HomeReer Boorama Oo Shaaciyey Doonistooda Ku Aaddan Marti-galinta Ciyaaraha Gobolada Somaliland...

Reer Boorama Oo Shaaciyey Doonistooda Ku Aaddan Marti-galinta Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee 2014

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama (SLpost)_ Fursada Martigalinta ciyaaraha Gobolada Somaliland ee 2014 ayaa waxa tahay mid ay si wayn u doonayaan dadka ku nool goboka Awdal iyo Magaalada Boorama.

Damaca ku aadan arintan ayaa waxa markana isku raacay goob fagaare ahna ka shaaciyay Madaxda gobolka Awdal, kuwa degmada Boorma, Masuuliyiinta Wasaarda Ciyaaraha ee Gobolka, iyo Salaadiinta dhaqanka, waxana arintan ku taageeray dad badan oo ku dhaqan gobolka oo gabi ahaantoodba ah daneeyayaasha ciyaaraha.

Garoonka BooramaIsuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi Cilmi oo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aan maanta saxaafada ka sheegayaa in gobolka Awdal uu rabo ololena u gali doono inuu mati galiyo tartankii ciyaaraha ee Somaliland, caasimadii waa lagu soo qabtay, Burcana waa lagu soo qabtay, una malayn maayo inay jirto Boorama magaalo kale oo ka midan in tartankaasi lagu qabto, Boorama ayaanan rajaynayaa inay noqoto meesha tartankaasi lagu qabanayo, si wayna waan ugu diyaar-garownay, dadka reer Booramana waxa aan ka rajaynayaa inay u diyaargaroobaan martigalinta ciyaarahaas, taladaasina waxa ay tahay mid dadka reer Awdal oo dhan ka soo go’day”

Maayarka Magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna dhankiisa arintan ka shaaciyay waxana uu yidhi “ Waa run in gobolo kale hore loogu qabtay tartanka ciyaaraha ee gobolada Somaliland, maanta waa fursadii Magaalada Boorama, waanan ka wada hadalnay arintan maamulka gobolka Awdal, Wasiirkana waan kala hadli doonaa, waxana aan diyaar u nahay inaan arintan martigalinta ciyaaraha ka galno olole xoogan ilaa aan kaga guulaysanayno, waan dhisnay Garoonkii kubada Cagta, waanan ku kalsoonahay in magaalada Boorama tahay magaalo ku haboon martigalinta, cimiladeeduna ay tahay mid ku haboon in lagu ciyaaro, sidaas aawadeed, waxa aan shaacinayaa in arintani ay tahay mid naga go’an diyaarna aan u nahay, sumcad iyo isdhexgalna u ah dhalinta iyo ciyaaraha Somaliland.

Sidoo kale Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Cabdi Nuur Sugaal ayaa isaguna dhankiisa ka soo dhaweeyay  arintan waxana uu yidhi “Ma jiro meel ka mudan Boorama oo ciyaarahaas lagu martigalin lahaa sanadkan, waa gobolkii midnimada, waa magaaladii hormarka, waana meel ku haboon oo ay dadkeedu diyaar u yihiin in lagu marti galiyo ciyaaraha sanadkan”

Sul. Xasan Xadi Baade oo isaguna arintan soo dhaweeyay ayaa yidhi “Talaabadaasi waa mid ay Salaadiintu wadajir u taageerayso, dhalintana waxan leeyahy ha u diyaargarobaan soo dhawaynta dhalinta kale iyo martigalinta ciyaaraha ee sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee arinta marti galinta ciyaaraha gobolada Somaliland ee santa 2014 ayaanan wali lagu dhawaaqin cida ku guulaysatay, waxana ay Wasaarada ciyaaraha ee Somaliland hore u sheegtay in tartan lagu jiro, natiijaduna ay soo bixi doonto  isla sanadkan horaantiisa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories