HomeRASUULKII ALLAA IIKAA SOO DIROO WAAD AMRANTAHAY!

RASUULKII ALLAA IIKAA SOO DIROO WAAD AMRANTAHAY!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tuugta wax xataa kala khiyaano iyo farsamo badan. Dadka baadiyaha ka imanayaa ee xoolaha soo iib geynayaana kala fiiro iyo dhugmo badan. Goobaha xoolaha lagu kala iibsado iyo meelaha ganacsigu ka socodo bandana kama dhamaadan tuugto.

Oday reer baadiye ah oo qolyahan tusbax weynta ah ayaa waxa uu maagalada Hargaysa u soo iibgeeyay laba awar ku waas oo uu reerka ugu soo safray. Markuu sayladii keenay ee laga iibsaday  ayaa nin oday ah oo xariif ku ah dhaca dadka dagan sheedda ka halacsaday, dhamaana waxa uu la socday dhaq-dhaqaasiisii iibka. Waxa uu qaybay inta laga siistay! Cidda ka iibsatay! Meesha uu ka soo safray odaygani! Labada awree uu watay intay lee kaayeen iyo midabkay ahayeen! Odaygii waxa uu
soo qaatay kiishkii lacagta ahaa, waxa uuna dhigtay Tukaan uu lahaa nin la odhan jiray ina Cumar Jees inta uu kala baxay inyar o uu ku qadeeyo. Waxa uuna soo salad tagay duhurkii masaajid ku yaala suuqa Hargaysa oo uu damcay inuu ku tukado. Ninkii laadarka ahaana waa uu la socdaa odyagan isaga ah, waxaanu ogooday xogtii ninkan sadcaalka ah.

Inta uu big yidhi oo cagaha wax ka dayay markuu xaajigii masaajidka ku hubsaday, ayuu iska soo dhigay weli alle oo aan la arag oo la maqal. Waxa uu soo xidhay khamiis Cad, Cumaamad cad, Tuxbax weyna wa uu ku soo jeeni qaartay iyo Toosh weyn oo af-case la odhan jiray. Odaygii sadcaalka ahaa ayuu ku soo dhinac qatay oo ku tukanaaya masaajikii. Markii salaaddii laga baxay ayuu ku jeestay odaygii, isaga oo toosh casihii inta uu maro afka kaga soo duu-duubay soona shiday kilin-kilada soo gashaday.

Inta uu iska qiiraysiiyay ayuu ku yidhi “ Anigu waxaan kami magaalada Makka oo waxaa ii kaa soo diray Rasuulkii Maxamed ahaa” waanu igu yidhi “ninkaa odayga ahi waa Amaranyahee ka qaad lacagta uu hayo oo nuurka ugu baddal, kuna noqo dheh deegaankaad ka timi”…….. odaygii ayaa u qaadan waayay ninkani siduu xogtiisa oo dhan u hayo, iyo inuu Rasuulkii alle soo diray. Isaga oo aan is kagala ogayn oo farxadi ka muuqato ayuu yidhi “ Haye………. Haye ………… Haye.Markaasuu odaygii ku yidhi “waa xaajiga hebel ma tahay” Haa.. Meel heblaayo maka timi? Haa… Laba awroo noocaasa ma wadatay? Haa…. Hebel makaa iibsaday? Haa…. Lacagta intaa leeg malagaa siisatay? Haa…Haa…. Haaa.  Tusbax weyn ma tahay? Haa… Haaa…. Odaygii haa… haa… ayay ka soo hadhay.

Odaygii intuu deg-dega kabaha u qaatay ayuu ninkii laadarka ahaa, uu hadda awliyo alle u ahysto uu talaabada hor booday. Waxa uu af-ka kaga shubay tukaankii Ina Cumar Jees ee lacagtu u taalay. Waxaanu soo xantoobiyahay kiishkii lacagta ahaa. Ninkii ayuu gacanta ka saaray isna tooshkii af-casaha ahaa ee uu marada ugu soo duu-duubay ayuu qaatay oo uu u haytso laytal kagar Rasuulku u soo dhiibay. …… Odaygii ayaa yidhi “Adeer masaariifta makala baxaa?” Aaaaaa……. Aaaaa… Ha taaban waa amar Rasuule yaaanu Qashar kala bixin ayaa la yidhee!!!!!

Ninkii odayga ahaa isaga oo sanka taagay, oo awliyo alle isku hayta ayuu tagay tuuladii uu ka soo safray, ninkii laadarka ahaana kiishkii lacagata ahaa ayuu barkaday oo Hargaysa yuu dhinac ka xulay. Ninkii dhacnaa ee masaafurka ahaa inuu jidka ku soo jiray ayaa tooshkii xanjaartiii falaagtay, oo waa uu bakhtiyay. Markuu deegaankii tagay ee lagu yidhi mee safarkiina intuu intuu marfashkii uu ku qayili jiray iska fadhiistay toosh casihiina kilaan-kilada iska gashaday ayuu yihdi….. “ Hayla hadline waan amranoo rasuulkii allaa nuur ii soo dhiibee”…………………. Dadkii ayaa ku yidhi “  waar bal na tus nuurka aad sheegayso, ee aad lacagtii awrta ku soo badalatay”……… tooshkii ayuu soo saaray saa waaba dam.. oo waa bakhti……. Dadki garaadka iyo garashada u saaxiibka ahaa ee deegaanka joogay ayaa gartay in sacabbada lays kugu dhuftay ninkan odayga ah…….halkiibaanu ku gar-waaqsaday inuu dhacanyahay oo af-ka ciida loo daray……

·         Q/Mustafa X Axmed (Sheybe)

·         Burco-somaliland

·         Burao University

·         Email:onkod1990@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories