HomeRamadaanta iyo Ramadkeeda!(9aad) – Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar

Ramadaanta iyo Ramadkeeda!(9aad) – Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

guuleed MadarWaxa foodda inagu soo haya tobankii gabo-gabada u ahaa bishan barakaysan ee Ramadaan , Tobankan oo ah tobanka dambi dhaafka .

Xadiis ay rasuulka (N.N.K.H) ka soo gudbisay asxaabiyadii ahayd xaaska rasuulka ee “Caa’isha” ayaa waxa ay tidhi:( waxa uu ahaa rasuulku(N.N.K.H) marka ay soo galaan tobanka uugu dambeeya bishan Ramadaan : mid nooleeya habeenkii,baraarujiya ehelkiisa,guntigana dhiisha iskaga dhiga) .Oo ah in uu habeenkii oo dhan u taagnaan jiray salaad iyo duco, ehelkiisa oo ay uugu horreeyaan dumarkii rasuulkuna uu baraarujin jiray, oo ay sii libin-laabi jireen dadaalkii ay ku jireen bisha inteedii kale .guntigana wuu adkaysan jiray.

Waxa ka mid ah tobankan dambe ee bishan barakaysan ,habeenka uu              Alle (S.W.T) Ku sheegay Qur’aanka kariimka ahi in uu soo dagay.Habeenkaas oo uu ku magacaabay Alle(S.W.T) in uu yahy” Habeenka Qadriga”.

Waa habeenka hadii aad halleesho uu Alle (S.W.T) kaa dhaafayo dunuubtii aad hore u soo fashay.

Waa habeen barakaysan sida uu Alle (S.W.T) Ku xusay Qur’aanka kariimka ah, Waa habeen ka khayr badan (1000) kun bilood ,Oo u dhiganta 83 sanno iyo waliba billo.

Waa habeen ay soo dagaan malaa’igtu sida uu Alle (S.W.T) ku xusay Qur’aanka kariimka ah, Waa habeen daggan oo xasilloon amnina ah , oo ciqaabta iyo cadaabkuba yaryahay , waayo? Addoomaha oo dhami habeenkaa waxa ay ku hawlan yihiin xusitaanka Alle (S.W.T) iyo cibaadaddiisa.

La iskuma raacsana habeenkani in uu yahay habeenka 27 labaatanaad , sida ay soomaalidu aaminsantahay , Walaal waxa fiican in aynu dhamaan tobakan dambe dadaalno oo aynan habeen kaliya ku gaabsan , inta kalena aynaan ka jiifan.

Waxa mudan in aynu habeenadan uugu dambeeya bishan barakaysan ka sii badino dadaalkii aynu soo wadnay intii hore ee bishan barakaysan, inaga oo ka tusaale qaadanayna rasuulkeena (N.N.K.H) sida uu u dadaali jiray bishan barakaysan guud ahaan iyo tobankan uugu dambeeyaba.

Rasuulku (N.N.K.H) habeenkii oo dhan salaad iyo duco ayuu u taagnaan jiray marka ay bilaabmaan tobankan dambe , Ehelkiisa waa uu baraarujin jiray .Waxa uu giijisan jiray rasuulku guntigiisa , oo ay culimadu ku maceenyeen , in uu sii libin-laabi jiray dadaalka.Waxa kale oo ay ku maceeneyeen culimada salafku Weedha ah in uu rasuulku gutiga giijisan jiray tobanka dambe, in uu masaajidka u badnaa oo aanu u tagi jirin dumarkiisa .

Rasuulku(N.N.K.H) cunnada cashada uu cuni jiray bisha inteeda hore , marka ay bilaabmaan tobanka dambe , cashadiisa dib ayuu u dhigi jiray oo waa uu ku suxuuran jiray, sida ay xadiis ku soo warisay Hooyadeen Caa’isha.

Rasuulku(N.N.K.H) waa uu maydhan jiray habeenka kasta oo ka mid ah habeenada tobanka dambe ee bishan barakaysan ee Ramadaan labada aadaan dhexdooda , Oo loola jeedo : Eedaanka maqrib iyo eedaanka cashaa’i.

Rasuulku(N.N.K.H) Tobankan dambe ee bishan barakaysan waa uu ” ictikaafi” jiray , isaga oo masjidka ka dhigan jiray hoygiisa kuna sugnaan jiray maalin iyo habeenba.

Ictikaafku waa : in aad naftaada xabsi uuga dhigto masaajid ka mida masaajidada Alle (S.W.T) adeecida Alle(S.W.T) iyo xuska Alle(S.W.T) aad joogtayso ,Oo aad naftaada ka goyso dhamaan wax kasta oo kaa mashquulinaya ,Qalbigaaga iyo qoloftaadaba waa in aad u soo jeediso xuska Alle (S.W.T) ,Iyo waxa aad Alle (S.W.T) uugu dhawaanayso inaad fasho. Waxa aad ka dhaxli cibaadaddan hadii aad fasho , in aad ilaahay u hoggaan sanaato waqti kasta.

Hadaba dhamaanteen aynu is toosinno , oo aynu dadaalkii sii badinno aynu soo wadnay intaynu ku gudo jirnay bishan barakaysan ee Ramadaan.

Baraarujinta ha laysla ogaado , xaaskaaga , ehelkaaga , walaalahaa , waalidkaa . jaarkaaga , asxaabtaada , ku baraaruji in aad waqti kasta cibaadaysataan , oo aad Alle (S.W.T) u hogaansanaataan, Aqoon intan ka faro badan raadsada , oo aad ifka iyo aakhiraba ku liibaantaan…..La soco qaybta dambe .

Allaa mahadleh.

Qalinkii:Guuleed Cumar Madar .

Guuleed_madar@hotmail.com.

Frankfurt, Germany

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories