HomeReer Gabiley Waa Qoomiyad Madax-banaan Qarankana Miisaan Wayn iyo Qiimo Ku Leh

Reer Gabiley Waa Qoomiyad Madax-banaan Qarankana Miisaan Wayn iyo Qiimo Ku Leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankGabiley iyo degmooyinka hoos yimaadaa waxay noqdaan meelaha markaaba lala soo boodo marka doorashooyin la xasuusto. Waa gobol baaxadda dhulkiisu ka yar tahay gobolada Togdheer, Sanaag iyo Maroodi Jeex laakiin tirada dadka ku nool ayaa ka badan baaxada dhulka uu ku fadhiyo gobolka Gabiley. Waa deegaan marka 3 kiiloo mitir la socdaba aad gaadhayso meel dad badani ku nool yahay oo tuulo ama magaalo ah.
Waa gobolka ugu tuulooyinka badan Somaliland marka laga reebo gobolka Togdheer. Waa gobol ka kooban degmooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin Gabiley, Tog-Wajaale, Allaybaday iyo Arabsiyo. Ma jiro gobol kale oo ay hoos yimaadaan degmooyin kale oo sidaa kuwaa Gabiley u camiran dad ahaan marka laga reebo Gobolka Maroodi Jeex.
Marka doorasho timaado ayaa Gabiley lala soo har-daf boodaa sidii maskii Hil-qadaale ee Hadraawi sheegayay. Hogaamiyayaasha siyaasada ayaa xiligan hamigooda ugu weyni uu yahay in Gabiley ay codad waafi ah ka helaan maadaama ay tahay degmada miisaanka culays ahaan hoos u ridda. Waxay aaminsan yihiin inay Gabiley ay tahay meesha lagu go’aan qaato marka ay noqoto ururka ama xisbiga soo baxaya amaba madaxweynaha guulaysanaya wakhtiga doorashada madaxweynaha lagu jiro.
Gabiley in loo arko inay yaalaan dhibcaha guusha ee doorashooyinku maaha arrin cusub. Xisbiyada Udub iyo Kulmiye ayaa hore ugu liibaanay codkooda. Udub laba jeer oo hore ayay ku aflaxday codadka deegaanka Gabiley. Dhinaca kale, waxa jira meelo badan oo adduunka ka mid ah. Dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Jabaan iyo Faransiiska oo ah dalalka ugu horeeya adduunka dhinaca dimoqraadiyada dhamaantood waxa jira gobolo iyo deegaano loo yaqaano deeganaada go’aanka doorashadu yaalo (Swing or battleground regions votes) .Waa deegaano loo arko codkoodu inuu muhiim u yahay kala saaridda tar-tamayaasha siyaasada.
Waxa jira gobolo la hubo inta badani dhinaca ay codkooda siinayaan. Goboladaasi waxay taariikh ahaan iyo dhaqan ahaanba raacaan xisbi gaar ah. Haddii ay siyaasiyiintu wakhti iyo adduun badan galiyaan gobolodaasi, lagama yaabo inay ka helaan cod ay ku qancaan oo raaligaliya. Gobolada Somaliland ee Awdal, Togdheer iyo Saaxil waxay taariikh ahaan sida badan raacan xisbiyo gaar ah sida ka muuqata diiwaanka cod-bixayayaasha ilaa markii la galay doorashaddii Somaliland u horaysay sanadkii 2002dii.
Laakiin Gabiley waa deegaan ololaha doorashadu uu aad u kulul yahay oo u baahan in hawl-gal balaadhan iyo dagaal adag loo galo. Waa deegaan isbedel ku sameeya doorashada isla markaana codkooda siiya hadba cidda cajabisa ee ay u arkaan in dantooda iyo ta qarankuba ku jirto. Waa cod madax banaan oo aan xisbina ku talo-galin karin.
Xisbiga Kulmiye ayaa Gabiley iyo degmooyinka hoos yimaada si weyn ugu guulastay doorashadii madaxweynaha ee u danbaysay. Inkastoo saluug badan iyo waji-gabax ay reer Gabiley ka muujiyeen wajigii hore ee xukuumada Kulmiye haddana waxaad moodaa in xaaladu ay imika ka duwan tahay sidii hore. Reer Gabiley codkooda umay siinin Kulmiye kaliya in la daboolo baahiyaha bulsho ee ka jira deegaanka gobolka Gabilay, balse waxay codkooda u bixiyeen in la helo dawlad tayo leh oo cadaalad iyo horumar dalka ku hogaamisa. Labbo sanno kadib waxay Reer Gabiley dareensan yihiin in dawladu ay wax badan qabatay oo ay miisaan culus ku leeyihiin talada dalka. Waxay aaminsan yihiin in Kulmiye la siiyo fursad labaad oo uu ku dhamystiro qabyooyinka qaran ee jira isla markaana uu ku gufeeyo meelaha banaana ee bulshada iyo qaranka ay dhaxantu uga soo galayso.
Dhawaaqa madaxweynaha iyo guddomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa soo jiitay dad badan oo reer Gabiley ah. Muuse Biixi oo sii badhi-taaraya siyaasada Kulmiye ayaa ku baaqay in Kulmiye uu saxayo wixii tabashooyin ah ee ay cod-bixiyayaashu tirsanayaan. Waa cod-bixiyayaashii markii hore u codeeyay xisbiga Kulmiye.
Doorashooyinka golaha deegaanka ee sheedda inooga muuqdaa waxay fursado dahabi ah siinayaan dhamaan dadweynaha buuxiyay shuruudaha laga rabo qofka codka bixinaya, sida qofku inuu gaadhay da’dii lagu codaynayay iyo inuu yahay qof Somaliland u dhashhay iyo wixii la mid ah. Dadka codaynayaa waxay ku ciil baxaan codkooda maalinta doorashada la galayo. Waxay u codeeyaan murashaxa iyo xisbiga ay doonaan. Waxa laga yaabaa inay u ciil-qabaan urur ama xisbi hore ay ugu codeeyeen oo ay kawaayeen wixii markii hore ay ku doorteen. Reer Gabiley ayaa haddaba siyaasiin badani ay ka faaiidaysanayaan cabashadooda.
Waa cabashooyinka uu rabo inuu gudoomiyaha xisbiga Ucid ka faaiidaysto. Faysal Cali Waraabe oo marar badan Kulmiye ku eedeeya inuu reernimo iyo tolaayeey ku ololeeyo ayaa isagu markan u muuqda inuu ololaha ku galayo reer abtigay ayaa igu soo biiray. Reer abtigaa oo aad qaraabanimo ugu yeedhataa iyaduba waa tolaayeey oo si kale loo dhigay. Reer Gabileyna ma doonayaan inay codkooda ku bixiyaan dareenka iyo shucuurta xigtanimo iyo mid gacal-nimo oo la salaaxo ama la xan-xanteeyo midna.
Ahmed Ali Aden
Birmingham
UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories