HomeROME: Somaliland iyo Talyaaniga oo ka wada-hadlay Qodobbo Xaasaasi ah (SAWIRRO)

ROME: Somaliland iyo Talyaaniga oo ka wada-hadlay Qodobbo Xaasaasi ah (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Rome (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dowladda Talyaaniga, kala hadashay sidii ay qayb-qaadan lahayd Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay dhaqaalaha ku bixiyaan waddamada Midowga Yurub isla markaana loo soo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya labada waddan.

Sidoo kale waxa ay labada dowladood ka wada-hadleen qodobbo kale oo aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland iyo kor u qaadista cilaaqaadka labada waddan ku jiraan.

KULAN (1)Qodobbadan ayaa lagaga wada-hadlay kulan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ku dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Lapo Pistelli, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulanka iyo socdaal wasiirku ku mari doono waddamo ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga Mudane, Lapo Pistelli Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda dalka Taliyaaniga.

KULAN (3)Labada wasiir ayaa kulan ay ku qaateen Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Taliyaaniga kaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin 1) Cilaaqaadka labada wadan ee dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta 2) Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii ictiraaf uga heli lahaayeen wadamada reer Yurub ee Taliyaanigu ka mid yahay 3) Sidii dawladda Talyaanigu uga mid noqon lahaayeen Sanduuqa horumarinta Somaliland

Kulanka oo labada masuul ay kaga wada hadlayeen arrimahaasi kor ku xusan sidii loo dardargalin lahaa iskaashi iyo xidhiidh cusub oo labada wadan ay yeeshaan, ayaa la isla afgartay badiba qodobadii laga wada hadlay iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka dhoofay caawa Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga isaga oo gaadhay Magaalada London oo kulan kula yeelan doono Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingiriiska,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka  ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland.

KULAN (2)KULAN (4)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories