HomeRuushka oo Dhoolas-tus Milatari oo Cajiib ah ku xusay 70-guurada Guushii uu...

Ruushka oo Dhoolas-tus Milatari oo Cajiib ah ku xusay 70-guurada Guushii uu ka gaadhay Dagaalkii labaad ee Adduunka (Daawo Sawirrada)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ruussMoscow (SLpost)- Dowladda Ruushka ayaa maanta u dabaal degtay 70-guuradii ka soo wareegatay guusha ay ka gaadheen dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ciidamadii Midowgii Soofiyeeti kaga guulaysteen Ciidamadii  Naziga Jarmalka ee uu hoggaaminayey Adolf Hitler oo duullaan ku qaaday waddamada Yurub intooda badan.

Munaasibad ballaadhan oo xambaarsan dhoolatus milatari, ayaa lagu qabtay barxadda hore ee Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremelin-ka ee magaalada Moscow, halkaas oo lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee Hubka Ruushka iyo Ciidamadiisa, iyada oo sidoo kale ay ka qayb-galeen ciidamo ka socda qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

russisDabaal-deggan oo ahaa mid heerkiisa sareeyay ayaanay ka soo qeyb galin madaxda reer galbeedka, sababo ku aadan fara gelinta Ruushka ee Ukraine. Laakiin waxaa taa bedelkeed Ruushka ku casuumay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo xaaskiisa, waxaana dhoolatuska milateri markii u horeysay ka qeyb qaadanayay Askar ka socday dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dalka Kazakhstan oo mid ahaan jiray Midowgii Soofeeyi iyo Madaxweyneyaasha Venezeula iyo Zimbabwe, Nicolas Maduro iyo Robert Mugabe oo iyaga aanay isku wanaagsanayn reer Galbeedka.

Ruushka ayaa dhoolatuska milateri ku soo bandhigay gaadiidka xambaara hubka waa weyn iyo nooc cusub oo Taangi ah oo lagu magacaabo T-14 oo noociisa aan hore loo samaynin.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa tacsi iyo xushmo u diray halyeeyadii Midowgii Soofiyeeti oo Ruushku ka mid ahaa ee kaga geeriyooday dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana uu mar kale muujiyay doorka Ruushka ku leeyahay Caalamka.

Ruushka oo ah xoogga kaliya ee wakhtigan ka jooga Midowgii Soofeeyi, ayaa dagaalkii labaad ee Adduunka oo ay waddamo reer Galbeed ah iska xulafaysteen duulaankii Hitler oo markii dambe ay jabiyeen, waxa dagaalkaas kaga geeriyooday malaayiin qof oo isugu jiray Shacab iyo Milatari.

DAAWO SAWIRRADA

ruuusruuurussia rushii rushhs rush2 rush rus lol buli

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories