HomeRaysalwasaaraha Canada Oo Muslimiinta La Tukaday Salaad Maqrib Iyo Sheekh La Maseeyey...

Raysalwasaaraha Canada Oo Muslimiinta La Tukaday Salaad Maqrib Iyo Sheekh La Maseeyey Boqorkii Itoobiya Ee Asxaabtii Nebiga (SCW) Badbaadiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ottawa (SLpost)- Fiidyoow dhowaan warbaahinta Canada iyo kuwa caalamiga ahiba baahiyeen ayaa muujiyey raysalwasaaraha dhowaan loo doortay dalka Kanada Justin Trudeau oo ku jira gudaha mid ka mid masaajidda ku yaalla dalkiisa, isaga oo dhex fadhiya una sheekaynaya Muslimiin uu la tukaday salaad Maqrib. Talefishanka Al-Carabiya oo si gaar ah dabagal ugu sameeyey Fiidyowgan ayaa sheegay in sawirradan la qaaday sannadkii 2013ka , isla markaana lagu baahiyey degellada Internet ka ee Canada iyo meelo kale oo uu ugu dambeeyey degelka cljnews oo Yuhuudda Kanada ay leeyihiin.

Raysalwasaare Justin Trudeau oo ah 44 jir saddex carruur ah dhalay, xilligaas uu masjidka booqday raysalwasaare ma’ uu ahayn, balse waxa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga awoodda badan ee Liberal ka, waxa aanu booqday masjid ku yaalla magaalada Surrey ee galbeedka fog ee Kanada dhacda, sida muuqaalkan laga arkana waxa uu ku labbisan yahay dharka muslimiintu xidhaan. Cajaladda waxaa laga arkayaa Justin Trudeau oo khudbad kooban oo uu ku bilaabay salaanta Islaamka u jeedinaya dadka uu masjidkan kula kulmay, kadib markii uu salaaddii la tukaday, waxa aanu uga mahadnaqay in ay masaajidkaas ugu casuumeen. Xilligaas oo Ramadaan ku beegnayd ayaa sida uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waxa uu Justin Trudeau la afuray muslimiinta masjidka ku sugnayd, “Qiyamka Ramadaanku sidoo kalana waa qiyamka Canada” ayaana ka mid ahaa hadalladiisa.

Justin Trudeau oo jagada raysalwasaarenimo ku guulaystay doorashadii bishii Noofambar 2015ka, ayaa la sheegay in uu marar kala duwan booqday masaajiddo ku yaalla dalkiisa in kasta oo aanu sida markan salaad la tukan, waxa aana lag utilmaamaa nin in uu dedaal adag ugu jiraa sidii uu dalkiisa ugala dagaalami lahaa, is-kooxaysiga iyo Cunsuriyadda, iyo in sigaar ah niyadda loogu dejiyo dadka muslimiinta ah, “Muslimiintu qayb aad u muhiim ah ayaa ay ka yihiin bulshada Kanada”

Warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku daraya in Sheekh Shacbaan Shariif Maadi oo imam iyo masuul ka ah masaajidka iyo xarunta Islaamiga ah ee magaalada Edmonton ayaa khudbad uu jeediyey, waxa uu si aad ah ugu ammaanay raysalwasaaraha Kanada Justin Trudeau oo uu ku sheegay, “Najaashiga Casrigan” isaga oo la masaynaya boqor Najaashi Asmaxah Bin Abjar oo ahaa boqorkii Itoobiya ee Kiristaanka ahaa ee xilligii Nebi Muxammed (SCW) qaabilay, koox ka mid ah asxaabtii Nebiga (SCW) oo iyaga oo ka soo firdhaday dhibkii Quraysh dalkiisa soo magangalay, sida taariikhda ku cadna uu si aad ah u soo dhoweeyey una difaacay, illaa ay nabad qab dib mar dambe ugu soo noqdeen dhulkoodii. 

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories