HomeRober Mugabe oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Rober Mugabe oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Hoggaamiyaha ugu da’da wayn Madaxda Qaaradda Africa, ayaa loo doortay guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika 12- bilood ee sanadkan 2015-ka, isaga oo xilka kala wareegay madawaynaha dalka Muritania Mohamed Ould Abdel Aziz oo jagadaasi hayay sanadkii 2014-kii.

Robert Mogabi oo ah 90 jir muddo dheer hoggaaminayay waddanka Zimbabwe ee Koonfurta Qaaradda Afrika, waxa uu xilka kula wareegay munaasibad shalay ka dhacday Shirka ururka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu khudbad uu halkaas ka jeediyey oo si weyn loogu khushuucay uu taageero ugu muujiyey dalalka madax-bannaani doonka ee qaaradda Afrika.

mugabeRober Mugabe oo reer Galbeedku cuna-qabatayn xagga sodaalka ah ku soo rogeen, ayaa doorashadiisa kaddib khudbad uu ka jeediyey Madasha xilka loogu wareejiyey, waxa uu ka dareen-celiyey kalsoonida uu ka helay madaxda Qaaradda Afrika.

“Waan ku faraxsanahay haddii aad ii doorateen hoggaankiina si khushuuc leh ayaan u aqbalayaa go’aan-wadareedkiina,” ayaa uu yidhi Mogabi.

Mr Mugabe waxa uu soo-hadal qaaday dhaq-dhaqaaqyada madax-bannaanida doonka ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalka Saxaaraha Galbeed oo ka goostay waddanka Marooco, iyada oo dhammaan madaxdii ka qayb-qashay shirku ay u sacabbo-tumeen Mr Mugabe markii uu soo hadal-qaaday qadiyadda ka taagan Saxaaraha Galbeed (Western Sahara).
“Inta ay walaaladayashada Saxaaraha Galbeed ku soo hoos-jiraan Gacanta Marooko, wali maynaan dhammaystirin madax-bannaanideenna.”

Robert Mogabi ayaa noqonayaa hogaamiyihii 13-aad ee qabta jagada guddoomiyaha guud ee Midowga Africa oo ay si wareegto ah ugu tartamaan hogaamiyeyaasha shanta gobol ee bariga, galbeedka, waqooyiga, koonfurta iyo badhtamaha qaaradda Afrika.

Madaxweyne Mugabe oo ah hoggaamiyaha ugu xukunka dheer guud ahaan qaaradda Afrika, waxaanu dalkiisa hoggaaminayay tan iyo markii xorriyada uu qaatay waddanka Simbabwe sannadkii 1980-kii. waxaa lagu dhaliilaa inuu siyaasad kali talis ah ku maamulo dalkaasi, waxaana saaran xanibaad safarka ah oo ay kusoo rogeen midawga Europe iyo Maraykanka oo dalalkooda ka mamnuucay inuu yimaado taasi oo caqabad ku noqon karta xilkiisa cusub waxaana xilka uu hayn doonaa ilaa bisha January ee soo socota.

Shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika ee wali ka socda magaalada Addis Ababa, ayaa diiradda lagu saarayaa Amniga Qaaradda waxaa si gaar ah isha loogu hayaa ururka Boko Xaaraam ee dalka Nigeria.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories