HomeRaysal-wasaaraha Ingiriiska oo wacad ku maray inay qaadayaan tallaabo kasta oo ay...

Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo wacad ku maray inay qaadayaan tallaabo kasta oo ay kusoo furan karaan Haweenayda Al-Shabaab ka haysato

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)- Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa wacad ku maray in dawladdiisu ay qaadayso tallaabo kasta oo ay kusoo furan karaan Haweenay u dhalatay dalkaasi oo loo tuhunsan yahay inay Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta Soomaaliya toddobaadkii hore ka afduubeen dalka Kenya oo ay dalxiis ku tagtay.

blankSida lagu daabacay Wargaysa Daily Telegraph oo kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Ra’iisal wasaaraha dalkaasi David Cameron ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisu ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu soo badbaadin karo Haweenayda u dhalatay dalkaasi oo dhawaan kooxo hubaysan ay ku afduubteen gudaha dalka Kenya.

Judith Tebbutt oo ah Haweenayda la qafaashay ayaa la sheegay inay gacanta u gashay dabley hubaysan xilli iyada iyo saygeeda oo ay dileen kooxahaasi ku sugnaayeen Jaziiradda Lamu ee dalka Kenya.

David Cameron ayaa la sheegay in uu xidhiidh la sameeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Ingiriisku ay ku leedahay dalka Kenya, waxaana ay xuseen in wali baadhitaanno ay ku hayaan goobta lagu haysto Haweenaydaasi ay afduubteen kooxaha hubaysan, isla markaana dilay Seygeeda oo lagu magacaabi jiray David.

Ra’iisal wasaaraha dowladda Ingiriiska ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in Ciidammo Sirdoon ah la geeyo dalka Kenya si ay u baadhaan halka lagu haysto Haweenaydaas, waxaana illaa iyo imminka socda baadhitaanno lagu xaqiijinayo goobta lagu haysto Haweenaydaasi oo wararku qaar ay sheegayaan inay Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ku haysato Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay uu Ra’iisal wasaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron uu shaaca ka qaado in tallaabo kasta oo lagu soo badbaadin karo haweenayda u dhalatay dalkiisa ay qaadayaan. Hase ahaatee, illaa iyo imminka ma cadda cidda sida rasmiga ah gacanta ugu haysa Haweenayda u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magaaabo Judith Tebbutt, isla markaana da’deedu la sheegay 56-jir. Inkasta oo ay dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay afduubka gabadhaas ku eedaysay Malleeshiyada Al-Shabaab.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories