HomeRaysalwasaaraha Turkiga oo ku Hanjabay Tallaabo ay Dawladdiisu ka Qaadayso Dawladda Israel

Raysalwasaaraha Turkiga oo ku Hanjabay Tallaabo ay Dawladdiisu ka Qaadayso Dawladda Israel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

jawaabHargeysa (SLpost)- Raysal-wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku gooddiyey in dalkiisu ka hawl-gali doono sidii uu Maxkamadda Caalamiga ah Dambiyada ugu gudbin lahaa dacwad ka dhan xasuuqa dawladda Israa’iil ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku dhaqan Marinka Gaza.

Waddanka Turkiga oo xubin ka ah gaashaan-buurta NATO ee Maraykanku hoggaamiyo, ayaa ka mid ahaa saaxiibbada ay aad isugu dhow yihiin dawladda Yuhuudda, haseyeeshee xaaladda ka soo cusboonaatay dhulka Falastiiniyiinta, ayaa sababtay kala-fogaansho soo kala dhex-galay xidhiidhka labada waddan.

“Wakhtigan, Xamaas way u diyaarsan tahay wax walba si loo helo xabba-joojin, madaxweynaha Falastiina waa u diyaar xabba-joojin,” sidaa waxa yidhi Raysal-wasaare Erdogan oo u warramay Telefishanka CNN.

“Laakiin Israel uma muuqato inay Israa’iil diyaar u tahay, waxaanay sii waddaa inay daadiso dhiigga shacabka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha dalka Turkigu.

Hadalka Raysal-wasaare Erdogan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib markii uu ku eedeeyey dawladda Israa’iil in duullaankooda Gaza uu dhaafay hab-dhaqannadii iyio xasuuqii uu geystay Hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler xilligii dagaalkii labaad ee Adduunka.

“Haddii Israa’iil sii waddo hab-dhaqankeeda, waxa aanu ka dacwayn doonaa Maxkamadaha Caalamiga ah,” ayuu yidhi Erdogan oo boqolaal Qof oo taageerayaashii ah kula hadlayey magaalada dhinaca Koonfureed ee dalkaas ku taala ee Mersin.

“Waynu Arki doonaa inay tani dhacdo, Turkiguna wuu u halgami doonaa qaddiyaddan, ayuu hadalkiisa raaciyey isaga oo ujeeddada hadalkiisu ahayd in dawladdiisu halgan xooggan u geli doonto dacwad ka dhan ah Israa’iil oo maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada loo gudbin doono.

“Waa la wada ogyahay in Israa’iil ay wali taageero iyo difaac ka haysato reer Galbeedka, duniduna way ka aamusan tahay. Sidaa awgeed, annagu kama sii aamusnaan karno, mana ahaan doono qaar ka aamusan arrintan,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Dalka Turkigu.

Hadalka Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli dalka Turkiga looga diyaar-garoobayo doorashooyin uu Mr Erdogan ka rejaynayo inuu guul wax ku-ool ah ka gaadho, waxaanay noqonaysaa doorashadii u horeysay dalka Turkiga ee Madaxweynaha dalkaas ay shacabku doortaan, iyada oo markii hore Baarlamaanka gudihiisa laga dooran jiray Madaxweynaha oo isagu magacaaba Raysalwasaaraha dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories