HomeRIYADDII RUMAWDAY QEYBTII 2-AAD

RIYADDII RUMAWDAY QEYBTII 2-AAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Maalintii ugu dhibta iyo saxariirka badnayd Ismaaciil ayaa waxay ahayd markii lagu war-galiyay inuu Dibadda ka yahay Hoyga kalli ah ee uu Magaaladda ka yaqaanay oo ahayd gabadh Eddo ugu  toosnayd,balse aanay qaraabo dhaw ahayn. Ismaaciil waa arday raad-barad ah,waxa uu hadda uun soo dhameeyay Qur’aanka Kariimka ah,Waxaana Odayga u Aabbaha ahi go’aansaday in uu ku daro Iskuul,gaar ahaana Mac-had iskugu jira Diini iyo Maaddi,ka dib markii uu warar iyo talooyin wa-ku-ool ah oo uu ku diirsaday ka helay Macalinkii Qur’aanka baray Ismaaciil oo u sheegay in Wiilkani yahay mid Fahmaddiisa iyo akhlaaqdiisuba sarayso.sidaas darteedna ay mudan tahay in tacab badan la galiyo,loona ogolaado helidda fursad kale oo waxbarasho.

Odayga Ismaaciil dhalay waxa uu degan yahay goob Miyihi ah,kana fog Magaaladdan uu ku nool yahay Wiilkiisa Ismaaciil.Odaygu taagtiisa wuu dedaalayaa waxaana ka go’an inuu Wiilkiisa si weyn ugu tabco,si berri ka Maalin uu u anfaco,una noqdo mid uu ku nasto.Balse Wiilkii Ismaaciil dhib,saxariir iyo kadeed ayaa la deris ah,aabihiina aanu dhaadanayn.Qofka Dumarka ah ee ay Inanka Qoyskoodii  ay gacalka soo bideen,kuna soo haagiyeen Wiilkoodan ay rabaan inuu wax-u-barto ma aha qof ugu debecsan,uguna nugul sidii ay ugu soo talo-galeen ee ay markii loo keenay Wiilkana ku gudoontay.Ma aha Qof ka jawaab-celin karta baahiyaha tiradda badan ee Ardaynimo ee haysta Ismaaciil,waxaana intaas u dheer Haddidaad,Yasid iyo in aanay ka meelayan Caruurteeda ay Wiilka isku faca yihiin ama ka waaweyn oo ay hadh iyo habeen-ba madaxa isku kala jiraan.Markasta oo ay Caruurteeda iyo Inankan La-joogaa is-laayaan; ka gardarani waa isaga,ka waxii dhacayba loo aaneeyaa waa isaga,ka waxii la waayo qaatay waa isaga.waxa uu noqday  looma ooyaan  aan loo naxayn.waxa nabad-gali kari la’a;Naftiisii,buuggtiisii,Balcaddiisii iyo guud ahaanba aas-aasiyaadkiisii Nolasha.Waxii ammaan ah,wax-siin ah,Ciyaar-siin,ka-farxin ah ee ay Caruurtan Il-maabtiga yihiin helaan isagu waa ka qatan yahay.

Maantana waxay Islaantii Gurriga lahayd ku war-galisay,isla markaasna ay cod dheer ugu sheegtay inuu Gurrigan Dibad-joog ka yahay,ka dib markii sida ay sheegtay ay ka adkaysan kari weyday dhibkiisa,kaas oo ay Sababtiisa ku Coleebeen qaar ka tirsan Caruurteedda,waxaanay intaas u raacisay inay u aragto dhibaato hor leh oo Qoyskeeda kusoo biirtay,aanay mudan tahay in dhibaataddaas meesha laga saaro.waxaanay badka usoo dhigtay Ciqaabta uu la Kulmi doono haddii aanu u dhego nuglaan Amarka la siiyay fulintiisa.

  Wiilkii Ismaaciil talaa ku ciirtay,xaalkiisuna waa ‘Cir-na kaa dheer,dhul-na kaa dheer’.Waxa uu dhadhan macaan ku hayaa Waxbarashadiisa,haddana duruuftan adag ee  soo waajahday ma saacidayso  inuu Waxbarashadii iyo xaqiijinta Himaladiisa Mustaqbal sii wato.Waxa khatar aan qarsoonayn ku jirta Nolashiisa oo wax uu ku noolaadaba ma hayo.Magaaladdana cid kale oo Ehel ah oo uu ka garanayaa ma jirto,Wax xidhiidh ahna lama samayn karo Qoyskoodii Miyaga yaallay,umana tagi karo oo wax uu Nool kasii dhigtaba ma haysto.Wer-wer iyo Walbahaar xoogan ayaa lasoo darsay oo ay baqo iyo cabsi xooganina weheliso.

Wakhtigu si aan caadi ahayn ayuu u ordayaa,waxaana lagu war-galiyay inuu Casarka markay tahay uu dhamaan waxa Gurriga ka yaalla uu kasoo urursaddo,Magaaladdana uu dhinac ka raaco.Intii uu ku jiray Saaka Iskuul fahamka iyo dhugashadda Xiisaddiihii kala duwanaa ee Maanta ay Macalimiintu u galayeen waxa hadheeyay Muragadda iyo Mugdiga Nololeed ee kusoo fool leh iyo kala garansho waagga kusoo socda.Waxa gabi-ahaanba is-bedel aan caadi ahayni ka muuqdaa Oogada Ismaaciil,qaar ka tirsan Ardayda iyo Macalimiintuna waxay ula muuqatay inuu Maanta Xanuun kusoo jiro Ardayga oo hore ay ugu yaqaaneen Fir-fircooni iyo inuu si wanaagsan ugu jawaabo inta badan weydiimaha ku saabsan casharadda ay ardaydu qaataan ee ay Macalimiintu ardayda weydiiyaan inta Xiisaddu socoto.

Lasoco……

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories