HomeRiyaddii Rumawday! Qaybtii Shanaad

Riyaddii Rumawday! Qaybtii Shanaad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

-Ninkii Axmed ee ay saaxibka dhaw ahaayeen Ismaaciil,waxa uu galay mashquul maskaxeed,waxaana uu go’aansadday inuu Saaxiibkii Ismaaciil uu uga gar-gaaro dhamaan Baahiyaha Maanta la deriska ah,waayo waxa uu aaminsan yahay in haddii ay ugu yaraan ay siday Maanta yihiin iskaga soo dhawaadaan uu isaga lafhaantiisu uu meel sare ka gaadhi karo Tacliinta oo uu Ismaaciil garab wax-ku-ool ah ka heli doono,haddii EEBBE uu ayaamo isku simo.Markii uu Ismaaciil soo Idleeyay xog-warankii gaar ahaa ee uu siinayay saaxiibkiiIsmaaciil ee ku saabsanaa waayaha nololeed ee la deriska ah,ayaa waxa hadalkii la wareegay Axmed,waxaana uu hadalkiisii ku Ibo-furay sida tan: “ Saaxiib Ismaaciil,xaqiiqdii waxaad ii sheegtay arrin si weyn saamayn taban iigu yeelatay,waana Adduunka iyo dabeecaddiisa,waxaanan aaminsan yahay in caqbad kasta oo Nolasha ahi ay xal leedahay,taasna ay iman karto.Xaalka aad ku sugan tahay ee runtii aadka u adag iyo ehel la’aanta isku kaa barkaday waxay Tusaale nool u yihiin inay kusoo socdaan guulo iyo farxaddo aad u badani,waxaanad ku jirta Imtixaan Adduunyo,taas oo u baahan Samir iyo adkaysi.

Qofkasta oo bini’aadam ah oo Dunidda guudkeeda saarani waxa uu la kulmaa dhibaatooyin iyo caqabaddo nololeed,kuwaas oo intooda badan kaga yimaadda Dadkii ugu xigay ee Ehel iyo Xigtaba ugu dhawaa,waxaanad xasuusun kartaa Casharo fara badan oo Dugsiga laynoogu dhigay,kuwaas oo ka hadlaya Dad adduunka meel sare Magacoodu gaadhay,ilaa maantana raadkooddii walli qoyanyahy,Aakhirana kuwa Liibaanay ka mid ah oo ay soo waajaheen waayo iyo Ayaamo adkaa,haddana kaga soo gudbay Samir,adkaysi,dul-qaad,go’aan qaadasho iyo tallo-saarasho ALLAH.

Diinteena Islaamka ee Suuban,markii Rasuulkeenii Suubanaa (NNKH) uu  ILAAHAY faray inuu Dadka Adduunka oo dhan gaadhsiiyo,waxa lagu sameeyay dhibaatayn aan Xad iyo Xisaabtoona lahayn.Waxa dadka ugu soo horeeyay oo dhibtaas horsed la ahaa,isla-markaasna colaystay Ehelkiisii oo ay Adeeraddii Kaw ka ahaayeen,waxaana dhacday in Sumcaddiisa ,Karaamaddiisa iyo Dad-nimadiisaba meel lagaga dhaco.Waxay ugu yeedheen Magacba kuu ka xumaa,tilmaaniba tay ka darnayd,waxa la qorsheeyay isku dayo fara badan oo la rabay in lagu khaarajiyo,Dadweynaha ayaa loo dhex-galiyay inuu Waalan yahay,inuu Sixirroole yahay,inuu gabyaa dadka gabaygiisa ku duufsanayay yahay,intaasba marka laga soo gudbo gacanbaa loola tagay oo waxa la dhibaateeyay Jidhkiisa Shariifka ah,waxaana lasoo gaadhsiiyay dhaawacyo kala duwan oo iskugu jiray qaar Dagaal uu Gaaladda la galay iyo qaar si toos ah loo soo weeraro.

Waxaan filayaa inaad xasuusan tahay inuu Macallinkeena taariikhda  inoo dhigaa uu  ayaantii dhawayd inooga sheegaynayay sidii ay Reer DAA’IF (Magaaladda hadda ku taalla Dalka Sucuudi Carabiya) ay u galeen Nabigga markii uu doonayay inuu DACWADDA gaadhsiiyo,waxaanad ogayd inay kusoo direen Dadkoodii cawaanka ahaa,kuwaas oo Nabbiga iyo Asxaabtii la socotayba dhagaxaan la dhacay Ilaa uu Dhiiggii Nabigga (NHKH) ka baxay uu Cidhibihiisa gaadhay,waxaana wakhtigaas Nabbigga (NHKH) u yimid Malagii Buuraha,waxaanu ku yidhi : “ I amar,aan Reer DAA’IF aan iskugu dhufto labbadaas Buurood e’,maadama ay sidaas kuu dhibaateeyeen addiga oo Nabbi Muxamed ah (NHKH),balse waxa uu Nabbiggu (NHKH) u sheegay inuu ka rajaynayo Ubadkay Mustabalka dhali doonaan inay noqdaan qaar Diinta ILAAHAY u gar-gaara”. Ayuu Axmed saaxiibkii Ismaaciil kaga lab-qaboojiyay dhibka laxaadka leh ee lasoo darsay,isaga oo ugu hoga-tusaalaynaya in aanay Xaaladdani ahayn mid lagu waarayo ee uu berri-ka-maalin noqon doono mid isaga la tilmaamsaddo,laguna tartamo la-noolaashihiisa iyo wax-weydiisashadiisaba.Axmed, Walli waxa uu la sii hadlayaa saaxiibkii Ismaaciil iyaga oo walli taagan halkii ay baska ka raaci-jireen,waxaana uu intaas u raaciyay; “Waxaan filayaa inaad si fiican u xasuusato Qisaddii wax-ku-qaadashadda mudnayd ee dhex-martay Nabbi Yuusuf (CS) iyo walaaladii,kuwaas oo  siday u colaadinayeen ay keentay inay Ceel-biyood ku tuuraan,ka dibna ay aabbohood u sheegaan inuu  Baxal cunay InankiisaYuusuf iyo siday ugu danbaynta ay isaga dhamaantood  u wada hoos-imanayaan isaga oo Madaxweyne ah,taas oo ah Tusaale nool oo muujinaysa in Qofkasta oo Nolasha ku-xumeeya uu maalin uun ku hoos iman doono”.ayuu kaga baxay Axmed wajigii kowaad ee hadalkiisa,waxaana uu u gudbay qeybtii Labbaad…….

Lasoco………..

W/Q:Mohamed Hassan Daacad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories