HomeRaysal-wasaaraha Britain, Boris Johnson, oo laga helay Caabuqa CoronaVirus

Raysal-wasaaraha Britain, Boris Johnson, oo laga helay Caabuqa CoronaVirus

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

London (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Britain, Boris Johnson, ayaa laga helay Caabuqa CoronaVirus, sida uu ku sheegay muuqaalka uu soo dhigay bartiisa Twitter oo uu ku shaaciyey maanta.

blank
Boris Johnson at 10 Downing Street. Photofile: by Andrew Parsons.

Raysalwasaare Boris Johnson ayaa laga helay caabuqa CoronaVirus kaddib markii ay hawl-wadeenno ka tirsan Waaxda Caafimaadka Qaranku baadhitaan ku sameeyeen isagoo ku sugan Xafiiskiisa oo uu xilligan ku karantiimaysan yahay.

“24-kii Saacadood ee u dambeeyey waxaan isku arkay astaamaha xannuunka, markii layga baadhayna waxa layga helay Coronavirus,” sidaa waxa yidhi Raysalwasaare Johnson oo muuqaal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey bartiisa Twitter..

“Immika waxa aan ku jiraa karantiil, laakiin waa sii wadi doonaa inaan hoggaamiyo dedaallada ay dowladdu waddo ee aanu kula dagaalamayno CoronaVirus.”

Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal-wasaaraha, ayaa sheegay in hoggaamiye Johnson astaamaha cudurka isku arkay Khamiistii shalay oo ahayd maalin kaddib markii uu Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ka qayb-galay kulanka todobaadlaha ah ee mudaneyaasha baarlamaanku su’aalaha ku weydiiyeen Raysal-wasaaraha.

Waxa uu Afhayeenku sheegay in baadhista raysalwasaaraha lagu sameeyey ay ku timi kaddib talooyin uga yimi La-taliyaha Caafimaadka dowladda Prof Chris Whitty oo isaga laftiisa xannuunka laga helay.

Raysal-wasaaraha Britain, ayaa noqonayaa masuulkii ugu sarreeyey dowladaha Caalamka ee shaaciyey inuu qabo cudurka Covid-19.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Britain, Matt Hancock, ayaa maanta shaaciyey in laga helay caabuqa CoronaVirus isla markaana uu karantiil isgelin doono, wixii shaqo ahna gurigiisa ku qaban doono.

“Nasiib-wanaag, astaamuhu ilaa imminka aad bay u yar yihiin, sidaa darteed waan awoodi karayaa inaan sii wado howsha iyo dedaallada UK kula dagaalamayso Coronavirus,” sidaa waxa bartiisa twitter ku shaaciyey xoghayaha Caafimaadka ee dalka Britain.

Dhinaca kale, sida Caadiga ah dalka Ingiriisku ma laha raysal-wasaare ku-xigeen, sidaa awgeed, warbaahinta dalka Ingiriiska, ayaa ilaa maanta baahiyey doodo iyo falan-qayno ku saabsan cidda la wareegaysa hoggaaminta dalkaas haddii xannuunkani soo rito Raysal-wasaare Johnson, waxaana falan-qaynaha iyo doodaha ka soo baxay in masuulka ugu dhow ee xilkaas la wareegi doonaa uu yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Dominic Raab.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories