HomeRiyaddii Rumawday! Qeybtii 7aad

Riyaddii Rumawday! Qeybtii 7aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Axmed waa uu sii hadlay,waxaana uu intaas u raaciyay saaxiibkii Ismaaciil “sidaad ogtahayba waxaynu nahay saaxiibo ay midaysay is-na bartay goobtan waxbarasho ee aynu hadda kasoo wada rawaxnay.Waxa inaga dhexaysa Saaxiib-tinimo ku dhisan walaal-nimo iyo Wadajir.Waxaad iga caawisaa arrimo badan oo Nolashaydda saamayn togan ku leh.Ma aqaano Qabiilka aad tahay,adna waxaan filayaa inaad ila mid tahay,waayo dhawr sanno ayaynu saaxiibo dhaw ahayn,mana xasuusto maalin kali ah oo aad I weydiisay ama aan ku weydiiyay.Dadku inta badan waxa wax layskugu qabtaa oo laysku saaciddaa Xigto-nimo,balse taas ma tihid qof ku sifaysan,an-na waxaan jecelahay in aan Sifadaas wanaagsan kaaga daydo.Waxa uu ILAAHAY kuugu manaystay dabeecad-wanaag iyo faham fiican,kaas oo kuu horseeday inaad magac iyo milgoba ku yeelato ardayda aynu wax wadadhigano.Ismaaciilaw,saaxiib waxaad tahay qof abaal-weyn runtii igu leh,waxaanan si weyn u xasuustaa maalmihii aynu ku jirnay Imtixaankii Xiliga dhexe ee Sannad-dugsiyeedka oo aad si weyn iila dedaashay,adiga oo wakhti dheer ila qaatay” ayuu yihi Axmed isaga ku tiraabaya abaalo tiro badan oo uu u hayo saaxiibkii Ismaaciil,waxa uu intaas ugu daray “Waxaan go’aan ku gaadhay in aan saaxiib kula qeybsaddo Dhibka kula soo darsay,waxaanan kaa ballan-qaadayaa in aanad tabbi doonin Gurrigaas lagaa soo caydhiyay adiga oo ka raysta mooyee maantana anniga ayaad i raacaysaa,Gurrigayagii ayaynu u wada qeddo tagaynaa,is-na daji iskana saar wel-welka saaxiib,waayo waan dareemi karaa qof arday ah oo ay mushkiladdaas oo kale ku timid sida uu xaalkiisu noqonayo”.ayuu hadalkii kaga baxay Axmed.

 
Ismaaciil,ayaa waxa uu si weyn ugu riyaaqay saaxiibkii Axmed gacanta wax-ku-oolka ah ee uu maanta u fidiyay,waxaana uu si weyn ugu mahad-naqay Axmed “ walaalo Axmed,aad iyo aad ayaad u mahad-santahay.ALLAH haku sharfo Axmedaw,waad iga farxisay Wallaahi.Waxaad tahay qof aragti-dheer oo ILAAHAY siiyay Naxariis iyo debecsanaan.Hore ayaa loo yidhi “Saaxiibka dhabta ahi,waa saaxiibka xiliga adag”.Xili adag oo meel halkaas aan hadda taagan yahay uga dhaqaaqo an-niga oo aan garayn ayaad garab iyo gaashaanba ii noqotay,haddii EEBBE Isku keen simana waxaan rajaynayaa in aan abaalkaas guddi doono” ayuu Ismaciil kaga dareen-celiyay warka farxadda iyo galaydh-yaynta leh ee kasoo yeedhay Saaxiibkii Axmed.

 
Halkaas marka xaal marayo,ayaa waxa soo Istagay Baskii ay u raacayeen Xafaddihii.Intii ay Baska la sii socdeen waxa hadalka badankiisa watay Axmed,wuxuuna la wadaagayay saaxiibkii sheekooyin kale duwan oo qosol iyo maad xiiso leh,kuwaas oo uu rabay inuu Saaxiibkii Ismaaciil ku ilawsiiyo saacaddihii xanuunka badnaa ee uu maanta soo qaatay,kuwaas oo raadkii ay ku reebeen ka muuqato Oogadiisa.Dhinaca kale,Ismaaciil ayaa waxa laga dareemayaa is-bedel togan, waxaanay u muuqataa inuu dareemayo Culays laxaad leh oo ka dhacay,taas oo aanu marna Maankiisa gallin inuu xal u helayo ayaamahan,waxaana uu sawiranayay isaga oo noqda Qof gabi-ahaanba ka dhaca Hayaanka dheer ee Nolasha,isla-markaasna ay suuragal-tahay inuu ka mid noqdo Darbi-jiifka Magaaladda ,maadaama ay taas dantu ku hayso oo aanu haynin xal kale oo uu kaas kaga door-biddo.
Hadda waxa lasoo gaadhay goobtii ay Axmed iyo Caruurtoodu kaga dagayeen Baska,waxaana maanta isna halkaas Baska kaga degi doona Ismaaciil.

 
Lasoco………
W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories