HomeRiyaddii Rumawday! Qeybtii 8aad

Riyaddii Rumawday! Qeybtii 8aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Ka dib markii ay Baskii ka dageen waxay toos u abaareen Gurrigii Axmed iyo qoyskoodu ay ku noolaayeen,waxaana al-baabka ka furtay Inan(gabadh) u shaqaysa Axmed Xaafadooda.Markii Gurrigii la galay waxa uu u sheegay Caruurtii kale ee ay Walaalaha ayaaheen inay Maanta Seexdaan,kuna qedeeyaan Qol kale oo Gurriga ka mid ah oo Qolkan ay caruurtu wada leedahay oo uu Axmed-na ka mid yahay uu Maanta casharo ay ku wada-qeybayaan Inankan ay isku galaaska yihiin ee Ismaaciil.Intaas ka dib, Axmed ayaa u yeedhay Inantii Gurriga ka shaqaynaysa,waxaana uu ka codsadday inay Qolka kasoo yara xagaajiso,maadama uu la socdo Wiil marti ah oo ay isku galaas yihiin Iskuulka,waxaana uu intaas u raaciyay in Qeddada maanta ay Labadooda oo kali ah iskugu soo riddo,caruurtana dhinacooda ay iskugu gurto Cuntadda.Hawraarsan iyo guddoon ayay ugu jawaabatay Inantii,waxaanay u furtay Qolkii Fadhiga si inta ay Qolkooda usoo hagaajinayso ugu sii nastaan.

 

Sidii ayay yeeleen Axmed Iyo Ismaaciil,waxaanay iska fadhiisteen Qolkii Fadhiga. Intii ay nasashadda ku jireen,ayaa Axmed waxa uu isku dayay in xogo dheeri ah kasiiyo saaxiibkii Qoyskooda,waxaana uu hadalkii ugu bilaabay; “ Walaalo Ismaaciil,waxaad joogtaa gurrigii aabbohaa iyo Hooyaddaa oo kale.An-na waxaan ahay walaalkaa rumaad oo kale.Marna Maskaxdaada yaanay kusoo dhicin inaad joogto Gurri aad marti ku tahay,qariibna hayska dhigin,an-na waxaad iga filataa in aan kuu sameeyo kuuna diyaariyo Bii’o kasta ama Jawi kasta oo aad taas ku dareemaysid.

Qoyskayagu waxa uu ka kooban yahay Shan Caruur ah oo aan anigu ugu weynahay,Hooyo,aabbo iyo Inanta noo shaqaysa.Oday ii adeer ah ayaa isna jira,balse inta badan Xaafadda si joogto ah ugama tirsana oo waxa uu ka shaqeeyaa Dhismaha,markaas mar-mar buu isna noo yimadaa oo Gurriga ayaa Maryaha loogu maydhaa,Reerkiisa iyo Caruurtiisuna waxay deganyihiin Miyi oo marka uu tago xagaas miyiga waxa uu nooga keenaa Caano iyo Subag quraacdda lanoogu darro Subaxii markaanu Iskuulka tagayno.Waxa kale oo laga yaabaa inuu noo keeno ayaamaha soo socdas Wiil uu dhalay oo Caruurtiisa ugu weyn,kaas oo uu rabo inuu waxbarto oo Malcaamadda iyo Iskuulkaba lagu darro.Markaas kolay Berri waa Jimce oo waxaan filayaa inuu inoo iman doono oo markaas baabad arki doontaa haddii ILAAHAY yidhaahdo.

 

Waxa uu nooga sheekeeyaa habeenadda uu noo yimaado sheekooyin badan oo ku saabsan Dacawo,Waraabe,Libaax iyo Bahalo kale oo aan hadda kala ilaabay,kuwaas oo uu noo sheego inay dhamaantood Miyiga joogaan oo ay dadka iyo Xoolahaba Cunaan,waxaana uu noo sheegay in isaga oo Yar uu beri hore ay Dacawo Adhi ka cuntay,ka dibna uu Awoowo Aw Cismaan,ALLAH haw xariistee uu Ul xanuun kulul la dhacay,isaga oo u sheegay in Sababta ay Dacawaddu Adhiga uga cuntay ay tahay isaga oo Meel iska seexday,Adhigiina kala lumay oo qaarna ay Reero kale Xoolahooddii raaceen,qaarna ay dacawo cuntay.

Adeero waxa uu noo sheegay in Xoolahaas ay Berrigaas Dacawaddu ka cuntay ay ka mid ahayd Lax uu lahaa oo la odhan jiray DAYLO,taas oo uu Awoowo Aw-Cismaan siiyay,balse markii uu Dacawadda ka celin waayay adhigii la raaciyay,in habeenkii la garaacay,loona sheegay in aan Neef danbe la siinayn,WAXAR yar oo u hadhayna la siinayo Eddaday Xaawa oo Aabbahay ka yarayd,adeerana ka weynayd.Markii Awoowo Aw-cismaan go’aankaas ka gaadhay Adeero,waxa dhacday in Ayeeyo Caasha ay siisay SABEEN yar oo la odhan jiray KOR-DAHAB,taas oo gu’gii danbe dhashay labba Naylood oo galaalan oo berri danbe loogu Wan-qallay Adeero Cali oo berrigaas dhashay oo halkaas ay adeero kasoo raacday Naanaysta ah Cali-galaal oo uu hadda caan ku yahay,si weyna loogu yaqaano,waxaanu noo sheegay in bixinta naanaystaa ay Lahayd Ayeeyo Caasha oo hadda Nool,lana joogta Eddo Xaawa oo hadda degan Magaaladda dhinaceeda Berri oo iyana waxay nasoo gaadh-gaadhaa Maalmaha fasaha,gaar ahaana Jimcaha iyo Khamiista,anaga-na aabbo ayaa noo geeya Maalinta Ciiddaha ah oo tii dhawaydba waanu u tagnay,waxaanay noo sheegtay in Wiilkeeda Yaxye ay kusoo dari doonto Iskuulkeena oo uu maalin dhawayd dhameeyay Qur’aankii Kariimka ahaa”. Ayuu yidhi Axmed Isaga oo uga sheekayna Qoyskooda iyo qeybaha ay kooban yihiin Ismaaciil,waxaana ay walli fadhiyaan Qolkii Fadhiga ahaa,Inantiina waxay u hagaajinaysaa Qolkii ay rabeen inay ku qadeeyaan,goor dhawna seexdaan.Axmed waxa uu sii ambo-qaadayaa sharaxaadii uu wali kasii siinayay Saaxiibkii Ismaaciil Nolasha qoyskooda iyo ta Ehelkooda,waxaana uu intaas u raaciyay….

 
Lasoco………
W/Q: Mohamed Hassan Daacad

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories