HomeRoobab ka da’ay deegaamo ka tirsan gobolka Selel iyo Mucaawimo Jabuuti ka...

Roobab ka da’ay deegaamo ka tirsan gobolka Selel iyo Mucaawimo Jabuuti ka timi oo laga qaybiyey Gobolkaas

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Saylac (SLpost)- Raxmaadka Eebbe  ayaa habeen hore ka da’ay Deegaamo ka tirsan Gobolka Selel oo ka mid ah Gobolada ay abaarta xooggani ka taagnayd, Sidoo kale waxaa Gobolkaasi soo gaadhay raashin Mucaawimo ah oo ah deeqdii ugu badnayd ee dalka debeddiisa laga soo gaadhsiiyo Gobolkaas.

Deegaamada Roobabku ka da’een oo kala ah Xariirad, Xamaas, Cabdiqaadir iyo Jidhi, ayey dadka ku nooli sheegeen inay ku qabawsadeen Raxmaadka Eebbe, maadaama abaar  saddex sanno jirsatay ka taagnayd Gobolka Selel.

Dhinaca kale Raashinka ah oo dhan afar boqol iyo konton tan  ayaa loogu talo galay dadkii ku tabaaloobay abaaraha ka jira jiidaha gobolkaas isla markaana loo qoondeeyay Lix Kun iyo Boqol iyo Siddeed Qoys ayaa qaybinteedii laga bilaabay in ka badan Labaatan Tuulo oo ka mid ah Gobolka Selel.

Deeqdan oo ka timid Xukuumadda Jabuuti, isuguna jirta bariis, saliid, daqiiq, bacaha guryaha lagu dhisto, waxay dawlada Jabuuti soo mar siisay ururka RAMAD oo ah urur samafal oo ay ku midoobeen jaaliyadaha gobolada Awdal iyo Selel ee ku dhaqan dalka Jabuuti, waxaana kaga hortagay Magaalada Lawyacado ee Xuduuda Somaliland iyo Jabuuti Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geele, Gudoomiyaha Hay’ada NEERAD Maxamed Muuse Cawaale, Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed iyo Maayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi Cawad.

Xukuumada jabuuti ayaa noqonaysa dawladii ugu horaysay ee deeq soo gaadhsiisa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan gobolada Awdal iyo Selel, isla markaana jawaab deg-deg ah ka bixisa baaqii uu madaxwaynaha Somaliland ku dalbaday in gurmad lala soo gaadho dadka iyo duunyada ay saamaysay abaaraha ka taagan qaybo ka mid ah Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories