HomeSaamaynta uu Cudurka COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Somaliland iyo Miisaaniyadda Dowladda oo...

Saamaynta uu Cudurka COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Somaliland iyo Miisaaniyadda Dowladda oo la soo bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka todobaadlaha ah ee ay isugu yimaaddaan Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu soo bandhigay Saamaynta Dhaqaale ee uu dalka iyo xukuumadda ku yeeshay xannuunka Covid-19 oo si xawli ah ugu fidaya dunida.

blankShirka Golaha Wasiirrada oo u qabsoomay qaab maqal iyo muuqaal ah iyagoo Xafiisyadooda jooga sababo la xidhiidha saamaynta Caabuqa Coronavirus awgeed, ayaa lagaga dooday saamaynta dhaqaale ee uu ku yeeshay dalka iyo sidii xukuumaddu u xoojin lahayd dedaallada lagaga hortagayo inuu xannuunka ku faafo dalka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha, Mr Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa lagu faahfaahiyey qodobbo kale oo lagaga dooday shirka Golaha Wasiirrada, waxa warbixin la xidhiidha heer uu xannuunkani ka marayo dalka lagaga dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi oo faahfaahin ka bixiyey tirada dadka xannuunka laga helay iyo hawl-wadeenno caafimaad oo wasaaraddu u dirtay gobollada dalka.

War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado, iyada oo wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadduna soo diyaarisay habkan casriga ah ee shirku ku qabsoomay.

Waxaana kulankaa lagaga arrinsaday xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus (Covid 19) oo ah mid dunida aafeeyey, iyadoo xukuumadduna dedaal ugu jirto xakamaynta iyo ka hortagga xanuunkaasi sidii aanu dalka iyo bulshada ugu faafi lahayn.

Waxaana ugu horrayn warbixin la xidhiidha xanuunka covid 19 laga dhegeystay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi waxaanu wasiirku ku dheeraaday dadaalka iyo u diyaargarawga ka hortagga xanuunka ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto iyadoo kaashanaysa guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka ay xil weyn iska saareen badqabka bulshada, waxaanu wasiirku sheegay in baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka, tirada rasmiga ah ee xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo shaaciyey, iyada oo laba qof oo laga shakisan yahayna jawaabta shaybaadhkooda la sugayo, sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in gobol walba iyo xuduudaha dalka ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xanuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka covid 19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha warbixin ka siiyay hawsha ay wadaan isagoo xusay inay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan ka hortaga iyo diyaar garowga xanuunka Covid-19 iyagoo kaashanaya guddiyada gobolada iyo degmooyinka ilaa imikana si fiican ay hawshu ugu socoto, wuxuna tilmaamay madaxweyne ku xigeenku in ay socoto fulinta go’aamadii ay soo saareen.

Dhinaca kale, wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xanuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa awgeed la tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan doonta saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo.

Ugu danbayntii waxa goluhu isla qaateen in la dardargeliyo baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada ee xanuunka covid 19, iyagoo shacabka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddida heer qaran ee Covid-19 iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories