HomeRaysal-wasaaraha Ethiopia Oo Ka Hadlay Heshiis isfaham oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland

Raysal-wasaaraha Ethiopia Oo Ka Hadlay Heshiis isfaham oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa maanta Heshiis is-faham oo dhabbada u xaadhaya hirgelinta iskaashi Cusub oo dhexmara labada dowladood iyo sidii Dowladda Ethiopia u heli lahayd deked ay isticmaasho.

Heshiiska is-faham oo ku salaysan Is-kaashi iyo wax-wada-lahaansho dhexmara labada dowladood, ayaa loogu tala-galay inuu aasaas u noqdo iskaashi dhinacyo badan leh sida Ganacsiga, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Xidhiidhka dibloomaasiyadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia.

Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia, waxa uu intaas ku daray in heshiiskani dhabbada u xaadhayo sidii labada waddan u sii xoojin lahaayeen Xidhiidhada dhinacyada siyaasadda iyo dublomaasiyada.

Raysal-wasaaraha Ethiopia wuxuu intaas ku daray inuu heshiiskani xaqiijinayo mowqifka Dowladda Ethiopia ee kobcinta iskaashi labada dhinacba ka faa’idaystaan.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inuu heshiiskani Jabtar Cusub u furayo Xidhiidhka iskaashi ee Somaliland iyo Ethiopia isla markaana uu muhiimad weyn u leeyahay is-dhexgalka Gobolka Geeska Afrika.

Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaare Abiy Ahmed wuxuu intaas ku daray in heshiiskan isfaham u suurto-galinayo Dowladda Ethiopia inay kor u qaaddo doorka ay ku leedahay ammaanka iyo xasiloonida Gobolka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories