HomeROOB-DOONTII LAGU HUNGOOBAY

ROOB-DOONTII LAGU HUNGOOBAY

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Quraanka Kariimka ah waxa uu inbadan inooga waramay Umado hore , oo Alle u soo diray Anbiyo ; wacdiya , waanaiya  , kana reeba xumaha ay dhex dabaaalayaan , inbadan ay iska diiday kuna qacan saydhay .

Waano iyo wacdi dheer kadib , intii beenisay ee ku jeesjeestay Anbiyadi Alle u soo diray , waxa lagu soo dajiyay ciqaab . umadkastana Ciqaab gaara ayaa lagu ciqaayabayay , xanuujisa , isla markaana ka filan karaan deeganka ku xeersan

Sidaa umad kasta loogu ciqaabay mid ku jaan-go’an Degaankooda , ayaa u kala duwan yihiin maanta Ciqaabaha alle soo dajiyo ; oo nin Paris jogaa abaar ma filanayo  , sida aanu nin hargaysa jooga u filanayn bulkaano waawayn oo ku qarxa .

Hadaba Ciqaabta Alle oo inaga ay ugu horayso Roobla’aanto maxaa keena , se maxaa inaga dul qaadi kara .

Bal aynu dib u jaleecno abuurkii Nabi Aadam iyo odoraskii malaa’igto ka filatay aadamaha dhulka dushiisa lagu unkayo ; malaa’igta oo alle la hadlaya –markuu u sheegay in aadamaha dhulka ku abuuryo-  ayaa yidhi ”  “ma dajinaysaa –dhulka- cid dhul-biis ah , dhiigana ku daadiya “ . Aayad kale Alle (SW)waxa uu  ku yidhi   Dhul-biis nimadii ayaa ka soo if-baxay Barrigii iyo Baddiba , si loogaa jarro badh ka mid waxay kasbadeen”.

Dhul-biisnimada uu Alle inooga waramay maaha uu qudha Danbiyada inta badan la inga wacdiyo , sida salad la’aanta , khamriga iyo sinada . Se waxaa ka horeeya oo ka dhadhan san karnaa ayaada ay malaa’igu kusi odorasayso dhul-biis nimada ay ka warameen inay tahay; dhulka siduu ilahay u abuuray iyo dheela-tirnaantiisa oo wax laga badalo ; sida xaalufiska dhirta , qiiqa badane hawada lagu sii daynayo, saxarow  ga iyo buuraha la burburinayo oo isu dhelatirnatii dhulka ; intaaso dhan awgeedna lagu ciqaabayo Aadamaha, mid kasta iyo ciqaab – uu ka filan karo deegaankiisa uu biiyay – lagu salidayo ; sida duuufanda , abaaraha , dhul-gariir ka iyo qaar kaloo badan .

Hadaba markale aynu is waydiinee sababta abaaruhu inoogu habsaday ma danbiyada inta badan la inaga wacdiyoo qudha, mise kuwo aynaan marna iska wacdiyin baa ku lamaan , inta aynu fahmaynana abaartu ina haysan doonto , Alle bariga iyo Roob-doontana aynu ku hungoobi-doono markasta.

Inbadan ayaa duri kara arinkan , isla markaan ku xidhaya Alla-bari iyo Roob-doon qudha , soona daliishanaya ayaado ay ka mid tahay ; Nabi Nuux markii uu  tol-kii la hadlayay ee uu ku lahaa     odhanayana Alle waxa uu inoo sheegayay hadaa istiqfaar iyo alle bari la timaad in uu Roob keenayo , xoolo iyo caruur ku siinayo , beero iyo wabiyana samaynayo. Hadaba Aayada Ma wada akhriyeen Se siday tahay ma u fahmeen ; tusaale ahaan – Nin aan xaas lahayne haduu Alle ka baryo caruur danbi dhaaf badana la yimaad ma heli karaa caruur , Jawaabtu waa maya . sidoo kale nin dhirtii roobka keenaysa xaalufinaya , dhul kana biinaya ma helayaa roob Alle-bari ba ha la yimaadee , jawaabtu yadna waa maya . markaa Ninka Alle roob ka baryaya isagoo dhirta xaalufinaya degaankiina biinaya waxa uu la mid yuhuun nin wakhti Jilaal lagu jiro Roob-doon dadka ugu yeedhaya , Eebana  ka baryaya in jiilaalka Roobka u shubo .

Gunta iyo gababada waxaa dawlada iyo hantiilayasha u soo jeedin lahaa inay u guntadaan inay la dagalaaman xaalufiska iyo dhul-biinta . culimada iyo wadaadaduna  ay ka wacdiyaan dadka una sheegan in roob la’aanta ina haysaa ka dhalatay dhul-biisnimada.

 

W/Q : Cabdiraxmaan Axmed Cabdilaahi (sudaysi)

Email: sudaysi8@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories