HomeRiyaddii Rumawday! Qeybtii 13aad

Riyaddii Rumawday! Qeybtii 13aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Oday Cali isaga oo aad iyo aad u caydhaysan ayuu kasoo laabtay Gurrigii ay Ismaaciil Eddadii lahayd,waxaana uu dibadda uga dhawaaqay Inan (gabadh) uu Awow u yahay oo magaceedda Ayaan la yidhaahdo,waxaana uu ka dalbaday inay Kildhi ay biyo kusoo shubtay u keento.

 

Inantii sidii ayay yeeshay,waxaanay Kildhi biyo uga soo buuxsiyay Awaw-geed,iyadda oo u haysatay inuu ku weysaysanayo,balse isaga oo dareen-murugo leh ka muuqdo ayuu ka qaaday Kildhigii,waxaana uu u dhiibtay Bakoorad uu ku tukubayay iyo Cumaamad uu degta ku sitay.Waxa uu si naxariis iyo debecsanaani ku jirto uga maydhay Dhiiggii,waxaanu  u kexeeyay Gurrigiisa,isaga oo Maalintii halkaas ku qedaysiiyay,ka dibna casarkii ayuu geeyay Farmasii Xaafadda u dhawaa,si baadhitaan caafimaad loogu sameeyo.Waxa uu Diktoorkii u sheegay Oday Cali in Inanka Cadku dhamaaday,balse laftu aanay waxba noqon si aad ahna uu u dhiig-baxay oo u baahan yahay in la siiyo Cuntooyin nafaqo leh ,gaar ahaana Khudaarta iyo waxii la mid ah,waxaana u qoray dhawr Kiniin iyo Sharoobo uu sheegay inay qeyb-ka-noqon doonto inuu sidii kusoo noqdo,xaaladdiisa caafimaad-na ay kasoo rayso.

 

Oday Cali Caruurtiisii iyo Caruurtii uu Awaw-ga u ahaa,aayaa dareenmay in maanta Oday-ga lagu soo kordhay oo umuuro kale ku mashquulsan yahay,waayo waxa badani iska badaleen Jadwal-maalmeedkiisii oo Odayaal ay Shaxda Geed u dhaw Gurriga ku wada ciyaari jireen,ayaa dhawr jeer cidd kale usoo diray Oday-ga si ay isuna Waraystaan,shaxdiina Ciyaaraan,iyaga oo sidoo kale ay la wadaagi jireen Dhegaysiga Rikoodh yar oo uu Oday Cali kala socon jiray hadba wararka dalka iyo dunidabba kusoo kordha.Islaan Cismaan,ayaa meel durugsan kasoo dhawaaqaya oo  leh “ Waar Caliyaw,maanta ma fooraddii shalay ayaad wali la gabanaysaa,waanigii shalay adiga iyo Aw Axmed boodhka idinku qasnaye’? waar Dumarka  iyo caruurtu yaanay Fulayni-madaada  arkine’ kaalay oo Idaacaddii aad inoo gayside’,maanta warar door ah ayaa laga soo sheegayay dhinacii Dawladda’e oo Kuwii mucaaradka ahaa iyo Xukuumaddii ayaa la leeyahay wey-is-haystaane’”. Balse Oday Cali galabta gayigaba ma joogo oo xaalkiisu waa meel kale,waxaana uu la tacaalayaa Wiil yar oo aanay cidina u maqnayn,ceel-na u qodnayn,waxaana uu hadda kasoo kicitimayaa  Farmasiigii uu Inanka galabta geeyay,waxaana uu ula dhaqmayaa sidii oo uu  yahay Wiilkiisii Curad. Diktoorkii uu la kulan siiyay Oday Cali wiilkan Ismaaciil waxa uu u sheegay in Todobaad ka dib uu kusoo celiyo,si loo hubiyo caafimaadkiisa iyo is-bedelka ku yimid,waxaana uu Oday Cali kaga yimid; “ Hawraarsan adeer,waanu kuugu soo noqon haddii ALLAH awoodda leh laga helo.Waxa aad adeer Inanka u kala sheegtaa habka uu u is-ticmaalayo Dawooyinkan kala duwan,si aanay iskaga khaldamin”. Intaas ka dib waxa uu Diktoorkii ugu sharaxay si faah-faahsan hab-is-ticmaalka dawooyinka iyo Xiliyadda  la kala qaadanayo iyo mid kasta Xaddiga ay tahay in la isticmaalo,waxaanu ILAAHAY uga rajeeyay Wiilka inuu ku caafimaadiyo dawooyinkaas Idamka Eebbe.

 

Oday Cali markii Wiilka kaxaynayay lamuu sii socodsiin Reerkiisa,waxaana uu sii kexeeyay markii uu SALAADDA CASAR tagayay,isaga oo aad uga cadhaysan dayaacadda iyo dar-xumadda ka muuqata Wiilka.Odayaashii Geedka ku sugayay waxay u sheegeen in sidii uu Salaadda CASAR-ba ugu baxay aanu soo noqon siddii caadadda u ahayd,balse ay rajaynayaan inuu ilaa goor dhaw yimaado,maadama aanu u sheegin meel  kale uu galabta tagayo.Odayaashii halkii ayay wali iska fadhiyaan, waxaanay iska-sii-bilawdeen is-xaal-waraysigoodii iyo Shaxdii ay galabtii caadadda u ahayd inay ciyaaraan,iyaga oo ka rajo qaba inuu intaas soo gaadho Oday Cali oo ah shaqsiga isaga aawaddii madashan loo yimaado.

 

Gabadhii Eddada u ahayd Ismaaciil,waxay ogaatay in Oday Cali uu wiilkii meel-geeyay,isla-markaasna ay suuragal-tahay inuu u geeyo Reer uu garanayo oo Wiilka qaraabadooda ah,taasina ay iyadda Ceeb iyo wajji-gabax ku tahay,waxaanay iyada oo Indhaha cadaynaysa ay daf-soo-tidhi Gurrigii Reer Oday Cali,iyada oo ay markaas daaradda ay ku shaahaynayaan Islaantii Oday Cali iyo caruur ay ayeeyo u tahay oo hadda uun kasoo rawaxay Malcaamaddii.

 

 

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories