HomeReal Madrid oo soo bandhigtay Dalab ay ku rabto Sergio Aguero (Higuain...

Real Madrid oo soo bandhigtay Dalab ay ku rabto Sergio Aguero (Higuain + £8.5 Milyan)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SLpost Sports, 03 April, 2012 – Kooxda Real Madrid ayaa Muujisay xiiso dheeraad ah oo ay u hayso weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero oo ay damacsan yihiin inay kooxdiisa u soo bandhigaan Baayactan ay ku beddelayaan weeraryahanka ay isku Qaranka u ciyaareen ee Gonzalo Higuain iyo weliba qaddar lacageed oo dhan £8.5 milyan.

Qorshahan Real Madrid ku doonayso inay Xiddigan ku soo xereeyaan gegida Bernabeu waxay ka dambaysay ka dib markii uu tabobare Mourinho qorshihiisa safka hore kaga daray rabitaannada ciyaartoyda cusub ee uu xilli-ciyaareedka soo socda uu danaynayo isaga oo ka faa’idaysanaya khilaaf xiddigan soo kala dhex galay tabobare Mancini taas oo ku saabsanayd dhaawacii lugta ka soo gaadhay ee kaa baajiyey inuu safto kulankii ay Manchester City 3-3 isla dhaafi waayeen Sunderland taas oo hog baas ku ridday rejadii ay ka qabeen hanashada horyaalka.

blank
AGUERO FOR MAN CITY vs HIGUAIN FOR MADRID

Aguero ayaa u wareegay gegida Etihad xilli-ciyaareedkii hore isaga oo heshiis qiimihiisu dhamaa £38m uga soo wareegay kooxda horyaalka La Liga-ha ka dhisanee Atletico Madrid, waxaanu xilli-ciyaaredkan dhaliyey 17 gool isaga oo kaalinta 3aad kaga jira kala horeynta gool-dhalinta horyaalka Ingiriiska.

Halyeygii hore ee kubadda cagta, Maradona, oo Soddog u ah ciyaartoygan ayaa yidhi, “Aguero waa inuu u ciyaaraa Real Madrid. In kasta oo uu xilli wanaagsan ku hasto City, waxa ugu wanaagsanaan lahaa isaga oo ku biiri lahaa Madrid. Khalad ayuu sameeyey.”

Dhanka kale,  Higuain ayaa xilli-ciyaareedkan qaab-ciyaareed fiican la soo baxay isaga oo soo ceshaday sumcaddiisa gool-dhalinta in kasta oo haddana ay kooxdu ka door-biddo weerar yahanka Faransiiska ah ee Karim Benzema oo inta badan ciyaarta lagu bilaabo.

Weeraryahankan oo xulka qaranka Argentina ay u wada saftaan Aguero, waxa hadal-hayntiisu u badneyn inuu u wareegayo kooxda Chelsea iyo sidoo kale kooxo Talyaani ah oo Juventus ugu horeyso.

Jariiradda ciyaaraha ka faaloota ee ka soo baxda magaalada Madrid ee AS ayaa sheegay in wiilkan Maradona Soddogga u yahay uu mar hore ka hadlay inuu ku laabanayo horyaalka La Liga gaar ahaan kooxda caasimadda Spain ka dhisan ee Madrid,waxaana laga yaabaa in xilli-ciyaareedka soo socda uu xiddigani mar kale ka ciyaaro horyaalka La Liga.

blank
BIDIX: HIGUAIN iyo AGUERO OO ARGENTINA U CIYAARAYA

Wararku waxa ay intaas ku dareen, in xidhiidhka xooggan eek a dhaxeeya Mulkiilayaasha Madrid iyo City –  Florentino Perez iyo Sheikh Mansour – uu kor u qaadi karo fursad loo helo heshiish ciyaartoygan ugu wareego Madrid, halka uu tabobare Mancini uu isaguna diiradda ka saarayo weeraryahanka kooxda Arsenal Robin van Persie.

Tabobarahan Talyaaniga ah ayaan waxba ka qarin damaciisa weeraryahankan u dhashay dalka Holland oo isagu hoggaaminaya Gool-dhalinta horyaalka Ingiriiska, balse waxa uu iska caabbin kala kulmay kooxda Arsenal iyo qoyska ciyaartoyga.

SLpost Sports News

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories