HomeRaysal-wasaare Abiy Ahmed oo Xilalkii ka qaaday Taliyeyaashii Ciidamada Ethiopia iyo Xubno...

Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Xilalkii ka qaaday Taliyeyaashii Ciidamada Ethiopia iyo Xubno Wasiirro ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa shaqada ka eryay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Ciidamada dalkaas xilli uu khilaafka xooggan ka taagan gobolka Woqooyi ee Tigray.

Raysalwasaare Abiy, ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xilkii kaga qaaday Wasiirkii Arrmaha Dibadda, Gedu Andargachew, waxaanu xilkaas u magacaabay inu hayo Raysalwasaare ku-xigeenkiisa Demeke Mekonen oo labada xilba isku haynaya.

blankWasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mr Andargachew, waxaa uu u magacaabay inuu noqdo la-taliyaha Amniga Qaranka.

Taliyihii Ciidamada Milatariga Itoobiya, Gen Adem Mohammed, ayaa lagu beddelay ku xigeenkiisii Gen Berhanu Julla oo haatan noqon doona taliyaha ciidamada Qalabka-sida, halka Gen Abebaw Taddese loo magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Milatariga.

Madaxweynihii Dowlad-deegaanka Amxaarada, Temesgen Tiruneh, waxa isagana loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Sirdoonka Dalkaas, halka Demelasha Gebremichael loo magacaabay in uu noqdo taliyaha Booliska ee dalkaas.

Talaabadan lama filaanka ah ayuu Raysal-wasaare Abiy qaaday maanta Xilli ay ka sii darayso xiisadda ka aloosan gobolka Tigray.

Dhanka kale, Berhanu Julla oo haatan laga dhigay Taliyaha guud ee ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Dowladdu qabsadeen magaalooyinka Dansha, Baakar ee gobolka Tigray, isla markaana ay haatan ku dhow yihiin magaalooyinka Shire iyo Shiraaro ee gobolkaas.

Dhinaca kale, War murtiyeed uu soo saaray maamulka deegaanka Tigray ayaa lagu sheegay in xukuumadda Abiy ay dhegaha ka fureysatay baaqyada nabadeed oo ay dagaal aan laga fiirsan deeganka ku oo qaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories