HomeRiyadii Madaxweynaha!

Riyadii Madaxweynaha!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hal-door barkhad oomal-awaalaya sidii uu maruun madaxweyene uga noqon lahaa dalka uu muwaadinka ka yahay ayaa habbeen ka warramay riyo mucjiso ahayd oo uu ku riyooday, isagoon ka dul boodin waaqica iyo duruufaha dhaqan ee innagu xeeran. Haldoor barkhad wuxuu ka mid yahay foolaadka dhallinyarada Somaliland aqoon ahaan aragti ahaan’ Haldoorka oo ka mida dhallinyarada isbedel doonka ah hasayeesha kasoo jeeda beelaha loo quudhay takoorka aanay gayin iyo gunnimada soo taxnayd guyaasha badan. Riyadan mucjisada ah wuxuu noogaga warramay baranaamijOlolaha Cidhibtirka Qabyaaladdaee bishii sideeda dabayaaqadeedi ka dhacay magalada Hargeysa.

“ Waxaan ku riyooday habbeen badh anoo hurda hindise hammigayga aan habbeen ka bixin oo ah inaan madaxweyne u noqodo ummadayda si aan horumar badhaadhe iyo barwaaqo ugu hago. Inaan noqdo madaxweyne taariikh iyo tusaale u noqda hogaanminta dhallinyaradaxasuusta iyo taariikh mahadho ahna aan ka tago. Waxaanan marnaba ka dulboodayn dabarka qabyaaladda iyo heeryadda habysooca beshayda oo aan riyo mooye run ugu hanqal taagi karin mansabka aan ku riyooday inta xaal sidan yahay, waxaan sidaa u leeyahay marka aad eegto heerka qabyaaladda iyo qoqobku taagnyahay dalkeena iyo jiritaanka laangaab iyo laandheer oo lagu kala liibaano.

Waxaan u tartamay xildhibaan gole wakiileed waxaan ku gulaystay cod aqlabiyada iyadoo ay ii codeeyeen kumanaan jecel aqoonta isdhexgalka bulshada iyo sidii looso afjari lahaa haybsooca, oo ay ka mid yihiin kumanaanka qabyaalad diid ee quluubtooda iyo qalbiyadoodu xorta yihiin. Markaan ku guulaystay xubinnimadii xildhibaanimada golaha wakiilada iyadoo damcii madaxweyne igu jiro ayaa waxa geeriyooday madaweynehii dalka xukumaayay, sida dastuurku qoraayo waxa jagadii qaranka ee banaanatay buuxiyaya madaxweyne ku xigeenkii oo aanu ahayn labba qof oo isku aragti ah. Tacisdii kadib waxa la caleemo saaray oo loo cummamaday jagadii madaxweyne nimo ku xigeenkii oo noqday madaxweynihii dalka.

Waxa bannana oo in lasoo buuxiya hadhantahay madaxweyne ku xigeenkii maadama madaxweyenhii geeriyooday, dood iyo falaanqayn dheer kadib waxa lasoo xulay anniga oo ah madaxweyne ku xigeen layga dhigay. Baylaho badan oo ii muuqday waagan debeda ka taagana xilka qaran ee tuurta lay saaray ayaan gufeeyay dadaal badan oo dhallinyaranimana waan sameeyay. Guuxbadan iyo waxaan intaan maqlaayay dhawaaqyo ay ku tiraabayaan dadka qabyaaladda manaafacadsadaa oo ay leeyihiin madaxweyne ku xigeenku waa beel heblaayo. Wuxuunbaan se dareemaya in aan ahay muwaadin xaq iyo xuquuq u leh inuu talada dalkiisa qabto.

Muddo kooban markaan ahaa madaxweyne ku xigeenka qaranka waxay tiisi timi oo Alle

oofsaday madaxweynihii dalka ee aan u ahaa ku xigeenka, afgudhisaa dhacday waxa laga wada fekerayaa jagada cida buuxinaysa oo ah madaxweyne xigeenka iyo haybta uu yahay, iyadoon la aasin waxa la faaleeyay durba beesha aan ahay iyo inaanan mansaka qaban karin. Tacsidii la abaabul oo waxa loo diyaargaroobay sidii aas qaran loogu samayn lahaa madaxweynaha geeriyooday. Jagadii oo ay ku xeeran yihiin duruufo qabyaladeed ayaa lay yidhi sug inta tacsidu dhamanayso markaasa go’aan la gaadhiye garo oo go’aanka waxa hore u gaadhay dastuurka qaranka oo ii xalaalaynaaya inaan madaxweyne noqdo. Doodo badan, shirir doceedyo aan kaa go’ lahaynbaa dalka ka furmay., beel beelba laysu abaabulay oo laysu xan waraystay. Waxaan garwaaqsaday oo aan caad saaraynmansabka hadaan ku adkaysto buuxintiisa dhiig ku daadan karo anno lexejeclo ka qaba shacabka gobta ah waan tanaasulay”

Dareenka Barkhad iyo damaciisa hogaamineed waxa baal yaal haybsooca iyo sida qabyaaladu dabarka ugu xidhay ee aanu u hiigsan karin halkaa iyo meelo kale, ummad ahaan dhaqanka haybsooca oo aan ahayn mid habboon ayaa loo baahanyahy in maanta lasoo afjaro oo xuquuqda iyo xaqa muwaadin ee ay leeyihiin beelaha la haybsooca la xurmeeyo. Haykalka dawladeed iyo hogaanka dalkawaxaka muuqata hagrasho badan oo aanay ka muuqan saamii ahaan waxa loo baahanyahay caado shaydaanka jaan in lasoo afjaro.

Gunnimo ka weyni ma jirto dad isir ahaan, dhaqan ahaan, diin ahaan, deegaan ahaan iyo nasab ahaanba la mida ehelkooda ay la degen yihiin in lagu sameeyo faquuq iyo takoor xaqdaro ah, in xaquuq dooda lagu duudsiyo oo la haybsooco oo layska indha tiro inay la qiime yihiin bulshada kale ee ay la degenyihiin. Ololaha cidhibtirka qabyaaladda ee hadda curtay haddi lasii wado oo si daacada laysu baal taago waxaan qabaa inuu dawo ka noqon doono oo lagusoo afari karo kala laandheerada asaageen inna hoos marisay oo la noqon doono ummad isku aaminta deegan iyo dan wadaag.

Waddamo jaarkeena ah oo tiro ahaan innaga badan oo ay ku wada dhaqan yihiin dad kala isir, diin,g dhaqan iyo af aha ayaa ay ka dhaxaysaa dareen waddaniyadeed oo leh xuquuq siman iyo xaq muwaadin. Dal ahaan innao tiradeena iyo deegaankeenu koobaanyahay oo bulsho ahaana isku dhaqan diin iyo af aha ayaynu qabayaalad iyo qudhun qayrkeen innaga reebay aynu ku mashquulsanahay. Inta sidaa xaal yahayna guuli waa weli, waxa loo baahnyahay in dayrka innagu kala xeeran la jabsho oo la aamino waddaniyad waxwada qabsi iyo walaalnimo. In hogaanka lagu xusho karti, aqoon daacadnimo, ammaano iyo xilkasnimo oo aan lagu cugan jufo iyo jilib waa haddi la doonayo in la helo bulsho mida iyo waddan wacan oo lawada leeyahay.

Maxamed Sidiiq.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories