HomeRaysal-wasaaraha dalka Kenya oo qaabilay wefti ka socda Somaliland (VIDEO)

Raysal-wasaaraha dalka Kenya oo qaabilay wefti ka socda Somaliland (VIDEO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Kiiniya Mr. Raila Odinga ayaa xafiiskiisa magaalada Nairobi ku qaabilay Wasiirro ka socda Somaliland oo maalmahanba booqasho ku joogay dalkaas.

blankKulankan oo ay dhanka Somaliland u metelayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir), waxa la sheegay in lagaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dal iyo dardargelinta xidhiidhka is-kaashiga, nabad-gelyada mandaqada geeska afrika.

Sidoo kale, waxa la sheegay inay labada dhinac kulankoodaasi kaga wadahadleen xidhiidhka isu-socodka Safarrada Masuuliyiinta labada dal, iyada oo dhawaan uu dalka Kenya booqasho ku tegi doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo martiqaad rasmiya ka helay Ra’iisal Wasaaraha Kenya Md. Raila Odinga, isla markaana lagu wado inuu taas bedelkeeda booqasho ku yimaado dalka Somaliland Ra’iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga, taasoo xoojinaysa wada-shaqaynta iyo is dhex-galka labada dal.

Ka dib markii toddobaadkii hore wefti uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland booqasho rasmiya ku tageen dalka Djibouti, ayaa kulamo ay masuuliyiinta dalkaas la yeesheen ka dib waxa uu Madaxweynaha Djibouti ku dhawaaqay in Baasaaboorka Somaliland lagu gali karo dalka Djibouti. Sidoo kale, wadahadalka ay Wasiirrada Somaliland ka socday shalay la yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Kenya, waxa laga dhadhansan karaa talaabooyin diblomaasiyadeed iyo xod-xodasho aqoonsi loogu raadinayo Baasaaboorka Somaliland. Sidaa daraadeed, booqashada Madaxweyne Siilaanyo Kenya ku tago ka dib, hadii ay taasi rumawdo, waxay noqonaysaa guul horumar leh.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories