HomeSaacadda Qishka Imtixaannada Oo Dhibaato Ku Haysa Dugsiyda Dalka Ingiriiska Iyo Cabashada...

Saacadda Qishka Imtixaannada Oo Dhibaato Ku Haysa Dugsiyda Dalka Ingiriiska Iyo Cabashada Macallimiinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

2London (Geeska)- Barayaal Ingiriis ah ayaa cabasho weyn ka muujiyey saacado si fudud looga iibsan karo suuqa Internet ka oo ardaydu ay u isticmaali karaan qishka Imtixaannada.

Saacaddani waxa ay awood u leedahay in lagu kaydiyo macluumaad aad u tiro badan iyo qoraallo dhaadheer, taas oo ardayga u fududaynaysa in uu si sahal ah ugu kaydiyo qoraallo iyo duruus aad u badan, si sahal ahna shaashadda saacadda uga akhrisan karo marka uu u baahdo. Dhibaatada ah in saacaddan uu ardayga doonaa si sahal ah internet ka uga iibsan karo isaga oo aan suuq ka raadin, tusaale ahaan suuqa internet ka Amazon oo ah kuwa ugu waaweyn dunida, waxaa ka sii daran saacaddan oo leh batam yar oo qofku marka uu taabto dhaqso u qarinaya dhammaan qoraalkii marka hore shaashadda yaallay ee uu akhrisanayey, waxa aanay taasi fududaynaysaa in ardayga xidhani uu imtixaanka ka qiso, marka uu dareemo in kormeer ama macallin ku soo dhowyahayna batamkaas uun taabto si ay u noqoto saacad caadiya oo waqtiga iyo taariikhda uun shaashaddeeda laga arki karo.

Maamuleyaal dugsi oo arrintan ka hadlay ayaa si aad ah uga cawday saacadahan oo aad ugu soo badanaya suuqyada iyaga oo qiimahooduna aanu qaali ahayn, iyada oo qaarkood awood u leeyihiin in ay kaydiyaan qoraallo, sawirro iyo filimo mararka qaarkood culayskoodu gaadhayo illaa 8 GB.

Sharciga imtixaanaadka ee dalka Ingiriisku waxa uu hore u mamnuucay in goobaha imtixaanku ka socdo ardaydu la soo galaan, talefannada iyo saacadaha casriga ah. Laakiin Joe Seidres oo maamule ku xigeen dugsi ah ayaa mar uu dhowaan u warramay idaacadda BBC qaybteeda Ingiriisiga oo Geeska Afrika uu warkan ka soo xigtay, waxa uu sheegay in sharcigan oo jira haddana ardayda sidata aaladahan iyo noocyada aaladahan casriga ah oo sii kordhaya awgeed ay mar kasta maamulka dugsiga ku sii adkaanayso in uu arrintan wax ka qabto.

Seidres waxa uu ku dooday in saacado noocan ah oo ardayda laga iibiyaa ay tahay arrin aan anshax ahaan wanaagsanayn, waayo ardayga oo xilliga imtixaanka sakati iyo didmo badan qaba, ayaa marka uu arko dhaqso u iibsanaya isaga oo xal moodaya. Saacadahan waxaa lagu sameeyaa dalka Maraykanka oo lagu iibiyo, laakiin haddana ardayga ka iibsada internet ka waxaa si fudud loogu soo dirayaa boosta oo maalmo yar gudahood uu ku helayaa isaga oo dalkiisa Ingiriiska iska jooga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories