HomeRIYADII XALAY

RIYADII XALAY

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa fiidcawl wuu iska dhacdiidsan yahay indhihisu waxa ay ku maqan yihiin cadceedda sii galbanaysa ee midabka dahabiiga bixinaysa iyo dhirta midabada kala gedisan leh ee is falgalaya. Dooga darmada noqdayna ishiisa jeclaysanaysa. Wuxu kolba fuuqsanaya darmuus casariye loogu keenay oo hareer yaal.

dhawaqa kaliya ee uu maqlaya waa  shimbiro bicilka ka goosanaya geedaha hor qotoma. Jawigu waa mid degen oo neecaw macaani dhabanayso. Ma doonayo in uu maanta maqlo cod aan kaa ahayn.

Wuxu isu diyaarinayaa jaangoynta in uu u abaalceliyo raggii isaga u adeegayey ee kala shaqaynayey soo saarista xaajiga. Ma doonayo qaybin lagu saluugo inu goyo, mana rabo inu cid wax dheeri ah siiyo.

Wuxu la soobaxay diiwaan hareer yaalay oo qalin ku dhex jiray, durba kor ka dareeri magacyada raggiisi la soo halgamay. Ragga waa yaqaan ninba halka u doonayo oo hore ayaa looga heshiyey taa.

Wuxu yidhi isagoo isla hadlaya, “Ninkaa Guhaad agaasimaha maaliyadda dhe.”

Wuxu dib u qooraansaday magacyadii ku dhignaa diiwaanka, judhiiba waxa u soo booday Saxardiid, madaxa inta u ruxu yidhi, “La yaraysan maayo walle, wasiirka wasaaradda waxbarashada sii.”

Markii hore wuu u fikirayee nin walba halkii magaciisu ku yaalu ku dulxariiqay halku la rabay. Galaydh iyo Caydaruus iyaga dib ayuu u dhigtay. Isagii is xasuusay  wuxu isugu hal celiyey, “Qaybiyaa qadee ragga wad horta.”

Waxa uu sameeyey wasaarad la yidhaa wasaaradda jaamacadaha wuu og yahay in aanay jirin se wuxu u unkaya Caydaruus oo boos kale aan afgaranayn. Galaydh wuxu u qoondeeyey inu ahaado xoghayaa odayga. Inkasta oo u ogaa loolankii adkaa ee booska loo galay haddana waa ka badheedhay.

Isagii baa is yidhi xaaji innana? Dee dhexmaraha dawladda, maxaa xil inagu koobaya innagaa dunida haysanee. Mar uu hoos iskula hadlayey buu is tusay  inu isku cumaamado halka uu haysto ninka u majeeranaya haddana waa ka maagay, tallow ma ha laguu gartay ka tahay mooji!.

Goor aan wax la xasuusan buu naftiisi la xanshaashaqay, dawladdi ba dhistee odayga maxaad u reebtay? Dadkii taageeray intan may ahayne, intii kale ma diiqaa?. Isagiiba jawaab iskugu celiyey, “dadba waa innaga.”

Karkaa marku iska riday, nafis oo kala deg run ahaantii. Alla muxu u dagi waayey soo culays iskama furdaamin, soo xilal lagu murmi lahaa ma kala habayn, soo dawlad hawl badnayd  gelin kuma dhisin.

Gaadhigii istaadh shookaantii ku dheg u dhawaaq waardiyihii albaabkii laga fur durba arag mushxaradda iyo dabaaldagga loo hayo guusha odayga.

Laami kasta oo u is yidhaa mar waxa hor istaagay kolonyo baabuur ah oo damashaad wadadii u xidhay, meel aan ka durugsanayn waddada halbawlaha ayaa dhalinyaro damashaadaysaa dhigteen sameecado heeso ka baxayaan. Waddadaa cidhidhiga ahii isaga ma dhibayso maanta, waayo dee waayo!.

Silic ku gaadh gurigii odayga, diiftaa ka soo qabsatay waddada waxa kala weyn guushu gaadho hambalyee odaygii. Raggii uu magacaabay oo meesha wada yururu arkay, Ilaahay balankii jeebada sare ayaabay ugu jirtaa warqaddii uu xilalka ugu soo magacaabay.

Talaabada wuxu u qaaday sidu raggaa ugu sheegi lahaa boosaska uu u gartay, talaabadu qaaday ba wuxu ku war helay garaaca albaabka iyo codka hoose ee lagu leeyahay, “Hurdadii baa kula tagtee u kac shaqada.”

Degdeg u soo bood, waar mee raggii? Odaygii lagu urursanaa mee? Debaaldegii iyo kolonyadii aaway? Guushi iyo dorashadii meeday?. Xaqiiqsay dhalanteedyo inay ahayd riyo habeennimo.

Dhammaad

W/Q: CABDIRISAAQ XASAN RAKUUB

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories