HomeSaamaynta ay isticmaalka Dekedda Berbera ku yeelan karto Air Djibouti oo Duullimaadkeedii...

Saamaynta ay isticmaalka Dekedda Berbera ku yeelan karto Air Djibouti oo Duullimaadkeedii u horreeyey ka bilowday Madaarka Hargeysa iyo Jawaabaha Somaliland & Jabuuti

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa, waxa Isniintii todobaadkan markii u horeysay muddo tobanaan sanno ah soo caga-dhigatay Diyaarad ay leedahay ka soo qshirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti oo aan Liisaan Ganacsi iyo oggolaanshiyo midna ka haysan Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.

Shirkadda Air Djibouti oo ay iska leedahay dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, muddo 13 sanno ahna ka maqnayd Suuqyada Duullimaadyada Caalamka kaddib markii ay dhaqaale la’aani ku dhacday Sannadkii 2002-dii oo albaabada loo laabay, ayaa todobaadkan dib uga bilowday duullimaadyadeeda magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa, iyadoo Isniintii dorraad soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Cigaal, waxaanay sidday Alaabooyin Kaargoo ah oo ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland, taas oo laga soo dejiyey Dekedda Jabuuti.

Air Djibouti_HargeisaGuddoomiyaha Dekeddaha Dowladda Jabuuti Abubaker Cumar Haddi oo u warramay Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay Air Djibouti oo magaalada Jabuuti ka qaaddday Alaab Kaargoo ah oo Culayskeedu gaadhayo Lix Tan ay caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa Isniintii doorraad, isagoo sheegay inuu yahay duullimaadkii u horreeyey ee shirkaddu ku bilowday duullimaadyadeeda.

Lama oga nooca ay ahayd alaabta Kaargooda ee diyaaraddu sidday iyo sababta ay xukuumadda Somaliland ugu oggolaatay inay madaarka soo fadhiisato iyadoon wax oggolaanshiyo ah ka haysan Wasaaradda Duuliska iyo Hawada ee Somaliland.

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo Wargeyska Himilo khadka telefonka kula xidhiidhay, ayaa xaqiijiyey inay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa soo caga-dhigatay diyaarad ay leedahay shirkadda Air Djibouti oo aan dokumentiyo sharci ah oo wada-shaqayneed ka haysan Wasaaradda Duulista iyo Hawada, balse waxa uu Maamule Maxamed sheegay in in diyaaraddu xidhiidh la soo samaysay Wasaaradda Duulista ka hor intii aanay duullimaadka ku iman Hargeysa, kana codsatay in loo oggolaado duullimaad hal maalin ah.

“Diyaaraddaasi way jirtaa oo waxay ahayd kuwa Kaargooga, markii ay imanaysay waxay naga soo codsatay oggolaansho maalin ah inay timaaddo, waa loo oggolaadya, way timi, waxayna sidday alaabo Kaargoo ah oo dad muwaadiniin ahi leeyihiin. Immikana waxay doonaysaa inay bilowdo inay si joogto ah Kaargoo uga soo qaaddo Jabuuti,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa oo khadka telefonka ugu warramay Weriye ka tirsan Himilo.

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Diyaaraddu waxay naga soo dalbatay ogolaansho, annaguna waxaanu u dirnay shuruudihii loo baahnaa, waxay ku maqan yihiin oo aanu ka sugaynaa jawaabta shuruudahaas, markaa wasaaraddu way ka fiirsanaysaa, wax oggolaansho ahna ilaa immika may bixin, waananu eegaynaa haddii ay shuruudaha buuxiso waanu siinaynaa (Liisanka Duullimaadka).”

Mr Maxamed Yuusuf ma sheegin nooca Alaabta Kaargoo ah ee diyaaraddu sidday iyo cidda iska lahayd, haseyeeshee sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP, bilowga duullimaadka diyaaradda Air Djibouti, ayaa hordhac u ah Qorshe dowladda Jabuuti ku abuurayso xidhiidho cusub oo ganacsi iyo sidii loogu qaadi lahaa alaabooyinka Kaargoo ah ee ka soo dega Dekedda magaalada Djibouti oo ah marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga dalka Itoobiya oo boqolkiiba 90 ganacsigeedu ku tiirsan yahay.

“Tani waa fursaddii ka maqnayd ee Jabuuti tabaysay, waxaan rejaynayaa in diyaaraddu naga caawin doonto inaanu helno macaamiil badan oo isticmaasha dekeddayada, waayo waxay fududaynaysaa qaadista Kaargooga. Tusaale ahaan, Inta u dhaxaysa Dekedaha Shanghai iyo Abuja, koonrteenarka Kaargoogu ku jiro inuu gaadho waxay ku qaadataa 75 maalmood, laakiin marka Alaabtu soo gaadho Dekeddda Jabuuti, muddo kooban ayay ku qaadanaysaa marka lagu qaado diyaaradda, waanay ka jaban tahay qiimo ahaan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Dekedda Jabuuti, isagoo intaas ku daray inay diyaaraddu todobaadyada soo socda duullimaadyo ku tagi doonto magaalooyinka Muqdisho, Caasimadda Koonfurta Sudan ee Jubba iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti, ayaa wakhtigan hawl-gelisay Diyaaradda kaliya ee Isniintiii soo fadhiisatay magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inay shirkaddu dabayaaqada sannadkan soo iibsato Shan diyaaradood oo kale, kuwaas oo ay ku bilaabi doonto duullimaadyada Rakaabka bishan November ee sannadkan, waxaanay dowladda Jabuuti hirgelinta qorshayaashaas iyo tabobarka Shaqaalaha ka hawl-galaya u kiraysatay Shirkad lagu magacaabo Cardiff Aviation oo fadhigeedu yahay gobolka Wales ee dalka Britain, taas oo sidoo ka caawinaysa inay dalalka Midowga Yurub uga diyaariso Shuruucda Duullimaadyo dabayaaqada sannadkan ay shirkaddu ka bilaabi doonto.

Air Djibouti oo aan hore uga hawl-galin Somaliland, ayaa la filayaa inay beddesho shirkad ay wada-lahaayeen ganacsato reer Jabuuti ah oo lagu magacaabi jiray Djibouti Airlines, taas oo duullimaadyo ku iman jiray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka hor intii aan albaabada loo laabin sannadkii 2009-kii.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Jabuuti oo ku hawlan dhismaha laba dekeddood oo cusub, ayaa dekeddoodu loollan adag oo dhinaca ganacsiga ahi ka dhexeeyaa Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, waxaanay duullimaadyada shirkadda Diyaaradaha ee Air Djibouti, gaar ahaan diyaaradda Kaargoo ahi u suurto-galinaysaa inay dekedda Jabuuti noqoto dekedda ugu weyn ee ganacsiga Geeska Afrika ku xidhan yahay.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories