HomeRiyaddii Rumawday Qeybtii 3-aad

Riyaddii Rumawday Qeybtii 3-aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Axmed oo ka mid ahaa Ardayda ay Ismaaciil isku Kursiga ahaayeen,isla-markaasna ay isla wadaagi jireen xalinta masalooyinka Casharadda kala duwan ee ay Iskuulka ku qaataan,ayaa intii u dhexaysay Labadda Xiisadood ee ay Macalimiintu is-bedelaan waxa uu saaxiibkii Ismaaciil weydiiyay waxa Maanta kusoo kordhay iyo siday wax-yihiin?.Balse Ismaaciil waxa uu u sheegay Saaxiibkii in dhibka haysta aanu waxba Axmed-ahaan waxba ka qaban Karin,sidaas darteedna in uu u sheegaa aanay wax qiimo ah lahayn.

Axmed ayaa hadalkii si weyn u dhex-qaaday,waxaana uu u maleeyay in saaxiibkii ay Maanta la-deristahay mushkilad balaadhani,isaga oo sawirtay in arrimahaas ay ka mid noqon karto Geeri ku timid Qoyska Ismaaciil,waxaana uu go’aansaday inuu Saaxiibkii Ismaaciil uu ula-babac dhigo sidii uu ula qeybsan lahaa dhibtaadda haysata iyo in Marka ay Wakhtiga Rawaxaadda gaadho uu ka codsado Ismaaciil in waxa jira uu si furan oo dhab ah ugu sheego,isla-markaasna uu u balan-qaadayo inuu Taageero la barbar istaagi doono.Wiilkan Axmed isna waxa kusoo wareegay qeybo ka mid ah wer-werkii iyo Fikirkii la la-deriska ahaa Ismaaciil,waxaana uu aad uga naxsan yahay Is-bedelka Muragada leh ee ka muuqda Oogadda Saaxiib ay Kal iyo Laab isku jecelyihiin,kana caawiyay Masalooyin badan oo dhinaca duruusta Iskuulka ah,maadama oo uu Ismaaciil yahay Arday fahmo-wanaagsan oo Xaafidul-qur’aan ah,aadna uga dhex muuqda Ardayda ay isku fasalka yihiin iyo guud ahaanba Iskuulkaba,waayo Ismaaciil maamulka sare ee Iskuulku waxay u aqoonsan inuu yahay Sheekha-yar ee Iskuulka,waxaana Subax kasta loogu yeedhaa inuu Qur’aanka ka akhriyo Daabuurka (Safka ay ardaydu gasho subax hore),taas oo keentay inuu noqdo Jawharad ka dhex-iftiimaysa Dugsi ay boqolaal da’yari dhigtaan.

Axmed,isna waa Wiil iska af-gaaban,isla-markaasna dabeecad wanaagsan.Waxa uu kasoo jeedaa Qoys ladan.Aabihii waxa uu ka mid yahay Tujaarka caanka ee Magaaladda,waxaanu taageero siiyaa Dugsigan uu Wiilkiisu dhigto.Waxa uu ka mid yahay Dadka wax laga weydiiyo baahiyaha lasoo dersa Iskuulka.ILAAHAY-na waxa uu ku manaystay gacan-furnaan iyo deegsi-nimo.Iskuulka waxa u dhigta afar (4) Caruur ah oo uu Axmed ugu weyn yahay oo iskugu jira Wiilal iyo Hablo.

Curadkiisa Axmed-yare isna waxa uu ku tilmaaman yahay sifooyin badan oo Aabihii ku tilmaaman yahay,ayna ka mid yihiin Deeqsi-nimadda iyo Gacan-furnaanta.Inta xiisadda lagu jiro Ardayga waaya ama uu ka Xumaado Qalin iyo wax la mid ah,waxa uu si kalsooni leh uga soo doontaa Axmed,isaga oo ku rajo-qaba inuu ka helayo.

Wali may dhamaanin Xiisadihii Iskuulku’,waxaana wali hab-fikirkii dheeraa ku kala jira Axmed Iyo Ismaaciil oo mid walba dhinaciisa waayuhu u lurayaan.Ismaaciil waxa maankiisa buux-dhaafiyay Weydiimo iyo tamaniyaat aan xad lahayn.Waxa uu si weyn u tamaniyayaa Qoyskooda yaallay Miyiga iyo siday ugu han-weynyihiin,kuna riyoonayaan inay arkaan Wiilkooda meel sare ka gaadha Waxbarashadda iyo Bad-weynta aqoonta.Balse riyadaasi wey sii shiikhaysaa,waxaana soo waajahay Waayo-adag oo aanay Cidina u maqnayn,ceel-na u qodayn,ALLAH mooyee.Waxa hor-imanaya muuqaalo soo xasuusiyay Musawiradii Dhalaan-nimo iyo wakhtigii uu la-noolaa Qoyskooda iyo taageeraddii iyo debecsanaantii Hooyo-dii macaan iyo warla’aanta maanta ka haysata Qoyskooda xaalada cakiran ee uu ku sugan yahay.

Hadda waxa la garaacayaa Jalaskii astaanta u ahaa inay Idlaadeen Xiisadihii Iskuulka ee maanta,lana soo gaadhay xiligii rawaxaadda iyo in Arday kastaaba uu tago Gurrigii uu saaka kasoo toosay,kana soo labistay.

Lasoco……….

W/Q:Mohamed Hassan Daacad

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories