HomeRecep Dayyib Erdogan oo mar kale loo Doortay Madaxweynaha Turkiye iyo Xukuumadda...

Recep Dayyib Erdogan oo mar kale loo Doortay Madaxweynaha Turkiye iyo Xukuumadda Somaliland Oo Hambalyo U Dirtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Shacabka dalka Turkiye, ayaa mar kale xilka madaxweynaha dalkaas u cumaaday madaxweynaha kursiga ku fadhiya Recep Dayyib Erdogan, Sida ay muujinayaan Natiijooyinka hordhaca ah ee ka soo baxay natiijada Doorashada madaxtooyda dalkaas oo maanta looga dareeray dalkaas.

Doorashada oo ahayd Wejiga labaad ee tartan dhexmaray Recep Dayyib Erdogan iyo Kemal Kılıçdaroğlu, waxa ka qayb-galay in ka badan 54Milyan oo ka mid ah 64milyan oo isu-diiwaangeliyey Codbixinta doorashooyinka dalkaas.

Iyadoo la tiriyey in ka badan boqolkiiba 99 sanaadiiq codadka la dhiibtay maanta, waxa hoggaaminaya Recep Dayyib Erdogan oo haysta in ka badan boqolkiiba 52 codadka la dhiibtay halka murashaxa isbahaysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu haysto tiro ku dhow boqolkiiba 48 codadka la dhiibtay oo u dhiganta 25 milyan oo cod.

Doorashadii dalkaas laga qabtay 14-kii May, ayaa sababtay in la qabto wareeg labaad oo ay ku kala baxaan labadan murashax oo midkoodna ku guulaysan waayey boqolkiiba 50 codadka shacabka dalka Turkiye.

Recep Dayyib Erdogan waxa uu wareeggii hore ee doorashada helay boqolkiiba 49.5 Codadka la dhiibtay, murashax Kemal ayaa ku guulaystay boqolkiiba 44.88 codadka, halka murashaxa saddexaad ku soo xigay uu helay in ka badan boqolkiiba 5 codadka la dhiibtay.

Guusha uu Erdogan ka gaadhay wareegga labaad ee tartanka madaxweynaha dalkaas ayaa ku timi kaddib markii uu heshiis la galay murashaxa kaalinta saddexaad galay ee Sinan Ogan.

blankMadaxda Caalamka ayaa durba hambalyo u diray guusha uu Erdogan ka gaadhay doorashada madaxtinimada dalkaas, waxaana madaxdan ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud.

“Waan ku hambalyeynayaa Recep Dayyib Erdogan in maanta dib loo doortay. Waxa kale oo aan u hambalyeynayaa shacabka Turkiye. Hogaanka aad dalkiina iyo dadkiina u dhiibteen waa mid ay dunidu wada arkayso. Hambalyo Madaxweynaha La doortay,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Ciise Key oo qoraal kooban oo hambalyo ah ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

blank

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories