HomeRiyaddii Rumawday! Qeybtii 11aad

Riyaddii Rumawday! Qeybtii 11aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Ismaaciil waa arday saaka gurriga ka jarmaadday oo Iskuulkii u kallahay,maanaanu helin wax nusasaace ah maanta oo waxa wax uu cunno ugu danbaysay Saaka Subaxdii oo uu Saddex Midh oo Laxooxa iyo Koob shaaha oo bigays ah oo aan dhinac-na kaga dhicin uu ka helay Xaafadda.Waxa uu si daal iyo muuqaal-jaago ahi ku jirto u dhex-jiifaa Qolka,waxaana uu u dhegtaagayaa Xiliga ay Caruurta kale Walaashoodan weyn ka dalbadaan inay qeddada u kala gurto,waayo isagu malaha Awoodda ah inuu dalbado in qeddo la siiyo oo waaxa u ka cararayaa in eed loo soo raaco ama ay haddalo aflagaado iyo dhibaatayn ah ay uga timaado Caruurtan ay Ilaambtiga yihiin.Waxa uu iska dhawrayaa Sharkoodda,waxaana uu ka baqayaa inay ka dhigtaan Fursad ay ugu mar-marsiyoodaaan.Iyadda xaal sidaas yahay,ayaa waxa Gurrigii soo gashay Gabadhii Eddada u ahayd ee caruurta dhashay,waxaana ay isla-markiiba Isha ku dhuftay Ri’yo gurriga ku dhex-jira oo qeybtii Madbakha ee Gurriga ka dhex-shanqadhaya,ka dibna waxay si deg deg ah oo qeylo leh u tidhi ; “ Naayaadheheen,waa maxay Ri’yahan gurriga soo galay?oo kaalay sawkuwan Dherrigiina daadiyay! Yaa soo dayay? Yaa Al-baabka soo dhaafay isaga oo furan? Maanad Inan (gabadh) weyn ahayn? Waa maxay siddani…”? Intaas markii ay tidhi,ayaa waxa qolalkii kasoo wada baxay Caruurtii oo uu Ismaaciil-na ka mid yahay,waxaanay si Firgo-naxsan u yidhaahdeen: “ oo goormay soo galeen? Sawnagii hadda uun gurriga nimid! Malaa hore ayay usii joogeen”?

“Naa may joogine’ sheegga qofkii ugu danbeeyay ee gurriga soo gala,haddii kale maanta ta idinku dhacda idinkaa ka sheekayn.! Oo biyihiina sawkuwan iyana daatay? Maanta uunbuu jabkiin galay”.Ayay si cadho xoogani ka muuqata u tidhi Gabadhii,waxaanay dibadda Gurriga uga saartay Ri’yihii iyada oo si weyn u cadhaysan oo Hiif-tamaysa.

Inantii weynd,ayaa tidhi “ dee Hooyo,markii aan aniggu gurriga soo galayay waxa iga danbeeyay Ismaaciil oo waxaan ku idhi Gurriga Al-baabka usoo celi markaad soo dhaafto.Maalaa dee isaga soo dhaafay? Waa waxaas dhiman e’.Waxaan waliba u raaciyay Ri’yihii ayaa gurriga hor-fadhiya ee yaanay soo galin gurriga,Hooyo ayaa ina-qabsanaysee.Ta kale,uu ogyahay in gurriga ri’yaha laga ilaaliyo oo Qooshka iyo Qeddaba daadinayaan,markaas bal isaga weydii”. Intaas markii ay Inantii reerka u weynayd ee ay Islaantu hadalkeeda maqli jirtay ku tiraabtay,ayaa intii aanu Ismaaciil oo naxsan,kana wel-welsan been-abuurka laga samaynayo iyo ciqaabta kusoo foolka leh,ayaa waxa hadalkii isna qaatay Wiil ay Inanta walaalo yihiin,kaas oo sii adkeeyay hadalkii walaashii ee ahaa in Masuuliyadda waxa dhacay uu leeyahay Ismaaciil,taas oo uu  sheegay in Ismaaciil ahaa qofkii ugu danbeeyay ee  Al-baabka kasoo gala,isla markaasna soo dhaafay isaga oo furan,sidaasna ay Ri’yuhu kusoo galeen dhibkan ay ku gaysteen.

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories