HomeRiyaddii Rumawday! Qeybtii 10aad

Riyaddii Rumawday! Qeybtii 10aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Xaaladda uu Ismaaciil wakhti xaadirkan ku sugan yahay waa xaalad jawi ahaan degan,kumana jirto cabsidii iyo argagaxii la deriska ahaa ilaa 7:00 subaxnimo ee saaka,wakhtigaas oo ahaa kii loo sheegay warkan aan ka farxin,isla-markaasna mugdiga weyn galiyay mustaqbalkiisa nololeed iyo kiisa waxbarashoba.Waxa uu dareemayaa in ugu yaraan uu ka dhacay culayskii ahaa cidladda,waxaana hadda u kala soocan arrimo farabadan,taas oo keenaysa in maskaxdiisu deganaan iyo nasasho dareento.

Waxa aad uga yaabiyay sida walaal-tinimadda iyo naf-huridda ah ee uu Saaxiibkii Axmed ula qeybsadday waayaha adag ee soo waajayahay,waxaana uu aad ula riyaaqsan yahay Sheekooyinka xiisaha leh ee uu la wadaagayo,taas oo ku dhacday qeybo ka mid ah Qoyska Axmed,gaar ahaana tii adeerkii iyo Xiligiisii caruur-nimo iyo waxii kala gaadhay isaga iyo Dacawaddii Adhiga ka cuntay iyo talaabadii uu aabbihii oo Axmed awaw u noqonayaa uu ka qaaday Inankiisa oo keentay in la garaaco qaar ka mid ah neefaf uu Xoolaha ka bidhaansan jirayna dibadda laga dhigo.

 

Waxyaabaha kale ee sida weyn uga yaabiyay Ismaaciil ee uu Qoyska Axmed ku arkay daqiiqaddahan kooban ee uu la fadhiyo waxa ka mid ah; sida qeybaha kala duwan ee qoysku ay u kala socdaan ee Inanta Gurriga ka shaqaysa,caruurta kale ee ay Axmed walaalaha yihiin ay u kala amar-qaadanayaan iyo sida rabshad iyo buuq la’aanta ah ee hawlaha kala duwan ee Gurriga u kala socdaan,waxaana uu soo xasuutay Xaafaddii Eddada u ahayd iyo sida uu xaalkoodu ahaa iyo xaaladdaha uu ku sugnaan jiray marka uu Iskuulka kasoo rawaxo,taas oo ay dhici jirtay inay is-qab-qabsaddan qaar ka tirsan Caruurta ay Eddadii dhashay oo uu halkaas ka dhalan jiray buuq iyo sawaxan hor leh,taas oo ka dhan ahayd isaga,isla-markaasna uu dareemi jiray ciil iyo cadho xoogan,isaga oo u arkayay in lagu Kibrayo oo aan cidina ka celinahayn.Waxa uu si weyn u xasuutaa dhacdo soo martay maalin maalmaha ka mid ah,taas oo uu markii uu Dugsiga kasoo rawaxay kula kulantay Gurriga.

 

Waxa dhacday in Xaafadda uu la joogo ee Eddada u ahi ay laahaayeen dhawr Ri’yo ah,kuwaas oo xaafadda iska joogi jiray oo ay dhaqan jirtay oo mid ka mid ah ay Hooyaddii u keentay,ka dib markii ay u sheegeen inay ka-kafaalo qaadayaan Wiilkooda inta uu Magaaladda Joogo Nolashiisa iyo Waxbarashadiisaba,waana laga Ilaalin jiray inay Gurriga gudihiisa soo galaan oo waxay cunni jireen ama daadin jireen Cunadda Xaafadda loogu talo-galay qeddo,casho ama guraac kolba wakhtigii la joogo,waxaana wax lagu siin jiray meel dibadda Gurigga ka ah,balse isla daaradda Xaafadda ah.Iyadda oo markaas guriga laga maqan yahay,ayaa waxa timid Caruurtii oo markaas Iskuulkii iyo Malcaamaddii kasoo rawaxay oo uu Ismaaciil-na ka mid yahay,waxaanay hore ugu socdeen qolalkoodii,taas oo keentay inay Labbo Ri’yaad kasoo dabo-galaan gurriga,isla markaasna ay daadiyaan Dherrigii dabka saarnaa oo qeddadii Xaafadda ee Maanta ahayd,waxa kale oo ay iyana daadiyeen Jirikaamo Biyo ah oo barqaddii laga soo dhaamiyay Qasab xaafadda u dhaw oo ay inta badan dadweynaha Xaafaddu ay biyaha u doontaan marka ay soo dhacaan.
Gurriga markaas waxaasi dhacayaan waxa ku wada sugan oo qolalkooda jooga Ismaaciil iyo Afar kale oo caruur ah oo ay Ilmaabti yihiin,waxaana ka mid ah Inanta curad ee Xaafadda oo inta badan gurriga ka shaqaysa inta ay waxbarashadda fasaxa ka tahay,maantana ay tahay inay Caruurta qeddada u kala gurto,maadaama ay Hooyadood maqan tahay.
Lasoco…………
W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories