HomeRoobabka Gu'ga oo ka Curtay Gobollada Somaliland

Roobabka Gu’ga oo ka Curtay Gobollada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Roobabka Gu’ga ayaa si rasmi ah uga curtay Gobollada Somaliland, iyadoo maanta roobabku ku da’een deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa caasimadda u tahay.

blankMagaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, waxa gelinkii dambe ee maanta ka da’ay roobab lagu diirsatay oo dadku ku qabowsadeen xilli lagu gudo-jiro cimilo kulul wakhtiyada habeenkii iyo maalintiiba.

Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, waxa Jimcihii shalay ka da’day roob maasheeyey bulshada ku dhaqan magaaladaas iyo nawaaxigeeda.

Roobabka Gu’ga ayaa inta badan ka bilaabma deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland 21-bisha March oo ku beegan maanta, iyadoo xilligan ay bilaabmaan Roobabka Saddexda bilood ee Gu’ga oo loo yaqaanno Seermawaydo, Dirirka Cawleed iyo Dirir Sagaale.

 

Magacyada Roobab Xilliga Gu’ga

In kasta oo Deegaamada Soomaalida magacyo kala duwan loo yaqaanno, haddana gobollada Somaliland intooda badan waxa xilliga Gu’ga ka da’da Afar nooc oo roobab ku suntan magacyo kala duwan.

Mid ka midah Abwaannada Dhaqan-yaqaanka ah ee Somaliland oo ka warrayey magacyada loo yaqaanno roobabka da’da xilliga Gu’ga ayaa sheegay sidan:-

“Dirir Daydo: Waxaa la fishaa dabayaaqada bisha Maarch, waana roob deggan oo dhibco yayar oo aan lahayn onkod iyo dabayl, inta badan laha daad rogmanaya, cawska ayaa aad u baxa. Dirir Seermawaydo: Waa roob caadi ahaan Gugu ka curto, wuxuuna ku beegan yahay badhtanka bisha April, waana onkod iyo hillaac miidhan oo dhibco waaweyn.
Dirir Cawleed: Wax uu galaa bisha May, waana roob dabayli waddo oo dheereeya oo halkii aad ka filaysay meel aan ahayn u booda. Dirir Sagaale: wax uu da’aa bisha Juun mana tayo badna. Haddii aad maqasho Beri-samaad iyo Gu’ hagaagay, waa afarta dirir oo wada roobbanaada.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories