HomeSaadaasha garsoorka Somaliland

Saadaasha garsoorka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dhawaan ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilkii qaranka uu u hayay ka qaaday gudoomiyihii maxakamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo mudo dheer lasoo shaqeeyay qaranka.

Garsoor ayaa inta badan caado iyo dhaqan u leh in uu umada dhex u ahaado dhankaste oo qaranku leeyahayn uu la yeesho wada shaqayn iyo isla jaanqaad suuban taasoo keeni karta inuu ahaado saaxiib dhow oo ka war hayaa dareenka iyo xaaladaha kala duwan ee ay ku suganyihiin bulsho weynta Somaliland shacab iyo dawladba, dhanka kale waxa uu yahay garsoorku goob kalliya ee qof dulman garab bido mid dacwoonayaa uu u cawdo mid qalad iyo gaf lagu sameeyay oo xaqiisi lagu xad gudbaynay waa goob xaqiisa usoo dhicisa, isla jeerkaasna waa goob sheegta ciqaabta qof xad gudba iyo waajibaadka laga jaraayo ee u dhigma danbiga uu gaystay.

Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali oo runa ahaantii soo qaatay wakhtigii allah qadaray inuu ahaado gudoomiyaha maxkamada sare ee qaranka ayaa ahaa mid ay kasoo baxday cabashooyin badan oo dhinacyo kala duwan kasoo yeedhay haday noqoto dhanka bulshada rayidka ah iyo dhanka waaxaha dawlada eek ala duwan sidii uu madaxweynuhu sheegay isagoo la shaqayn kari waayay gudidii cadaalada ee ka koobnayd xubnaha kala duwan.

Waaxda garsoorka oo in badanba laga filaayay in is bedel uu ku sameeyo madaxweynuhu ayaa kusoo beegmatay wakhti ay sii siyaaday cabashooyinka kasoo yeedhaya waaxdaas taaso kaliftay in si degdeg ah wax looga qabto loogana fal celiyo baahida weyn ee loo qabo darted.

Hadii garabka uu qaranku ku tiirsanyahay liico ayaa waxay horseedi kartaa in dhamaan shacabku meel kasta oo uu ku noolyahay in uu madaxa isla galo wax kala saara oo u garnaqana la waayo hadii aan laga war hayn caafimaad qabta iyo gudashada shaqooyinka ay xaqa u leeyihiin gudashadooda .

Gudoomiyaha cusub ee dhawaan la filaayo in uu madaxweynuhu soo xuli doona ayaa ah mid ay hawlo badani u yaalaa taasoo u baahan in garab iyo dhiiri galin iyo wada shaqayba laga siiyo dhinac kaste oo ay wada shaqayn yeelandoonaan waaxda garsoorka, waxaan sidoo kale rajaynayaa inuu noqon doono mid ka shaqayn doona toosinta qaladaadkii hore iyo taakulaynta dadka taagta daran.

Waxaan allah ka rajaynayaa garsoor fiican garnayaay waajibaadkiisa shaqo kuna kalsoon awoodiisa uu qaranku siiyay iyo in madaxweynuhu insha allah heli doono cid ku haboon booska oo gudan doonta xilkeeda sida loogu talo galay.

Bulshadana waxaan leeyahay qofka cusub ee la magacaabo hadaydaan duco iyo taloba la garab galin ruuxna kaligii waxba ma qaban karo ee dedaalku dhankeenana waa looga baahanyahay ee taa ogsoonaada hana is dhiganina.

 

Qalinkii hoodo ayaan

hoodo.ayaan@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories