HomeRoman Abramovich oo Iska Iibinaya Naadiga Chelsea iyo Milicsiga Guulihii uu Kooxda...

Roman Abramovich oo Iska Iibinaya Naadiga Chelsea iyo Milicsiga Guulihii uu Kooxda Gaadhsiiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Maal-qabeenka u dhashay waddanka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa shaaciyey inuu iska iibinayo Kooxda Chelsea ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska.

Abramovich oo da’diisu tahay 55-jir, ayaa go’aankan shaaciyey kaddib markii uu soo food-saaray culays xooggan oo kaga yimi dowladda iyo Shacabka Ingiriiska tan iyo markii ay Ciidammada Ruushku duulaanka ku qaadeen dalka Ukraine.

Waddamada reer Galbeedka, ayaa cuna-qabatayn ku soo rogay dalka Ruushka iyo Maalqabeennada u dhashay dalkaas oo uu ka mid yahay Bilyaneerkan oo haatan go’aansaday inuu iska iibiyo kooxda Chelsea oo uu iibsaday sannadkii 2003-dii.

Qoraal uu ku shaaciyey go’aankiisa oo lagu baahiyey website-ka Kooxda Chelsea, waxa uu Maalqabeenku ku yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa inaan ka hadlo wararka la isla dhexmarayo maalmihii lasoo dhaafay ee la xidhiidha lahaanshahayga kooxda Chelsea. Sida aan horeba u sheegay, waxaan mar walba qaadan jiray go’aamo dan u ah Kooxda.”

blank“Anigoo ka Duulaya Xaaladda Xilligan jirta, waxaan qaatay go’aanka ah inaan kooxda iska iibiyo, waxaan aaminsanahay inay tani dani ugu jirto kooxda, taageerayaasha, shaqaalaha iyo sidoo kale shirkadaha heshiiska kula jira,” sidaas ayuu Maalqabeenkani ku yidhi qoraalkiisa, isagoo intaas u daray, “Iibka Kooxda ma noqonayo mid deg-deg ah laakiin wuxuu mari doonaa nidaamka saxda ah, ma doonayo in wax deyn ah la isiiyo. Inaan ganacsi ama lacag ka sameeyo umaan iibsan kooxda, laakiin waxay iga ahayd xiisaha aan u qabo ciyaarta kubadda cagta iyo kooxdaba.

Abramovich waxa uu sheegay inuu Hawl-wadeenada Kooxda ku adkeeyey sidii ay u samayn lahaayeen mu’asasad samafal ah oo loogu deeqi doono dakhliga ka soo xerooda Iibka,  isla markaana lacagtaas loogu deeqi doono Dadka waxyeelladu ka soo gaadhay dagaalka Ukraine.

“Waxaan faray kooxdayda inay aasaasaan mu’asasad samafal ah oo dhammaan dakhliga saafiga ah ee iibka ah loogu dhammaan dhibbanayaasha dagaalka Ukraine, waxaana ka mid ah bixinta lacagaha muhiimka ah ee ku wajahan baahiyaha deg-degga ah ee dhibbanayaasha,” sidaas ayuu yidhi Roman Abramovich oo intaas ku daray, “Fadlan ogow in kani uu ahaa go’aan aad u adag in aan qaato, wayna I dambqaysaa in aan kooxda uga tago qaabkan.”

Roman Abramovich waxa uu ugu dambayn macasalaameeyey Kooxda iyo taageerayaashooda, isagoo xusay inuu markii u dambeysay noloshiisa isagoo ah mulkiilaha Chelsea uu booqan doono Garoonka kooxda Stamford Bridge, waxaanu yidhi, “Waxaan rajeynayaa inaan awoodi doono fursad aan markii u dambeyusay ku booqdo Stamford Bridge si aan Shaqsiyan dhammaantiin idiin macsalaameeyo, waxay ii aheyd mudnaan gaar ah oo aanan ilaabi doonin inaan ka mid noqdo kooxda Chelsea, waanan ku faanayaa guulaha aynu wadajirka u gaadhnay, mana iloobi doono Kooxda Chelsea iyo Taageerayaashaba.”

Maal-qabeenka Ruushka ah ee Roman Abramovich ayaa tan markii uu iibsaday kooxda Chelsea sannadkii 2003-dii, waxa uu ballaayin dollar ku kharash-gareeyey dhismaha iyo Horumarinta Kooxda hadday tahay dhinaca ciyaartoyga iyo Agabkaba, waxaanu muddadaas 20-ka sanno ku dhow kooxda gaadhsiiyey Guulihii ugu badnaa ee ay abid ku guulaysato tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1905-tii, isagoo u suurta-galiyey inay kooxda keeno ciyaartooy magac ku yeeshay kubadda cagta.

Chelsea waxa ay muddadaas ku guulaystay 21 Koob oo isugu jira Tartannada Gudaha Dalka Ingiriiska, horyaallada qaaradda Yurub iyo sidoo kale horyaalka Kooxaha Dunida, kuwaas oo ay ka mid yihiin 5 Premier League, 5 FA Cup, 2 League Cup, 2 Community Shield oo ah Tartannada kubadda cagta ee laga ciyaaro gudaha dalka UK.

Sidoo kale, Chelsea waxa ay ku guulaysatay 2 EUFA Champions League, 2 EUFA Europa League, Hal EUFA Super Cup iyo ugu dambayntii Hal Fifa Club World Cup oo kooxdu sannadkan ku guulaysatay.

Abramovich ayaa macasalaamaynaya Kooxda Chelsea oo xilligan haysata Horyaalka Kooxda Qaaradda Yurub iyo Horyaalka Kooxaha Adduunka.

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories