damaanad qaada ma lehin, markaa sidii uu arrimahaasi u hirgalin lahaa ayuu Dahabshiil rabaa,” ayuu yidhi Afhayeenka Warshadda Sibidhka Saaxil.

Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ah Mulkiilaha telefiishanka madaxabannaan ee HCTV oo isna shirkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in maadaama maalgashiga warshad baaxad weyn oo ay ku baxayso lacag aad u badani ay caalamiyan u baahan tahay in la helo baanan iyo caymis lagu aaminayo aan looga maarmayn shirkadda Dahabshiil, “Saddex boqol oo milyan la gelinayaa waddan aan la aqoonsanahay anigu qosol baan u haystay marka horeba, laakiin marka ay ka timaado muwaadin ganacsade caan ah oo aan filayo in dadka badankoodu marka horeba lacagtooda ku aamineen inuu qaato doorkaasi oo uu ku dhiirido wadankiisii waa mid soo dhawayn mudan,” ayuu yidhi Mr. Farxaan

Waxa kale oo Farxaan Xaaji Cali sheegay in Somaliland baahi weyn u qabto maalgelin iyo warshado wax-soo-saar oo abuura shaqooyin iyo horumar, isla markaana waxa uu cid kasta oo danaynaysa warshaddaasi sibidhka ugu baaqay inay ka qaybqaadato, isagoo carrabka ku adkeeyey maamulka warshaddu noqon doono mid madaxbannaan oo aan shaqo ku lahayn Dahabshiil.

 Sidoo kale, ganacsade Maxamed Baarjeex oo ka mid ahaa dadka shirka ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Shirkaddu waxay noqon doonta wax la wada leeyahay, waxaanay maasuliyadeedu saaran tahay cidaa masuulka ah umadda ee ay dadku wax u dhiibteen waa dawlada, cida ay siiso iyo siday wax u qeybsadaan dawlada ayey u taala oo sharciyadeeda way sameysay oo ganacsatadu sida ay wax u wada yeelan lahaayeen inay ka wadahadlaan ama cid quudareynaysa oo badani dibadda ha taagnaadaan ama halkan ka fadhiyaan.”

Md. Maxamed Baar-jeex waxa uu intaa raaciyey, “Waxaynu isugu nimid inaynu cadeyno in lawada leeyahay Shirkadda Sibidhka ee Saaxil oo ay tahay saamiley ee aanay cid gooni ahi lahayn oo waxa la wada leeyahay sidii loo wadi lahaana uu noqon doono wixii ay ku heshiiyaan ciddii wax wada yeelata.”

Gebogabadii kulankaasi waxa hadal ka jeediyey mulkiilaha shirkadda DAHABSHIIL Maxamed Siciid Ducaale, ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay hirgelinta warshadaasi tahay sidii loo heli lahaa maalgashi dadka iyo dalkuba ka faa’iidaan.

“Warshadaasi mid cid lagu xumaynayo iyo mid cid loola jeedo toona maaha, waa mid dalka iyo danta dadka la doonayo in wax loogu qabto. Adduunka meel walba in lacag la gashado diyaar baa loo yahay oo waa loo gacan-haadiyaa ama la kala xodxodtaa cidii maalgashanaysa, laakiin ma jirto dunida meel tidhaahda yaan waxba la gashan oo yaan waxba la samayn oo wax allaale wixii la qaadaba qaylo ooda laga qaadayaa. Inkasta oo aanan cid durayn, inaga maalmahan waad arkayseen muranno taagtaagan, markaa taa dadka waxaan leeyahay anagu ballaayo ma wadno, cid duulaan kuma nihin, gobol iyo cid iyo meel aanu qabsanaynaa, laakiin waxaannu isleenahay waxqabta, taa haddii dadka qaar khalad u fahmaan waa nasiib-darro,” ayuu yidhi Maxamed Siciid.

blankWaxa kale oo Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale beeniyey in la siiyay buuraha sibidhka Berbera, waxaannu yidhi, “Buuro naloo xidhay ama nala siiyey ma jiraan ee warshad liisankeedii ayaa nala siiyey, marka ay hawsheedu bilaabantana meelaha ay sibidhka ka qaadanayso dawladda ayaanu uga fadhinaa. Buur cid la siin karaa ma jirto oo haddii aynu is nidhaa qaybsada buuruhuba inaguba filna. Ta labaad maalmo dhawayd waxa tiifiiyada laga sii daayey kaabado la leeyahay cid baa leh oo laga dumiyey, dadweynaha waxaan u caddaynayaa kaabado aannu meel ka samaynay, kaabado nalaga dumiyey oo aannu leenahay ma jiraan, malaha kaabadaha la duminayey wuxuun baa dhigtay kuwa duminayey ee annagu shaqo kuma lihin. Annagu shuruucda dalka ayaanu u hoggaansanahay, bogcadii laga dhisi lahaana warshadda dawladda ayeynu uga fadhinaa oo inoo tilmaamaysa. Shirkaddanina maaha wax cidi tuurta ku sidito ee dadka oo dhan way u furan tahay oo qof waliba dantiisa ayuu ku galayaa, kuwa na diidani haddii galayaan cidi uma diidana ee albaabadu way furan yihiin.”

Dhinaca kale, ganacsade Maxamed Siciid waxa uu sheegay in aannu qorshahoodu ahayn ku koobnayn warshadda sibidhka oo keliya, balse ay ku talo jiraan sidii ay dalka uga samayn lahaayeen warshado kale oo wax-soo-saar oo dadweynuhu wada leeyihiin ee aan iyaga gaar u ahayn.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories