HomeRuushka oo Burburiyey Hub Tiro Badan oo Reer Galbeedku ku Caawiyey Ukraine

Ruushka oo Burburiyey Hub Tiro Badan oo Reer Galbeedku ku Caawiyey Ukraine

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Moscow (SLpost)- Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, ayaa sheegtay inay ciidamadoodu burburiyeen hub tiro badan oo dalalka reer Galbeedka uga yimi Dalka Ukraine, kaas oo lagu garoon Milatari oo ku yaalla magaalada Odessa ee Koonfurta dalkaas.

blankWasaaradda Gaashaan-dhigga Ruushku waxa ay sheegtay inay burburinta hubka u adeegsadeen Gantaal casri ah oo ay dhawaan tijaabiyeen, kaas oo lagu bartilmaamedsaday xarun lagu keydiyo Hubka oo ku taalla Garoon Milatari oo ku yaala magaalada dekedda ah Odessa oo ku taalla xeebta Badda Madow (Black Sea).

Warkan oo aanu ka soo xigannay telefishanka RT, Sida uu shir-jaraa’id ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku, waxa gantaalka lagu bartilmaameedsaday gegida diyaaradaha ee Odessa oo hubka laga soo dejiyey.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa faafisay muuqaalka Gantaalka lagu bartilmaameedsaday milatariga Ukraine, waxaana warkan xaqiijiyey badhasaabka gobolka Odessa oo sheegay in Garoonka diyaaradaha ee Odessa oo dhawaan faraha laga qaaday dhismihiisa lagu burburiyey gantaal Ruushku ka soo riday gobolka Crimea oo hore uga tirsanaan jiray Ukraine.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Ruushku waxa kale oo uu sheegay inay weerarro diyaarado ku burburiyeen dhowr bartilmaameed oo Milatari Ukraine leeyahay, kuwaas oo ay ku jiraan laba goobood oo ay yaallaan gantaalaha Difaaca ee loo yaqaanno S-300 kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Zaporozhye iyo Artemovsk ee dalka Ukraine.

Waxa ay toddobaadkii hore markii ay Ruushku sheegteen inay weerarro gantaallo ah ku burburiyeen goobo lagu keydiyo hubka dalalka Reer Galbeedku ugu deeqaan Ukraine oo ku yaalla magaalada Odessa, haseyeeshee dowladda Ukraine, waxa ay sheegtay milatariga Ruushku dhowr gantaal la beegsadeen dhowr xaafado dad shacab ahi deggen yihiin, dad badanina ku dhinteen.

Milatariga Ruushka ayaa weerar ku qaaday dalka Ukraine bishii February ee sannadkan, kaddib markii sida la sheegay ay xukuumadda Kiev ku fashilantay inay u hoggaansanto heshiis labada waddan dhexmaray sannadkii 2014-kaas, wakhtigaas oo Ruushku awood Milatari kula wareegay gobolka Crimea.

Heshiiska oo labada waddan ku dhexmaray maga
alada Minsk ee caasimadda Belarus, ayaa dhigayey inuu dalka Ukraine dhex-dhexaad ka noqday xafiiltanka iyo dhul-ballaadhsiga u dhexeeya Xulafada reer Galbeedka ee NATO iyo Ruushka.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigayey inay maamul-hoosaad madax-bannaani haysta yeeshaan labada jamhuuriyadeed ee Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla gobolka Donbas ee Bariga dalka Ukraine, kaas oo shacabka ku nooli ku hadlaan luuqadda Ruushka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories