HomeRuni Laba Kama Wada Qosliso – W.Q: Maxamed Cali

Runi Laba Kama Wada Qosliso – W.Q: Maxamed Cali

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maxamed Cali MuuseDimoqraadiyada Somaliland waxay abuurtay in Xukuumada Somaliland xukuumada yar yari ka hoos samaysmeen. Waxa jirta in musheekhda, salaadiinta, cuqaasha, ugaasyada in u mid walba iskii u yahay xukuumad.  In ay sidaas arimuhu u dhacaanna waxa u sobob ah dimoqaariyada an xad lahayn ee ka jirta Somaliland.  Afrika oo dhan kama dhacdo tan oo kale. Dimoqraadiyadan an seetaysnayni waxay leedahay khatarteeda.

An bilowna xukuumadaha musheekhda. Musheekhdo iga oo isku qarinaaya diinteena suuban ayay Jimca walba magarafoonka haystaan oo ay waxan loo diran ka sheekeeyaan. Diinta Islaamku waxay qof walba faraysaa in u cadaalada ku dhaqmo oo u ummada isku soo dhaweeyo oo u macruufka faro, kana waaniyo xumaanta. Musheekhda qaarkood waxay huwan yihiin maqaar qabiilo oo waxay ka sheqeeyaan isku dir iyo kala qaybin, waxayna fara geliyaan maamulka xukuumada, waxay noqdeen siyaasiin. Musheehkda qaarkood waxay u baahan yihiin tababaro diineed iyo cadaaladeed. Barhan danbana waxaba soo baxay musheekh magayadii afrikaanka iyo Somaliladaba ka tegtay oo la baxay magacyo rag qiimu ku leh diinta oo anyna meela ka sawaabin gaadhina karin.  Kuwan qaarkood waxayba isku haystaan in sawaabiyaan ragii hormoodka u ahaa diinta islaamka faafinteedii. Waxay cabsi geliyaan ummada. Allaha sahlu eh waxa xukuumada looga baahan yahay waci gelin ku saabsan arimahaas.

Salaadiinta, Quqaasha iyo Ugaasyaduna waxay kala sooci kari laayihiin xukunka dowladnimo iyo wixii dhaqanka u ahaa horjoogayaasha qabaailka. Kuwani waxay khalkhal geliyaan nimaadka dimoqraadiga ah ay xukuumado ku dhaqanto. Mid kasta oo kuwaas ka mid ihiba wuxuu toosa subixii isaga oo ku wardisanaaya “tolow xageen maanta duqeeyaa si an u soo xaasiliyio masruufkayga”. Waxa shaqo u ah in ay dhibaato an jirin sheegaan oo ay kiciyaan reeraha ay ka soo jeedaan. Waxase la yaab leh xuguumada og dhibaatada kuwani ku hayaan ummada ee hadana naas nuujinaysa. Xuguumada waxa ka sii daran kuwa qurba jooga ah ee masaariifta ka bixiya horjoogayaashaas ee ka dhigay makarafoon qurba joogu iska leeyihiin. Wax tarka horjoogayaashaasi leeyihiin waxa ka badan dhibaatada ay keenaan.

Hadaba sidii ay xeegona xeega u noqon lahayd ilkana u nabad geli lahaayeen waa in xukuumado sharci u dejisaa howlaha dadkaasi qabanayaan ee dhaqanka la xidhiidha oo meel ay ku joogsadaan loo xariiqo. Sida hadda arimuhu u socdaan waa ninba meeshi ka dirir. Sidaasi waxay yarasay tayadii xukummada, waxayna xukuumado u dhowdahay in ay kuwaasi ku biirto. Wadanku wuxuu leehayay distoor, xeer ilaalin, dhaqan ilaalin, Golayaal Sharciga ilaaliya, iyo nidaam xukuumadeed oo kala dambays leh. Waxad moodaa in ay xukuumado talu ku gaadhay si ay u nabad gasho in ay dadkaasi ku taageerto wixii ay doonayaan oo ay u fuliso una dhibyarayso. Waar runi allay taqaanaaye, ha loo caqli celiyo kuwan isku sheegaaya musheekhda iyo horjoogayaasha ee ku dul nool ummada reer Somaliland. Xumaan iyo diimoqraadiyadi meel kuma wada noolaan karaan ee waa in la kala xadeeyaa. Shaqadii ay horjoogayaasha reeruhu lahaayeen waa in ay dib ugu noqdaan.

Qore: Maxaamad Cali Muuse ( Kanada )

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories