HomeRIYADII SAC-MAALADDA

RIYADII SAC-MAALADDA

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waa-hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku uuman nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey  guul-daraddiisa.

 

Waxa ay  Boqortooyadaasi  ka koobnaaan jirtay saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba  uu  ka soo bixi jiray  musharax  u laylisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada,  isla-markaana waxa lagu kala saari jiray hadba ka buuxiya  10-qodob oo u ahayd astaan, laguna qiimeeyn jiray hoggaamiyenimada.

 

Habkan kala xulashada waxa kale oo ay lahayd  xil-wakhtiyeed leh gu’yaal cayiman, taasoo ahayd  hab-dunida ku cusubaa  kagana  soocnaayeen boqortooyooyinkii  kale ee  jiray, waxaanay dhaqan jireen kumanaan kun oo xoolaha gees-layda Lo’da,  dhinaca noloshana ay  ku tiirsanaayeen dhaqaalaha  ka soo baxa  ka ganacsiga suuq-geynta caanaha lo’daasi, Inkastoo boqorkaasi uu lahaa fikrado horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, haddana waxa sabab u ahayd guul-daradiisii  fikrad ka mid ahayd fikradihiisii oo ahayd inuu raali-galiyo qof kasta.

 

Qaabkii hoggaamineed ee boqorkaasi iyo casharadii laga bartay, waxaynu halkan ku iftiimin doonaa hogaamintu in ay tahay khariidad  lagu gaadho guusha ay u baahan yihiin koox ama ururba, waana isbedelka fikradaha cusub ee loo haraadan yahay iyo himalada,  taasoo  caawisa kuwa qabanaya waxa saxda ah, ka dibna  waxay  ku jiheysaa  dhisitaanka hiigsiga aragtida himilada iyo abuurid cusub, Hoggaaminta aassaasskeedu waa dhaqan iyo waayo aragnimo, mana aha  aqoon keliya,  waxayna ku nooshahay himiladeena mana aha waxa ay inala tahay sida malaheena.

 

Hoggaamiyahaasha intooda badani waxay u isticmaalaan xirfada maareynta,  jihadii ay doonayeen dadkoodu inay ku gaadhaan hiigsigooda, oo ah mid loo siman yahay oo xaq ah,  Waxa kale oo  khariidadu  ina siisaa jiheyn u kala dajisan, siday u kala mudan yihiin iyo astaamo muujinaya in la gaadhay wixii la doonayay oo uu bartilmaameedku ahaa.

Haddana inkastoo, lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu mid bulshadeed, diimeed, siyaasadeed iyo ollole-kooxeed, haddana garaadkeenu wuxuu bixiyaa muuqaalo kala duwan, sida”, Hogaamiye  siyaasadeed: oo  raad-ceeya  xiisihiisa ay keento qofnimadiisu.

Sahamiye:  ka sii gooya wadadii uu maray  dhirtii ay ku sii nasan lahaayeen kooxdii la socotay,  Fuliye:  horumariya  xeelada shirkadu ay kula dagaalami lahayd tartanka.

 

Habkii geedi socodka hogaamineed ee boqorkaasi waxa ay ahayd nooc ka mid ah hogaaminta la yidhaahdo: Hoggaaminta isbedel-doonka, oo loogu magac daray  “ Gubashada ka dib horumarka”,  ka dib, markii ay dhamaan wada badeleen qaabkii loogu tallo-galay hab u socodka maareynta iyo tixraaca wax-qabaddadii ka sii socday xafiisyadii loo magacaabay sac-maaladaasi, waxay sababtay inay bur-buraan dhamaan adeegyadii bulshadu ay ku tiirsanaan jireen iyo inay hoos uga sii dhacdo hab nololeedkii bulshadu ay hiigsanaysay, arrintaasoo dadka indheer-garadka ahi ay hoosta ka xariiqaan isbedelka in la illaaliyo qaabkii loogu talagay hab u socodkii maareynta iyo in sidoo kale la hagaajiyo tixraacyadii wax-qabad kasta oo soo socday.

 

Boqorku isagoo isha ku sidii ay u sii jiri lahayd awooda xukumadiisaasi, wuxuu isticmaalay inuu sameysto meelo uu wax ku sii qarsado, waxaanu  magacaabay Sac-maalo ahaa Shan- xamaal oo awood badan,  kuwaasoo xariifiin ku ahaa siyaasada ganacsiga bulshada ee farsamada casriga ah ee loo isticmaalo suuq-geynta  ganacsiga caanaha lo’da,  ee afka qalaad loogu yeedho”. PEST Analysis  (political economic social and technological analysis, iyo sidoo kale,  ollolaha suuq-geynta waxkasta oo adke ah iyo Subaga saafiga ah ee laga saaro burcad laga lulo caanaha lo’da,  sac-maaladaas oo ay isweydiintoodii ay ahayd in ay ka fikiraan sidii ay reerkoodu faa’iido ugaga heli-lahaayeen adeegyadda ganacsiga ee  kala duwan, mudnaanta koowaad ee ugu fiicana la siiyo iyaga , lagana horeysiiyo cid kasta oo kari karta,  taasoo afka qalaad loogu yeedho “USP Analysis  (unique selling proposition analysis).

 

Waxa kale, oo ay iskaashi la yeesheen sac-maaladaasi,  shaqsiyo kala duwan heerarkoodu oo ka mid ahaa bulshadaasi, iyagoo wax u qabanaya, oo ay siinayeen shaqsiyaadkaasi qaar ka mid ah gaadiid iyo lacag, taasoo ahayd sidii malahoodu uu ahaa in ay ku gaadhi karaan tartanka musharaxnimada mansabka ugu sareeya tallada dalka, isla-markaana ay dadka garaadkooda kaga iibsadaan lacag ay ku gaadhaan awooda jagada hogaaminta.

 

Inkastoo, lagu sameeyo qiimeyn iyo baadhid xaalada ka taagan deegaanka, ganacsiga, iyo shaqsiyaadkaba,  taasoo la yidhaahdo, habka barashada baadhida heerarka aqoonsiga awoodaha wax-qabad ee gudaha, awoodaha uu ku liitay iyo fursadihii uu ka lumiyey arrimaha dibada ee xasaasiga ahaa, taasoo iyana afka-qalaad loogu yeedho “ SWOT  (Strengths, Weaknesses, Opportunities and Threats )

 

Waxa kale oo sac-maaladaasi ay inta badan ka fikiri jireen oo ay jecleysanayeen,  sidii ay u dhex-galin lahaayeen ganacsigooda iyo sidii ay ugu tartami lahaayeen tartamayaashoodu guusha iyo sidoo kale, inay  raadiyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen dib u cusboonaysiinta guusha, (Innovate successful)

 

Noocani waa nooc u eeg qaabka ganacsi oo kale, kaasoo ah mustaq-balka geedi socodkoodaasi,  laakiinse, waxa tijaabiya oo ku guuleysta arragtidoodii goobaha suuq-geynta ganacsiga, kuwaasoo ah kuwa ugu haboon baadhida ugu xeel-dheer ee  suuqyadda.

 

Furaha qiimeynta hoggaaminta boqorkaasina waxay noqotay tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo,  casharada hore ayaa wax laga bartaa.

 

Waxaana haboonayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, una dareensan yihiin, oo ay fahamsan yihiin,  gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hogaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.

 

 

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories