HomeRaysalwasaaraha Ethiopia oo Amray in Weerar Milatari lagu Qaado gobolka Tigray iyo...

Raysalwasaaraha Ethiopia oo Amray in Weerar Milatari lagu Qaado gobolka Tigray iyo Xiisadda oo cakiran

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Addis Ababa (SLpost)- Raysalwasaaraha Dalka  Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku bixiyay in guluf militari lagu qaado Maamulka gobolka Tigray, kadib weerar la sheegay in lagu qaaday Saldhig Milatari oo Ciidamada Itoobiya leeyihiin.

Rasalwasaare Abiy oo khudbad ka jeediyey telefishanka Dowladda, ayaa ku eedeeyay Xisbiga TPLF ee haya talada ismaamulka gobolka Tigray in ay masuul ka ahaayeen weeararka lagu qaaday xerada Milatari, isagoo sheegay inay weerarkaasi sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay ciidanka.

Go’aan ka soo baxay Golaha wasiirrada ee dalkaas, ayaa lagu shaaciyey xaalad deg-deg ah oo muddo Lix bilood ah lagu soo rogay goholka Ismaamulka ee Tigray.

blank“Xaaladdu faraha ayay ka baxday oo waxay gaadhay heer aan lagaga hortagi karin ama lagu xakameyn karin iyadoo nidaamka sharci ee caadiga ah loo marayo, ” Sidaas waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia.

Wararka laga helay dalka Ethiopia, ayaa sheegay in Guud ahaan gobolka Tigray laga jaray adeegyada korontada, telefoonka iyo internetka.

Xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada iyo xisbiga TPLF oo qeyb ka ahaan jirtay isbaheysiga gacanta ku haya maamulka kahor inta aanu talada dalka qaban Mr Abiy, ayaa cirka isku sii shareeray bilihii lasoo dhaafay, iyadoo labada dhinacba isku eedaynayaan inay qorsheynayaan awood milatari.

Kulan uu yeeshay baarlamaanka Federaalka Ethiopia Salaasadii shalay, wuxuu Goluhu soo jeediyey in xisbiga TPLF loo aqoonsado ‘Urur Argagixiso’.

 

Muxuu Yidhi Raysalwasaare Abiy?

Mr Abiy waxa uu sheegay in kuwa weerarka soo qaaday ay isku dayeen inay Saldhigga Milatari ka boobaan Hubka noocyadiisa kalad duwan intii uu socday weerarka oo subaxnimadii hore ee saaka la fuliyey, wuxuuna raysalwasaaruhu ku gooddiyey in khadkii casaa ee ugu dambeeyay laga gudbay taasina ay ku qasabtay dowladda federaalka inay tallaabo Milatari qaaddo.

“Ciidamadii difaaca qaranka ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay dhufaysyada ugu jiray difaacida dadkooda iyo dalkooda ee dhiiggooda u huray, ayaa lagu weeraray magaalada Mekelle iyo meelo kale oo badan,” sidaas ayuu yidhi Raysalwasaare Abiy oo khudbad ka jeediyey telefishanka dowladda.

“Ciidamadii difaacyey dalka waxa weeraray muwaadiniintoodii, qaar badan ayaa ku shahiiday, qaarna waa la dhaawacay, hantina waa la burburiyey,” ayuu raysal-wasaaruhu raaciyey hadalkiisa, haseyeeshee ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya weerarka lagu qaaday milatariga dalka Ethiopia.

 

Waa Sidee Xaaladda Gobolka Tigray?

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saaka dhawaaqa rasaasta laga maqlayo magaalada laakiin ay markii dambe xaaladdu deggenaansho ku soo noqotay.

blankWarku waxa uu intaas ku daray in jidadka magaalada lagu arkayo Dad shacab oo lugaynaya balse aanay shaqaynin gaadiidkii dadweynaha, kaddib markii ay Ismaamulku xayiraad ku soo rogeen dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo sidoo kale Duullimaadka diyaaradaha.

Waxa la xidhay dhammaan Bangiyadii iyo Xafiiska shirkadda isgaadhsiinta ee Ethiopia oo ah ta kaliya ee ka shaqaysa dalkaas. Sidoo kale, waxa la joojiyey duullimaadyadii ay gobolkaas ku tagi jiray Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

blankIlaa immika Ma cadda sida ay Dowladda Federaalka ee Ethiopia u fulin doonto Xaaladda deg-degga ah ee ay ku dhawaaqday maxaa yeelay maamulka gobolka Tigray waxa uu gacanta ugu jiraa hoggaamiyeyaasha TPLF, waxaana ciidamada Milatariga ee Tigray lagu daad-gureeyey xuduudka ay la wadaagaan gobolka Amxaarada, sida uu sheegay wariyaha BBC-da u jooga gobolka Tigray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories