HomeReer Sanaag Oo Luqadii Ugu Adkayd Kula Hadlay Gaboose

Reer Sanaag Oo Luqadii Ugu Adkayd Kula Hadlay Gaboose

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banan gaar ahaan shabakadaha oo runtii meel muhiim ah kaga jira isla markaasna soo gudbiya afkaarta dadweynaha Somaliland.

Gobolka sanaag waa meel cajiib ah waxaana lagu xantaa inay tahay MaakhirLand iyadoo looga jeedo inay ku noolyihiin dad aan la fahmi Karin isla markaasna ciday rabaa kula hadla luqada ugu adage ay kula hadli karaan.

Gaboose waa siyaasi reer Somaliland ah waxaana lagu xantaa inuu yahay dadka aan abaal gudin isla markaasna markuu xilka qabto aan cidna u joojin oo albaabada xidha.

Waxa hore u jirtay inay reer ceerigaabo u shiideen gaboose markii uu ahaa gudoomiyihii ololaha gobolada bari ee xisbigii kulmiye, iyada uu halkaas ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo ay jiidhay rasaastii ciidankii difaacayey waftigii gaboose watay.

Waxaa la xaqiijiyey in ninkaas wiilkiisu hore ugu dhintay magaalada ceerigaabo uu gaboose ugu yimid wasaarada arimaha gudaha intii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha isagoo ka codsaday in magtii wiilkiisa la siiyo.

Gaboose wuxuu xadhig ugu jawaabay ninkii wiilkiisa hore sabatiisa loo dilay, isagoo laba cisho ku xidhnaa saldhiga NEW HARGEISA kadibna odayaal ay kasii daayeen.

Hadaba “somalidu waxay tidhaahdaa cuqubaba halkii lagu galay caw ku hurudaa” waxa dhacday in ninkii isaga ahaa ee wiilkiisa lagu dilay ceerigaabo waliba xadhigana loogu daray uu saaka subaxii u galay waddada waftigii ururka umadda ee gaboose hogaamineyey.

Rasaas uu ku furay cidi kuma dhiman balse waxaa midba meel ka dhacay waftigii gaboose ee u socday magaalada ceerigaabo isla markaana siyaabo kala duduwan u soo gaadhay magaalada ceerigaabo.

Markii uu khudbadii bilaabay gaboose ayaa waxaa meeshii soo galay shacab gaboose ka gadoodsan oo shiid ku bilaabay isla  markaasna doonay inay uga aargoostaan dhibaatooyin ay ka tabanayeen.

Ciidanka booliska ayaa gurmad ku yimid goobtii iyagoo wata saddex gaadhi oo tigniko yar yar ah isla markaana xidhan ninkii waftiga gaboose rasaaseeyey gaboosena meesha ka saaray.

Xaaladu imika waa caadi oo jawigu wuu daganyahay iyadoo waftigii gaboosena lagu ilaalinayo gurigii ay dageen waxaana la filan karaa in ay waftigu galabtaba kasoo caraabaan iyadoo reerkii ninkaasi ka dhashayna isu ururinayaan sidii ay gaboose usoo weerari lahaayeen.

Siyaad Maxamuud Faarax

Siyaadiye@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories