HomeRiyaddii Rumawday! Qaybtii 14aad

Riyaddii Rumawday! Qaybtii 14aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waxay Ismaaciil Eddadii hadalkii ku bilawday: “ Naa Cibaado, maxaa  la sheegay? Caruurtiina waatan weynaatay eh’,maansha allah, ALLAH ha barakeeyee”. Cibaado oo ah Oday Cali Islaantiisa,ayaa ugu hal-celisay “ Walaal,nabad iyo wanaag ayaa lagu jiraa iyo wax aan lagu waaran hayn.Haddii laga dagi waayo Wiilkii Caruurtan aan dhalay ugu yaraa ,ayaa waxa uu shalay ka qallin-jabiyay Jaamacad dibadeed,xalay ayuu nala soo hadlay,waxaana uu noo sheegay inuu ku guulaystay inuu si guul leh u dhamaysto Jaamacadda,isla-markaasna uu hadda qorshaynayo inay is-guursaddaan Gabadh ay Dugsigii sare ay  Isku galaas ahaayeen oo hadda Magaaladda inala degan,waxaanuna  kula-tallinay anniga iyo Oday-gu inuu horta Dalka Yimaado oo uu iska shaqaysto,intaas ka dibna uu guursaddo,balse dee waa Ubad Imtixaan ahee wuu naga diiday oo waxa uu noo sheegay inay Inantu intii uu Jaamacadda dhiganayay-ba sugaysay oo  ay ku ballameen in marka uu Jaamacadda soo dhameeyo ay is-guursaddaan,ballaantaas uu fulinayo.Dee annaga-na waayahayaga adduun waad la socotaa oo dee wax reerkaas lagu dhiso oo aanu hadda anniga iyo Oday-gu faraha ku haynaa ma jirto,marka laga reebo Inanka weyn oo hadda  Reerka u Indho ah oo ILAAHAY ha daayee aanu ku nasanay oo si fiican annaga iyo reerkiisa-ba wax-u-tara oo isagu waxa uu ku wanaagsan yahay wax-maqalka oo markii uu Waxbarashadda soo dhamaystay ee shaqana helay ayuu guursadday oo reerka uu samaystay,balse kan yari madaxa ayuu na kiciyay,Oday-giina waxay kaga soo hadhay uun ilaa yaraantiisii ayaan kusoo tabcayee dee maanta hays dabaro ILAAHAY Nin buu ka dhigaye’.

Markaas waalaal arrintaas ayaa ah waxa ugu weyn ee hadda aanu ka fikirayno,kolay-na waxba loo waayi maayee meel uun baan wax-uga-dooni,Ilayn anuunbuu ILAAHAY I baday’,waana ceeb qof Dumar ah oo  Inankeedii Reer u dhisi kari weyday,waxaaban is-leeyahay haddii uu Oday-gu diido inuu Inanka ka bixiyo Lacagta guurka iyo goglidda Gurriga aad Dahabkaaga uu xaraashtid,dadbaa lagu tabcaaye’ adduun waxba maahee”.Ayay tidhi Cibaado oo xaaladdooda qoys-ahaaneed uga waramaysa Ismaaciil Eddadii oo  ay u aragto Qof wanaagsan oo si jaarnimo leh uga soo war-doontay,waxaanay ka rajaynaysaa in xaal-warrankaas ay siisay ay ugu yaraan wax tallo ah la wadaagto,taas oo ay ku furdaamiso culayska kaga soo fool leh Qoyska Cusub ee ay rabto inay dhidibadda u taagto iyo faro-madhnaanta isku barkadday.

Waxa hadalkii la wareegtay Ismaaciil Eddadii,waxaanay sheegtay inay iyaguna caafimaad iyo nabad iskaga jiraan oo aanay jirin wax dhib ah oo weyn oo ay ka cawdaan,marka laga reebo Waayaha nolasha ee subaxba wajigga cusub la imanaya ee farxadda,dhibka,murugadda,wax la’aanta iyo hodan-nimaddaba xambaarsan.Waxay u sheegtay in Ninkii caruurteedda dhalay oo Askari ah loo bedelay gobol kale oo fog,isla-markaasna uu u sheegay inuu Muddo Lix bilood ah reerka  ka maqnaan doono oo uu Rag Odayaasha  Xaafadda ah oo uu Oday Cali-na ka mid yahay uu kusii ballamiyay inay reerka kasii war-hayaan oo ay Sheedda kala sii socdaan Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Qoyska.Intaas ka dib,waxay toos u guddo-gashay  ujeedka rasmiga ah ee ay galabta reerka ugu soo wareegtay,waxaanay hadalkeeddii ku bilawday………

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories