HomeRiyaddii Rumawday Qeybtii 4-aad

Riyaddii Rumawday Qeybtii 4-aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ismaaciil waxa  uu noqday Qofkii ugu danbeeyay ee Galaaska iyo Iskuulkaba ka baxa,kaliya waxa ka danbeeyay Macalimiinta gallinka danbe dhigaysa Iskuulka oo qaarkoodna ay hore ka yimaadeen,qaarna ay sugayaan Qedadii oo Xaafadahooda looga soo qaadayo.Waxa uu daal xoogan oo nafsaani ahi ka muuqdo u Jiidayaa Cagaha,mana garanayo meel uu halkan uga dhaqaaqo.Axmed oo intii Xiisadda lagu jiray go’aan ku gaadhay inuu Saaxiibkii maanta kala qeyb qaato xallinta dhibka lasoo darsay,ayaa waxa  uu ku sugayaa goobtii ay iska sii raaci jireen oo ah Dukaan yar oo ay Axmed-aabbihii ugu ballamiyay inuu Nucasaacaha ka qaataan isaga iyo caruurtooda kale ee Iskuulka la dhigtaaba.Ismaaciil ayaa Cago-jiid kusoo gaadhay goobtii Axmed ku sugayay,waxaana uu Axmed ka codsay Ismaaciil inuu si furan ugu sheego sida wax u jiraan,isla-markaasna uu aad u danaynayo inuu ogaado waxa jira si xalka loo helo.Ismaaciil ayaa go’aansaday inuu  Sheekadda oo dhan uga sheekeeyo Axmed,waxaana uu si faah-faahsan ugu sheegay waxay tahay Arrintan gabi-ahaanba hab-nololeedkiisii maalin-nimo sida weyn u bedeshay.

Waxa uu Ismaaciil hadalkii ku bilaabay sida tan: “ Wllo Axmed,qoyskagu waxay degan yihiin Miyi. Waxaan la noolaa Gabadh Eddo iigu toosan oo ay aabbahay Ilmaadeer labbaad yihiin.Iyadda ayaa laykeenay markii qoyskaga layga soo kexeeyay,waxaanay aabbo iyo Hooyaba u sheegtay inay I haynayso,waxna i barayso,ayna iga wer-wer la’aadaan Waalidkay inta aan Magalaadda Joogo,waxaana Waalidkay galay farxad,waayo waxay u arkayeen inay Culays badan oo baahiyahayga Nololeed iyo waxbarashaba ah  ay ka dabooshay,kana kaafiday,isla-markaasna ay mahad-badan uga hayaan,haddii wakhti isku simana ay u guddi doonaan abaalkaas ay ii galeen.

Gabadhaas aanu qaraabadda nahay waxay dhashay caruur isku jira Wiilal iyo Hablo,waxaana dhacday in aanu dhawr jeer aanu islaynay,anniga oo waliba u arkayay inay iyagu iga gardarnaayeen oo aanan anigu wax dhib ah u gaysan.hase-yeeshee mushkiladda dhacday ayaa noqotay in anniga markasta laysaaro eedda iyo wax-yeeladda dhibka dhacay.Waxa jiray dad badan oo nala jaar ahaa,kuwaas oo dhawr jeer usoo jeediyay gabadha ii Eddada ah in aanay noo kala eexaan Caruurteedda oo xattaa haddii aan anigu gar-daranahay ay iyaga(Caruurteeda) u sheegto inuu Wiilku (Ismaaciil) yahay Walaalkood oo aanay u arkin Wiil qariib ah ama aan La-walaalo ahayn.Balse taasi may noqon mid shaqaysa,waxaana si joogto ah iila deris noqday Handidaad iyo dhibaatayn ah Gardaro garab og.Waxa laygu soo oogay tobaanan danbi oo aan lug ku lahayn,kuwaas oo ciqaabtoodiina lay mariyay.Waxaas oo dhammiba saleelo ayay ahaayeen Saaka waxa amar buuxa laygu siiyay in aanan dib uga soo xaadiri Karin Gurriga,isla-markaasna aan Magaaladda dhinac ka galo,waxaana intaas ii dheer haddii aan ka gaws adaygo amarkaas in aan Mudan doono ciqaab hor leh, si aanay taasi u dhicin oo aanu dhibkaasi ii soo gaadhin waxay tahay in aan fuliyo amarkaas,aan kana xamaan urursaddo Hoygan Silica iyo dhibka badan aan ku qabo,balse ay ku noolaanshihiisa ay dantu igu hayso,waayo Magaaladdaaas dhan ee aan ku nool-nahay kama garanayo  cid kale oo iyaga ii dhaamma oo aan la noolaado.

Hooyadday iyo aabbahay ma jirto wax og ah oo ay ka hayaan dhibka baaxadda leh ee I haysta,waxaasba waxa igaga daran si aan xaaladda aan ku suganahay aan ku gaadhsiiyo-na ma awoodo;uma bixi karo Miyigii oo maba hayo waxii aan ku taggi lahaa ee Nooli ama qarash ahaa.Dhinaca kalena,kama taggi karo Waxbarashadii oo waad ogtahay heerka aynu  maanta joogno iyo marxaladda Waxbarasho ee aynu  ku jirno  oo hadda hal bil wax ka yar ayaa ka hadhsan Imtixaankii Weynaa ee aynu sannad-dugsiyeedkan kaga gudbaynay. Waxaas aan kaaga soo sheekeeyayba waa sahaalo eh’ ma hayo Wax aan ku nolaado oo ugu yaraan Maanta aan ku qedeeyo,hoy aan seexdo iyo wax aan ku sii wato Waxbarashadayda oo intaan Imtixaanka la galinba waxa laynaga doonayaa Lacagtii Bisha,tii Baska iyo tii Waraaqaha Imtixaanka laynoogu soo daabacayo”. Ayuu yidhi Ismaaciil oo si faah-faahsan oo daah-furnaan ah uga sheekaynaya Xaaladda nololeed ee uu ku noolaa,ta maanta haysta iyo waayaha adag ee kusoo fool leh.

Axmed oo si weyn ugu dheg-raaricinayay hadaladda midiba midda kale ka dareen-taabad badan tahay ee uu ku tiraabayo Ismaaciil,kagana sheegayno Waayo-culayskeeda leh oo la-deris ah,ayaa dhinac-na ka farxay,dhinac-na ka naxay!. Ugu horaynba waxa uu ku farxay….

Lasoco……………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories