HomeRuushka oo Weerarro Hor leh ku Qaaday Caasimadda Ukraine iyo Dagaalka oo...

Ruushka oo Weerarro Hor leh ku Qaaday Caasimadda Ukraine iyo Dagaalka oo Weji kale Yeeshay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Milatariga dalka Ruushka ayaa weerarro loo adeegsaday Gantaallo iyo diyaaradaha Is-wada ku qaaday qaybo ka mid ah gobollada dalka Ukraine oo caasimadda dalkaasi ku jirto.

Magaalo-madaxda Ukraine ee Kyiv, waxa goobo kala duwan lagu bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahan (Drones) oo walxaha Qarxa lagu rakibay, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaadhay dhismayaal waaweyn oo magaalada ku yaalla.

Maayarka magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay inay caasimadda ku dhaceen 28 diyaaradaha Drones-ka ee Is-miidaaminta loo isticmaalo isla markaana ay ku dhinteen afar qof halka Saddex kalena dhaawacyo ka soo gaadhayeen. Maayarku waxa uu sheegay in qaybaha kala duwan ee magaalada laga maqlay toban Qarax oo waaweyn oo goobo muhiim ah ku dhacay.

Dowladda Ukriane, ayaa ku eedaysay dalka Iran ku eedaysay inay dowladda ruushka ka iibisay Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Is-miidaaminta (Kamikaze) loo adeegsaday, kuwaas oo qayb ka noqday hubka ugu muhiimsan ee Milatariga Ruushku u adeegsado gudaha dalka Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, ayaa midowga Yurub ugu baaqay inay cuna-qabatayn hor leh ku soo rogaan dalka Iran maadaama oo sida uu sheegay “cadowgooda” ka iibiyeen Diyaarado Is-miidaamin ah oo Shacabkiisa waxyeello loogu geystay.

Haseyeeshee, waxa eedayntan ka jawaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran oo waxba kama jiraan ku tilmaantay. “Warka la faafiyey ee ku saabsan in Iran ay Ruushka siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa mid dano siyaasadeed laga leeyahay,  waxaana faafiyey saxaafadda reer galbeedka. Ma jiro wax hub ah oo aanu siinnay dhinac ka mid ah dalalka dagaalka ku jira,” sidaa waxa yidhi afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Nasser Kanaani.

Madaxa siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in raadinayaan caddaymo dhab ah oo ku saabsan doorka uu dalka Iran ku leeyahay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Ruushku u isticmaalay weerarka maanta ee caasimadda Ukraine, ayaa u muuqda in dagaalku yeeshay weji kale, iyadoo xilligan ay si wada-jir ah carbis Milatari ugu jiraan Milatariga dalka Belarus iyo kuwa Ruushka oo la sheegay inay ku sugan yihiin meel aan ka durugsanayn xuduudka dalka Ukraine la leeyahay Belarus. Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, ayaa u dhow xuduudka dalka Belarus oo ah saaxiibka kaliya ee Ruushku ku leeyahay Bariga qaaradda Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories