Home"Saami Qaybsiga Waxa Iska Lahaa Asxaabta Qaranka Oo Ka Maagay Oo Kalsoonidoodii...

“Saami Qaybsiga Waxa Iska Lahaa Asxaabta Qaranka Oo Ka Maagay Oo Kalsoonidoodii Yeelan Waayay” Danjire Cawil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Madaxweyne mucaaradka ugu baaqay inay aqbalaan go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho, maadaama oo buu yidhi ay hore u balan qaadeen inay aqbali doonaan go’aanka uu soo saari doono Madaxweynuhu.

mqdefault

 

Danjire Cawil, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay, wuxuu kaloo sheegay in qaddiyadda saami qaybsigu tahay mawduuc xaasaasi ah oo u baahan in si degen looga baaraan dego. Cawil wuxuu ugu horayn isagoo ka hadlaya saami qaybsiga uu yidhi , “Umadu waxay wax ku noqotaa kalsoonida ay isu hayso,  umadu way hagaastaa haddii ay madaxweynaha ay doorteen noqdo mid ay dawlado shisheeye wax u yeedhiyaan, taas oo ka duwan barta ay danta umaddu ku jirto, arrinta saami qaybsigu waxay taagnayd laga bilaabo 1960-kii, Ingiriisku wuxuu inoo qoondeeyay 33 kursi, markaynu calanka qaadanay lama bedelin tiradii ingiriisku inoo qondeeyay, ilduuf taariikhiya ayuu ahaa oo inoo horseeday dhibaatooyin faro badan. Somaliya wuxuu Talyaanigu u qoondeeyay 47 kursi, maalilntay calanka qaateen waxay ka dhigteen 90 kursi, inaga waxa ina seegtay Ingiriisku wuu tagay xornimo  ayaynu qaadanay ee kuraasta ka dhigta inta Somaliya ka dhigatay ama ka badiya oo boqol ka dhigta oo  Somaliya ayaad ku biiraysaane  idinkoo toban kursi dheer u taga weliba, baarlamaankaasna haddaan boqol la tagno lama bedeli kareen, inagaa ilduufnay.”

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Saami qaybsiga waxa iska lahaa asxaabta qaranka oo ka maagay oo kalsoonidoodii yeelan waayay inay xalkeeda keenaan, madaxweynaha ayay ku wareejiyeen iyagoo balan qaaday inay aqbali doonaan go’aan kasta oo madaxweynuhu soo saaro.”

 

Isagoo xisbiyada la hadlaya wuxuu yidhi “Waxa madaxda asxaabta qaranka looga baahanyahay aqbalaadda go’aankaasi sidii ay ku balan qaadeen, haddii saami qaybsigu sidii uu hore u ahaa doorashada lagu qabto waxa hubaal ah in gobalada qaarkood qaadici lahaayeen inay ka qayb galaan doorashada taas oo dhaawac aan laga soo waaqsan u gaysan lahayd jiritaanka Somaliland.”

 

Isagoo ka hadlaya deeq bixiyayaasha wuxuu yidhi “Waa inaynu maskaxda ku haynaa inaanay deeq bixiyayaashu ina xukumin, waxbana inoo yeedhin karin, dalku wuxuu leeyahay madaxweyne la doortay, isagaa ayay u taalaa inuu halka danta umadu ku jirto talabaadeeda qaado, cidna aanu ka yeelin ama dawlad weyn ha noqoto ama mid kale ha noqotee in loo yeedhiyo waxaan danta umaddu ku jirin.”

 

Wuxuu Cawil soo jeediyay in la iska ilaaliyo waxyaabaha ama hadalada dhaawici kara isku duubnida shacabka Somaliland.

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories