HomeRiyaddii Rumawday! Qeybtii 12aad

Riyaddii Rumawday! Qeybtii 12aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Intaas markii ay ku tiraabeen Caruurtii ay dhashay,ayay iyada oo aan hadalba afkeeda kasoo bixin waxay si toos ah ugu soo tuurtay Ismaaciil Sufur ay gacanta ku haysay,waxaana uu ka haleeyay Wajigga,waxaanay intaas u raacisay garaacis hor leh oo ay jugo badanina gaadheen,iyadda oo intaas ugu dartay inay dibadda gurriga ugu saarto.Ismaaciil waxa Wajigga kasoo gaadhay nabar aad u culus,waxaana kasoo yaacay dhiig farabadan,waxaana uu Oohin la fadhiistay Geed Garanwaa’ ah oo gurriga ka ag dhawaa,waxaana halkaas kusoo marayay dad aad u badan oo iskugu jira arday Dugsiyaddii waxbarasho kasoo raxay,Odayaal Masaajidka kusii socda iyo dad caadi ah oo jidka lugaynaya,waaxaanay dhamaantood inta ay kusoo leexdaan weydiinayaan waxa ku dhacay,iyaga oo guryaha geedka  ag dhawna ugu baaqaya inay Ilmaha-Yar ay dhiigga ka maydhaan,waxaana Ismaaciil ku adag inuu u wajaabo dadka socotadda ah ee jidka kusoo maraya,waxaana sida roobka uga daadanaysa Ilmadda,taas oo si weyn u taabanaysa Qalibiga ugu yaraan inyar oo naxariis ahi ku jirto.Baddiba dadku waxay u haystaan inay Caruur kale oo ay Iskuulka kasoo wada raxeen ay is-laayeen.

Dadkii meesha kusoo ur-uray,ayaa waxa ka mid ahaa Oday  Cali oo ay Ismaaciil jaar yihiin,waxaana uu muuq-garta Wiilkan Ooyaya,waxaanu yidhi; “ oo miyaanu wiilkii Ismaaciil ee ay Canab Eddada u ahayd ahayn?saw kan gurrigii Eeddadii iyo Ilmaabtigii maxay Inanka ugu iman waayeen talaw? Bal I sug aan u tagee,Inakeen adeer aan gurriga ku geeyee”. Balse umay suura-galin inuu  wax jawaab ah ka helo Ismaaciil,waayo maba garanayo cid la hadlaysa,mana oga dadka badan ee ku xoonsan,waxaanu qalbigiisu sabaynayaa hirar murugo iyo ciil u saaxiib ah,taas oo aanu garanayn meel ay kusoo afjarmi doonaan.

Markii uu arkay Oday Cali in aanu wiilku far-dhaqaajin Karin,ayaa waxa uu isku dayay inuu Eddadii usoo sheego in Ismaaciil ay u badan tahay inay caruur kale ay maanta isa-soo-laayeen oo uu dhaawac wajigga ah qabo,loona baahanyahay in arrintaas la dabo-galo,wiilkana dhiigga laga maydho,lana ogaado nabaradda kale ee uu qabo iyo cidda ay is-laayeen-ba.

Intaas ay Dadku ku urur-sanyihiin Ismaaciil,isla-markaasna ay is-weydiinayaan wiilkan dhibko haysto iyo Ehelkooddii halka ay joogaan iyo cidda ay nabaraddan u gaysatay, Gabadhii u Edadda ahayd iyo caruurteeduba waxay iska fadhiyaan daaradda gurrigooda,waxaanay sheedda kala socdaan hadaladda iyo dhawaaqyadda dadka Geedka ku xoonsan,balse waxa muhiimad ah uma laha inay Wiilkoodda u gar-gaaran,waayo iyagaaba dhibkaas gaystay oo waliba si xaq-darro ah u dilay,kuna oogay danbi aanu galin iyo fal aanu samayn.

Oday Cali oo Salaaddii Duhur-ba ka tagtay,ayaa isaga oo deg-degaya al-baabkii xaafadda kusoo garaacay,waxaana uu si cadho leh ugu sheegay in Wiilkooddii laga yaabo inay caruuro kale maanta is-dileen,halkan-na uu ku dhiigg-baxayo,aanay usoo baxaan oo ay Wiilka goob caafimaad si deg deg ah u geeyaan.

Is mabay dhibine’ waxay gabadhii ugu jawaabtay Oday-gii; “ Adeer, caruur-na ismay dilin e’ waa mid Inkaar-qabbe ah oo maanta waa kaas caruurtii qeddo tiray,ka dib markii uu gurriga kusoo daayay Ri’yihii oo ay daadiyeen qeddii caruurta oo waa kuwaas hadda iyaga oo gaajoonaya I ag-fadhiya oo maanta Malcaamaddiina wey ka habsaamayaan oo hadda ayaan Baasto biyaha ugu shubay.Waa mid meel-baas lanooga keenay oo kuwii dhalay-ba ay dhibkiisa iska soo eryeen oo ay  xattaa ay ku aamini-waayeen Xoolahaddii,markaas adeero iskaga tag,kaasi mid-na maahee”.

Oday Cali,ayaa yaabay!,waxaana u qaadan waayay Ilmahan yare e uu indhihiisa kusoo arkay dhibka haysta iyo siday Qofkan dumarka ahi u hadlayso.Waa Oday Waayeel ah oo ay wax badan oo nolasha ahi u baxsanyihiin,mana ah qof hadal noocaas ah lagu qancin karo oo si fiican buu u garanayaan wiil aan gurrigii aabbihii iyo Hooyaddii joogin iyo muuqaalka laga haysto oo isaga laftiisa,ayaabay taasi soo martay markii uu raad-baradka nolasha ahaa.

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories