HomeReer Oodweyne oo Soo-dhaweyn looga markhaati kacay ku qaabilay Weftiga Madaxweyne Muuse...

Reer Oodweyne oo Soo-dhaweyn looga markhaati kacay ku qaabilay Weftiga Madaxweyne Muuse Biixi (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,”

blankOodweyne (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safarro shaqo ku marayey qaar kamid gobollada dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Burco, ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Oodweyne waxa lagu soo dhaweeyey deegaannada Ceel-bilcille iyo Ceel-same oo u dhexeeya Burco iyo Oodweyne, waxana shacabka deegaannadaasi ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ku qaabileen caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

blankQaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada, waayeelka, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo haweenka, islamarkaana wegen fardo ahi hoggaaminayaan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay waddada weyn ee dhinaca Bari uga baxda magaalada Oodweyne, waxana iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan ay madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyeen xarunta cusub ee Baanka dhexe ku leeyahay Oodweyne.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa socod lug ah la qaatay shacabkii soo dhaweeyey, iyaga oo barxadda weyn ee dhismaha cusub ee Baanka dhexe halkaas ka binaystay kala hadlay bulshadii soo dhaweysay oo ay ka muuqatay xammaasad, waddaniyad iyo jacayl ay u qabaan madaxweynahooda.

Ugu horrayn waxa shacabkii soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa la hadlay maayarka magaalada Oodweyne, Mudane Cabdixakiin Nuur Muuse iyo badhasaabka gobolka Oodweyne, Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, waxana ay uga mahadnaqeen sida waddaniyadda leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, iyaga oo madaxweynahana uga mahadnaqay sida uu isaga xil-saaray inay Oodweyne hesho mashaariic waaweyn oo ay xukuumaddu u qorshaysay.

blankSuldaan Cabdiraxmaan Aw Good oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee kasoo jeedda gobolka Daad-madheedh oo la hadlay shacabkii madaxweynaha soo dhaweeyey, ayaa mahadnaq kaddib shacabka reer Daad-madheedh ugu baaqay inay taageero iyo gacanba siiyaan mashaariicda waaweyn ee xukuumaddu ka waddo guud ahaan gobolka.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo iyaguna hadallada u kala dambeeyey, ayaa si guud ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan gobolka Daad-madheedh, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda ka go’an tahay in gobolka laga fuliyo mashaariic Aayo-tiin leh oo mustaqbalka la intifaacsado.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer u jeediyey bulshada reer Oodweyne, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo, waxana uu xusay soo dhaweyntaasi tahay farriin waddaniyadeed oo muujinaysa sida ay ugu heellan yihiin midnimada iyo horumarka dalka ka socda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaas waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa.”

blankMadaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka, “Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo loo bineeyey laanta Baanka dhexe ee Somaliland ku leeyahay magaalada Oodweyne, taas oo wax weyn ka taraysa bilicda iyo dakhliga magaalada.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories